Qaybta daryeelka carruurta dhicisyada iyo jirooyinka ee Danderyd 1

Qaybta daryeelka carruurta dhicisyada iyo jirrada ee Danderyd waxay daryeelaan carruurta dhalata ee jirran iyo carruurta dhisyada ah. Waxaanu carruurta siinaa daryeel degsdeg ah oo isdabajoog ah qoyskuna kaalin weyn ayey ku leeyihiin muhiimadana waxaanu siinaa sidii ay waalidiintu daryeelka ilmaha qayb ugu noqon la haayeen.

Carruurta u baahan kormeer dheeraad ah ayaa lagu xannaaneeyaa qolalka ilaalada
Markay yaraato baahida uu ilmuhu u qabo daryeel caafimaad wuxuu ilmuhu la degganaankaraa waalidkiis, mid ka mid ah qolalka loogu talalgay goysaska ee qaybta ku yaala..

Hooyooyinka aan hore wax u dhalin marka ilmaha dhiciska ama ilmaha jiran dhalaan ayaa iyagana si toos ah loogu daryeelayaa meesha ilmahooda lagu daryeelayo. Haddii uu ilmuhu u baahan yahay ilaalo caafimaad waxa markaa lagu ilaalinayaa nidaamka ilaalada ee (trådlöst).

Marar badan wakhtiga daryeelku wuu dheeraadaa. Markaa waa muhiim inay waaldiintu awood u yeeshaan. Way fiican tahay in aad ka fikirto in aad cunto cuntooyin isu dheelitiran iyo in aad nasato, iyo inaad sidoo kale waxyar marmarka qaarkood aad ka baxdo isbitaalka si aad hawo u soo qaadato.

Halkan ayaad ka heleysaan

Qaybta daryeelka carruurta dhjicisyada iyo jirrad Danderyd 1
Isbitaalka Danderyd
Armbågsvägen 3, Målpunkt P, plan 5

Google maps ayaad ka heleysaa

Isbitaalka Danderyd waxaad u soo raacaysaa tareenka dhulka hoostiisa mara ee ku socda laynka guduudka ah ee dhinaca Mörby Centrum. Basas badan oo iyaguna ka yimid dhinaca waqooyi ayaa iyaguna istaaga isbitaalka bannaankiisa. Sidoo kale baabuurna waad u soo raacikaraa adiga oo soo maraya waddada E20, laakiin meelaha baarkeerinada ee baabuurta la dhigto ayaa xaddidan, sidaa daraadeed way adkaankartaa in aad hesho meel firaaqo ah oo aad maalintaa baabuurka dhigato. 

Booqasho

Walaalada, dadka qaraabada ama dadka kale ee qoyska muhiimka u ah waa la soo dhowaynayaa inay soo booqan ilmaha laakiin waa inay shaqaalaha hawsha hayaa heshiis la galaan. Qiimaynta waxa lagu salaynayaa iyada oo laga duulayo sida uu ilmuhu ugu baahan yahay deggenaansho nasasho ah iyo hawlaha ka socda qolka ilmaha lagu daryeelo. Tiradda dadka, marka laga reebo hooyada iyo aabbaha waxa haboon inay noqdaan laba qof markiiba. Wakhtiga booqashada la joogayo waxa si wadajir ah idiinla go'aaminaya shaqaalaha markaa meesha jooga. Carruuraha kale marka laga reebo ilmaha waaladiisa lama oggola inay soo booqdaan ilmaha jiran/ilmaha dhiciska ah.

Ilmaha yari aad ayuu ugu nugul yahay infekshanada markaa waa muhiim in dadka ilmaha soo booqanayaa aanay lahayn astaamo ku saabsan infekshan, qandho/xumada, cuno cuncun/xanuun, sanka oo xiran, qufac iwm. Kala tashada marwalba kalkaaliyaha caafimaadka ee markaa shaqada ku jira marka ay suurtogalka tahay ee ay dadka qaraabada ahi ilmaha soo booqankaraan. Waad u madax bannaantihiin in aad sawir/film ka qaadaan ilmihiina kadibna aad tustaan buugga maalin laha ah ee ilmihiina halkan laga siiyey ee loogu talagalay dadka qaraabada ah. Haddii ilmaha yari uu leeyahay walaalo kale oo guriga jooga waa muhiim inay wax u soo sawiraan oo ay u soo diraan si uu ilmaha yar ee ay walaalaha yihiin uu qolkiisa ugu haysto sawiradaa.

Haddii ay waalidka soo booqdaan dad ay qaraabo yihiin oo rabo inay waxoogaa joogaan waxa markaa wanaagsan in aad fariisataan qolka waalidka loogu talagalay ee ku yaala albaabka qaybta laga soo galo bannaankiisa. Qolku wuxuu leeyahay firinjeer/talaagad iyo mikroo cuntada lagu diirsado. Ka fikira markaad wixiina ku dhamaysataan nadaafada si ay meeshu ugu ekaato meel qorxoon oo dadka idinka dameeyaan iyaguna u istcimaalikaraan.

