Soo saarida caanaha naasaha

Maxay u fiican tahay in caanaha naasaha goor hore la soo saaro?

Saacadaha ka dambbeeya umusha heerarka harmoonada naasuhu oxytocin iyo prolaktin aad ayey u sareeyaan. Iyadoo la bilaabayo kicinta carcargelinta soo saarida caanaha naasaha wakhti hore in la sameeyo sida ugu dhakhsaha badan umusha kadib, saacada ama labada saacadood ee ugu horeeya ayaa lagaga faa'iidaysankaraa harmoonada oo kacsan awgeed si ay caano badan oo dhakhso leh u soo baxaan. Haddii aanay markaa suurtogal ahayn ma aha khalad in goor dambe la bilaabo.

In aanu ugu yeerno carcargelinta caanaha naasaha iyo caano soo baxid labadaba waxa sabab u ah in ay caadi tahay in aanay caanaba soo bixin ama ay dhowr dhibcood oo keliya ay soo baxaan wakhtiyada ugu horeeya. Waa wax caadi ah in la siiwado kicinta/caano soo bixinta tartiib tartiib ayey dhowr maalmood kadib u bilaabayaan inay caanuhu u soo baxaan oo ay soo siibato.

Dhibic kasta oo caanaha ka mid ahi qiimo ayey leedahay sida ugu dhakhsaha badana imaha ayaa loo siinayaa

In la siiyo waxyar oo caanaha naaska ee ugu horeeya kolostrum/caanaha dambarka ilmaha ayey firfircooni gelisaa waxaanay xoojinayaan difaaca jirka carruurta carrruuta dhicisyada ah iyo/ama kuwa jirooyinka ku dhasha waxaanay yaraynaysaa cudurada layska qaado. Carruurta inta ugu badan sida ugu dhakhsaha badan ayey bilaabikaraan markay dhashaan kadib, waxa la jeclaan lahaa inay bilaabaan saacadaha ugu horeeya markay dhashaanba kadibna ay siiwataan dhowr jeer afar iyo labaatankii saacadoodba.

Sidee la sameeyaa?

Sida ugu dhakhsaha badan ee ay caanaha dambarka ahi soo dhibcaan haddii ay suurtogal tahay waxa ilmaha laga siinayaa dhabanka halkaa waxa ku yaala xuubka dhabanka oo nuugaya si uu u kiciyo ama carcargeliyo difaaca adkaysiga jirka. Tan adiga ayaa waalid ahaan samaynkara adiga oo kaashanaya shaqaalaha.

Goorma iyo sidee?

Carcargeli/lis naasaha 8 goor maalintii iyo habeenkii si ay u bilaabmaan oo ay u socdaan caanaha naasahu. Waxaanu sidoo kale kugu baraarujinaynaa carcagrlinta naasaha/in aad listo naasaha habeenkii saqda dhexe halmar, si loo kiciyo oo ay u sii socodaan wax soo saarka heerarka sare ee samaynka hormoonada prolakti caanaha naasuhu.

Marka hore waxa inta badan yimaada dhowr dhibcood oo dambarka caanaha ah, laakiin marka la siiwado oo lagu soo celceliyo carcargelinta caanaha naasaha/lisida naasaha dhakhso ayey caanuhu u kordhaan kadibna waxa yimaada caano badan. Inta goor ee maalintii iyo habeenkii la liso ayaa ka muhiimsan inta daqiiqadood ee markasta la liso. Haddii ay suurtogal tahay, lis fadlan naasaha adiga oo ilmaha dhinaca ku haya, maqaar ilaa maqaar/jir ilaa jir, ama marka aad naasaha lisayso hakuu dhawaado ilmuhu maxaa yeelay waxa laga yaabaa inay kordhiso maadada oxytocin, waa hormoon saamayn ku yeesha firfircoonaanta soo saarka iyo sidoo kale soo bixida caanaha naasaha. Haddii aanay suurtagal ahayn u dhawaanshaha ilmaaga waxa firfircoonaanta naasaha fufudaynkara in aad ursato shay uu ilmahaagu ka urayo, tusaale maro yar.

