Ku soo dhowaada rugta qaabilaadda carruurta dhicisyada iyo jirooyinka ee isbitaalka Karolinska

Qaybaha qabilaadaha waxa la keenaa carruuraha laga keeno qaybaha daryeelka caafimaad dhisyada iyo jirooyinka (Neonatalvården) ee u baahan in kaantaroolkii lagu samaynayey uu u sii socdo

La soo xiriira rugta qaabilaadda (mottagningen) carruurta dhicisyada iyo jirooyinka ee Danderyd

Danderyds sjukhus
Armbågsvägen 3
uppgång P, plan 7
08-123 567 51

Waxaad nagala soo xiriraysaan marka aad rabtaa in aad ballan dhigataan ama aad ballan ka baaqanaysaan, aad rabtaan in aad in la xiriirtaan mid ka mid ah dhakhaatiirta ama aad cusboonaysiinaysaa daawo/warqad caddayn ah laydiin qoro. Mishiinka telefoonka ku dhaaf/ku sheeg macaga ilmaha iyo tobankiisa lambar markaa annaga ayaa sida ugu dhakhsaha badan idinkula soo xirarayna.

La soo xiriira rugta qaabilaadda (mottagningen) carruurta dhicisyada iyo jirooyinka ee Huddinge

Mottagning Neonatal Huddinge
Karolinska Universitetssjukhuset Huddinge
Kirurggatan K76
08-58587574

Waxaad nagala soo xiriraysaan marka aad rabtaa in aad ballan dhigataan ama aad ballan ka baaqanaysaan, aad rabtaan in aad in la xiriirtaan mid ka mid ah dhakhaatiirta ama aad cusboonaysiinaysaa daawo/warqad caddayn ah laydiin qoro. Mishiinka telefoonka ku dhaaf/ku sheeg macaga ilmaha iyo tobankiisa lambar markaa annaga ayaa sida ugu dhakhsaha badan idinkula soo xirarayna.

Daryeelka caafimaadka guriga ee isbitaalka carruurta Astrid Lindgren Solna

Mottagning Neonatal Solna
Hus Q (Gamla Astrid Lindgrens barnsjukhus), uppgång B, plan 3.
08-517 737 10

Waxaad nagala soo xiriraysaan marka aad rabtaa in aad ballan dhigataan ama aad ballan ka baaqanaysaan, aad rabtaan in aad in la xiriirtaan mid ka mid ah dhakhaatiirta ama aad cusboonaysiinaysaa daawo/warqad caddayn ah laydiin qoro. Mishiinka telefoonka ku dhaaf/ku sheeg macaga ilmaha iyo tobankiisa lambar markaa annaga ayaa sida ugu dhakhsaha badan idinkula soo xirarayna.

Inta badan caruurta hadda dhasha ee lagu daryeelo isbitaalka waxay noqdaan qaar caafimaad qaba oo horumar caadi ah sameeya. Hase yeeshee waxa jira carruur horumarka dhibaato kala kulanta kuwaas oo aan la ogaankarin muddada la daryeelayo. Si loo ogaado carruuraha iyo qoysaska u baahan caawimooyin dheeraad ah intuu ilmuhu korayo waxaanu qaar ka mid ah carruuraha bukaanka ah u soo bandhignaa inay ka qayb qaataan barnaamijyo dabagal ah oo heer qaran ah oo loogu talagalay carruurta ku dhalata dhicisnimada iyo jirooyinka. Marka ilmaha isbitaalka laga saarayo waxa go'aamiya dhakhtarka mas'uulka ka ah nooca uu dabagalkaasi noqonayo iyadoo la eegayo barnaamijka dabagalka ee ilmahaaga ku haboon.

Waa suurtogal inaynu kulano marka ilmihiina u socdaan baaritaana buuxa ee qaybaha lagaga samaynayo, wixii intaa ka dambeeya waxaynu kulmaynaa markuu ilmuhu saddex bilood gaaro, kaantaroolka sannadka, kaantaroolka labada sannadood iyo kan 5, 5 sannadood inta aanu ilmuhu bilaabin fasalka carruurta lix jirada. Waxaad la kulmaysaan dhakhaatiir carruureed oo khibrad leh, kalkaaliyaasha caafimaadka carruurta, dhakhaariirta jimicsiga jirka, qof bartay cuntada nafaqada leh (dietist) iyo dhakhaatiirta cilmi nafsiga (saaykoolajiistayaal) kuwaas oo ku samaynaya horumarka ilmaha qiimayno taxddir leh oo ku saabsan dhinaca dhaqdhaqaaqa jirka (motorik), dhinaca maxkaxda (kognition), dabeecada iyo koriinka ama kobcida. Ujeedadiu waa inay dhammaantood siiyaan ilmahiina iyo qoyskaba kaalmada iyo caawimada aad u baahan tihiin.

Natiijooyinka ka soo baxa baaritaanada waxa lagu ururinayaa diiwaanka tayadda ee heer qaran SNQ. Diiwaankaas waxa lagu isticmaalayaa cilmibaarisyada ku saabsan carruuraha ku dhasha dhicisnimada iyo jirooyinka. Waalid ahaan waxaad fursad u haysataan in aad iska dhaaftaan in macluumaadka ilmihiina aan diiwaankaa la gelin.
Waxaanu sidoo kale kugu soo dhaweynaynaa in marka aad guriga timaado ee aad la kulanto Rugta caafimaadka carruurta (BVC ) kadib aad ballansataan kalkaaliyaha caafimaadka kaas oo dhammaystir kuu noqonaya. Waxaanu mas'uul ka nahay tallaalka ugu horeeya ee ilmaha iyo in aanu isku dubaridno baaritaanada uu u baahan yahay ilmihiinu markuu isbitaalka laga saaro.

Wakhtiyada booqashooyinku way kala duwaan yihiin inta u dhaxaysa 30-60 daqiiqadood. Tallaalka iyo tijaabooyinka dhiigaga ilmaha laga qaado kadib waxa dhicikarta in aad wakhti dheer joogtaan.