Su'aalo wax ku ool ah

Baarkeerinka

Isbitaalka Danderyds sjukhus wuxuu leeyahay dhowr meelood oo baabuurka la dhigto. Maalmaha usbuuca dhammaantood baarkeerinada lacag ayaa lagu dhiganayaa waxaana loogu talagalay inuu qofka booqashada ku imanayaa 6 saacadood dhigto iyo dadka jirran qudhoodu marka laga reebo BB iyo waxyaabaha degdega ah (akut).

Isniin – jimce 06:00-22:00, 15kr/tim

Sabti – axad 06:00-22:00, 8kr/tim

Waxa lagu bixinkaraa kaar, app, SMS ama cod. Bogga internetka www.parkster.se waxa jira warbixino si fiican kuu tilmaamaya sidii aad u maarayn lahayd hababka kala duwan ee dhigitaalka ah ee lacagta lagu bixinayo.

Baabuurta korontada ku socda waxa loogu talagalay baarkeerino la cayimay oo ku yaala meel ka baxsan huriga O (hus O). Halkaas ayaa loo ogol yahay in baabuurta korantada ku shaqeeyaa bilaash lagu dhigo ilaa iyo inta uu beytarigu u buuxsamayo, laakiin ugu badnaan waa 4 saacadood.

Irrida laga soo galo (Entré)

Irrida laga soo galo qaybta waa inuu marwalba xiran yahay. Marka meesha laydinku qorayo waxaa laydin siindoonaa lambar (kod) aad ku soo gashaan.

Irrida laga galo meesha barkeerinka (hus P) waxay furan tahay inta u dhaxaysa 06:00-19:00. Irrida weyn ee laga soo galaa waxay furan tahay inta u dhaxaysa 06:00-10:00.
Wakhtiyada kale waxa laga soo geleyaa qaybta qaabilaada degdeg ah (akutmottagningen) 

Dharka dibadda loola baxo (ytterkläder)

Qaybta looma oggola dharka dibadda loola baxo. Dharkaas waxa la dhigayaa qolka qoyska ama armaajada albaabada qaybta xaggiisa shishe ee gudaha ku taala.

Wakhtiyada cuntada

Waxaanu bixinaa quraac subax kasta inta u dhaxaysa 7:00-10:00. Waxa marwalba la helikaraa bun, shaah iyo shukulaato.

Waxa dhicikarta in alaabo yar oo la qaboojiyo oo dambiil/Salled ku jira oo lagu calaamadiyey qol lambarkiis in lagu rido firinjeerka/talaajadda dadka kawada dhaxaysa. Waxa jira shoolad wax lagu karsan karo iyo mikroo. Ka fikira markaad wixiina ku dhamaysataan nadaafada si ay meeshu ugu ekaato meel qorxoon oo dadka idinka dameeyaan iyaguna u istcimaalikaraan jikkada. Waalidiinta ayaa si wadajir ah uga mas'uul ah meeshaas taas macnaheedu waa idinka ayaa mishiinka weelka dhaqa ku ridaya kana guraya markuu mishiinku dhameeyo, idinka ayaa miisaska iyo kuraasida masaxaya.

Isbitaalka gudidhiisa waxa ku yaala dhowr makhaayadood dukaan joornaalada laga gato iyo farmashiiye. Suuqa Mörby waxa ku yaala dukaamo badan, farmashiiye iyo makhaayado.

Telefoonada gacanta/Sawiridda/WiFi

Waxa fiican marka telefoonka gacanta lagu hadlayo in lala tago meel ka baxsan meesha ilmaha lagu daryeelayo. Waxaanu rabnaa marka ilmaha lala joogo/loo dhow yahay in aanu telefoonku lahayn cod si aanu ilmaha u dhibin, ka dhig sida marka diyaarada la saaran yahay oo kale. Qoka qoyska loogu talagalay telefoonka waa lagu isticmaali karaa. Telefoonka gacanta waxa loo oggol yahay inuu qofku ilmihiisa ku sawirto. Sida kale guud ahaan sawirku isbitaalka waa ka mamnuuc. Waxa jira wi-fi ay dadka martida ahi isticmaali karaan.

Siggaar cabbid

Isbitaalka jaamacadda Karolinska siggaar cabbidu waa ka mamnuuc. Sidaa daraadeed waxa siggaarka lagu cabbikaraa meelaha loogu talagalay ee bannaanka oo keliya.