Xaaladaha ugu wanaagsan waa in aad adigu isku daydo in aad hesho meel aad ku nasato, cabitaan, cunitaan iyo xanuunka oo si fiican kaaga jaba.

Habab noocee ah ayaa la isticmaalikaraa – gacan ku lisida naasaha ama mishiinka naasaha lagu liso?

Marka ugu horeysa/mararka ugu horeeya inta badan gacantu way fududaynaysaa carcargelinta/lisida naasaha, taas oo sidoo kale si fududaynaysa caanaha dambarka ah. Haddii tusaale ahaan dhawaan ilmaha lagugu qalay ama aad hoosta xanuun ka daraamayso dhaliintii kadib, mararka qaarkood way adag tahay inuu qofku helo boos ku haboon si uu u isticmaalo mishiinka caanaha lagu liso. Dadka intiisa badani isticmaalka mishiinka naasaha wakhtiyo bambe ayey isticmaalaan, maxaa yeelay waxa loo arkaa inuu yahay shay wanaagsan oo ku caawinaya haddii uu qofku doonayo inuu naasaha liso mudo dheer.

Nadaafada gacmaha

Nadaafada gacmuhu way wanaagsan tahay kahor iyo kadib inta aanad naasaha carvargeliso/lisin, adigoon u eegin habka aad caanaha ku soo saartay. Isticmaal saabuun iyo biyo. Mari gacmahaaga aalkolo kadibna qalaji inta aanad naasaha lisin.

Farsamo iyo talo ku saabsan gacan ku lisidda naaska

Ganac ku lisida naasaha (Handurmjölkning)

  • U dhawow ilmahaaga haday suurtogal tahay, maqaar ilaa maqaar/jir ilaa jir.
  • Dhowr daqiiqo kahor kici naasaha/li naasaha, si fudud u garaac xabadka/laabta naasaha korkooda ilaa ibta naaska.
  • U samee farahaaga sida xarafka "C" geeksa ka baxsan ibta. Qaabka "C" gacantu waxay qabnaysaa xabadka/laabta, faraha isku qabto/isku soo dhawee oo u soo riix dhinaca ibta.
  • Siiwad oo ku soo celceli qoddobka 3aad, gacmahaagu ha dabacsanaadaan. Ku taataabo farahaaga meelaha ibkta u dhow si uu naaska oo dhan u kaco. Kici naaskasta shan daqiiqo kadibna ku soo celceli dhowr jeer. Beddel marka ay naaska caanuhu ka dhammaadaan. Waxay qaadankartaa dhowr daqiiqo/dhowr goor inta aanay caano soo bixin, qofku wuxuu u arkikaraa wakhti dheer. Dulqaado oo sii wad in aad naaska kiciso.
Foto: Sandra Hegestrand
Foto: Sandra Hegestrand

Ku lisida naasaha mishiinka korontada (Urmjölkning med elektrisk pump)

Waxaad kala dooran kartaa in aad labada naasooba halmar wada listo ama aad marba mid mishiinka ku listo. Faa'idooyinka ku jira haddii aan labada naasood halmar wada listo waa dhinaca wakhtiga, sidoo kale waxa sii deysmaya harmoono dhowr ah kuwaas oo kor u kicinaya caddadka caanaha soo baxaya. Isku day oo tijaabi kan adiga kuugu

1. Dooro kan naaska lagu liso ee adiga naaskaaga kugu haboon, si uu geedka/bahalka (tratten) dhexda ku yaalaa u si xor ah ugu dhaqdhaqaaqi karo hore iyo gadaal isagoon xoqin dhartamaha geedka/shayga (tratten).

Qaabka saxda ah – ibta naasku dhexda ayey joogtaa si xor ahna way u dhaqdhaqaaqaysaa
Haduu brösttratt yar yahay – ibta naaska ayaa xoqaya dhinaca marinka mishiinka
Haduu brösttratt weyn yahay- ibta naaska iyo qayb weyn oo ka mid ah ah agagaarka naaska ay aadaya gudaha marinka mishiinka wax lisaya.

2. Mari biyo yar geeksa brösttratten, si fiican ayuu ugu xirmidoonaa.

3. Bilow mishiinka (pumpen) kordhi cadaadiska hawada ilaa uu bilaabo inuu awood yeesahy, kadib yaree hawada ilaa aad dareento si fiican. Ma aha xanuun marka mishiinka lagu lisayo (pumpen)!

Waxa jira 2 barnaamij oo kala duwan oo ah mishiinada naasaha lagu liso ee qaybta yaala, mid waxa la yiraahdaa Bilaalbaya (Initiera) kan kalena waxa la yiraahdaa Dhowraya (Upprätthålla). Iyadoo ay ku xiran tahay barnaamijka uu qofku doorto sidan soo socota ayaa lisida naasaha loo sameeyaa:

Bilaabaya (Initiera)

Marka hore waxa lagu talinayaa in aad ku bilowdo kan laba dhican ah (labadaba). Taabo batanka mishiinka naasaha ee bidixda – kadibna si toos u riix badhanka dhibcaha. Marnaamijku wuxuu ku bilaabmayaa kan dhibcaha waxaana laga arkayaa shaashada, keyso cadaadiska hawada meel dhexdhexaad ah.

Mishiinku si otomaatig ah ayuu isuxirayaa 15 daqiiqo kadib. Markaad listo 20 ml oo caano ah sadexgoor oo isku xiga shanta maalmood ee ugu horeeya, u beddelo markaa in aad isticmaasho habka Dhowrida ee hoos ku qoran.

Dhowraya (Upprätthålla)

Riix batanka bidixda ku yaala ee mishiinka, mishiinku wuxuu hadda ku bilaabayaa sadex dhibcood oo shaashada laga arko. Geyso cadaadiska hawada meel dhexdhexaad ah. Mishiinku laba daqiiqo ayuu ku shaqaynayaa "wejiga kicinta" kadibna si otomaatig ah ayuu ugu wareegayaa "wejiga wax soo saarka". Gacanta ayaa lagu kala beddelan karaa inta u dhaxaysa labada weji adiga oo riixaya "batanka dhibcaha" ee midigta ku yaala haddii qulqulka caanuhu ay kahor dhakhsadaan wax kahoreeya laba daqiiqo. Intaanay caanaha soo saarkoodu si caadi ah u soobixin way ku filan tahay inta badan in la bambeeyo naas kasta 5 – 15 daqiiqo. Marka ay caanuhu si caadi ah u soo baxaan lis naasaha ilaa iyo intay caanuhu naasaha ka soconayaan, qiyaastii 15 – (30) daqiiqo naaskiiba ama sida aad adigu doonayso.

Lisida naasaha kadibna nadaafadda (Hygien efter pumpning)

Qaybtaha mishiinka (bamka) halmar ayaa la beddelayaa/afar iyo labaatankii saacadoodba intuu ilmahu takhtarka ku jiro. Waa lakala furfurayaa mishiinka, marka hore biyo qabow ayaa lagu dhaqayaa, kadibna biyo kulul ugu dambayna biyo qabow. Qaybaha mishiinka waa la qalajinayaa kadibna waxa la dhigayaa meel nadiif ah. Marka guriga la joogo qaybaha mihiinka muddo dheer ayaa la isticmaalayaa oo halmar ayaa biyo lagu karkarinayaa oo aanay ku jirin nadiifintii caadiga ahayd.

Haddii aad hayso/haysaa su'aalo – naweydiiya annaga