Foomka su'aalaha waalidiinta

Waxaanu aad u doonaynaa in aanu idinsiino qaabilaad iyo daryeel wanaagsan sida ugu macquulsan. Waxaanu rabnaa in aanu bixino daryeel caafimaad oo tayo sare iyo himilooyin joogto ah sidii aanu intaa uga sii fiicnaan lahayn. Sidaa daraadeed waxaanu u baahanahay in aanu aragtiyo si joogto ah aanu idiinka helo hadaad tihiin waalidiinta. Sidaa daraadeed marka joogitaankii isbitaalku idiin dhammaanayo waxaanu idinka codsanayaa inaa buuxisaan foom su'aalo ah oo ku saabsan aragtidiina intii aad joogteen qaybta isbitaalka. Waanu jecelnahay in aad dib noogu soo celisaan aragtidiina taas oo daryeelka aanu bixino ka dhigaysa mid ka sii fiicnaanta oo ammaan ah

Ka qayb qaadashada waalidka

Waxaanu annagu u shaqaynaa sida uu dhigayo NIDCAP (Newborn Individualized Developmental Care and Assessment Program) taas oo macnaheedu tahay in daryeelka caafimaadku xuddun tahay qoyska, waxa diiradda la saarayaa ilmaha iyo qoyskaba. Daryeelka caafimaaka waxa la waafajinayaa heerka horumarksa ee uu ilmo walba joogo qoyskuna marka ugu horaysaba qayb ayuu ka yahay daryeelka caafimaadka ee ilmaha. Idinka ayaa ah dadka ugu muhiimsan ee nolosha ilmihiina waana arrin iska cad in aad idinku ka qayb qaadanaysaa inta aad awoodan daryeelka ilmihiina. Marka ilmihiina lagu daryeelayo qolka intensiifka waxa fiican in aad shaqaalaha u sheegtaan marka aad rabtaan in aad ilmaha ka tagtaan iyo marka aad soo laabanaysaan. Qorshe loogu talagalay maalintaas ayaa idinka iyo shaqaaluhu si wadajira u samaynaysaan. Inta badan way shaqaysaa arrintaasi, laakiin marmar ilmaha ayaa arrintaa ka soo horjeesta/xafaayada laga beddelayo wwm, qorshihii markii hore laysku raacay.

Waa muhiim in hadaa waalidiinta tihiin aad arrintaas tamar u heshaan. Isku daya inaad cuntaan isku dheelitiran iyo in aad heshaan wakhtiyo aad ku nasataan. Marka aad ilmahaaga la deggan tahay qofka qoyska waa muhiim in aad u sheegto shaqaalaha haddii aad rabto in aad qolka ilmaha keligiis kaga tagtaan.

Waxaanu annagu rabnaa in aad dareentaan ammaan inta aanu annagu ilmihiina daryeelka siinayno. Wixii aad rabtaan waad na weydiinkartaan su'aalaha aad ka fikiraysaa dhammaantood waa muhiim.

Nadaafada gacmaha

Carruurta yaryar ee jirooyinka ku dhashaa aad ayey ugu nugul yihiin infekshannada, sidaa awgeed aad in aad looga taxaddaro nadaafadda gacmuhu ww muhiim.

Sidan ayaa samaynaysaan marka aad soo gashaan qolka ilmihiina lagu daryeelayo:

  • Iska saar faraatiyada, saacadda iyo jijimada/shuuliyada gacmaha
  • Ku dhaq gacmaha iyo qaybaha hore gacmaha saabuun iyo biyo. Si fiican ugu qalaji waraaqaha laysku tittiro/masaxo si uu maqaarku u qalalo.
  • Si fiican ugu duug alkolo/isbiirte gacmaha, faraha iyo qaybaha hore gacamaha. Waxyar ha qalalaan.
  • Marwalba ku duug oo marmari alkolo/isbiirte inta aydaan gacmaha gelin dhalada/sariirta uu ilmuhu ku jiifo. Marka aad gacmaha ka soo saartaan dhalada/sariirta waxaad u baahan tihiin in aad alkolo/isbiirte kale gacmaha marisaan inta aydaan wax kale qaadin.

Markale dib u sameeya qoddobka 3aad marka aad shay qaadaan ama aad tusaale ahaa idinku wejigiina ama timihiina taabataan. Markale dib u sameeya qoddobada 2aad iyo 3aad marka ay gacmihiina ku yaalaan wasakh laga arkayo/gacmaha qaybtooda hore ama tusaale ahaan aad ilmaha xafaayada ka beddeshaan.

Ka akhri macluumaad intaa dheer bogga hagaha nadaafadda (hygienguide)

Taageero

Qaybta waxa ka shaqeeya qof idin kala talinay arrimaha bulshada (kurator), way fiican tahay in aad la hadasho qofkale oo ka baxsan dadka ilmahaaga daryeelaya tooska ah siinaya. Sidoo kale wuxuu la taliyaha arrimaha bulshadu idinka caawinkaraa warbixino ku saabsan lacagta waaldika la siiyo, markuu qofku xannuun ku maqan yahay iyo su'aalo la taaban karo oo wax ku ool ah. Mararka qaarkood way fiican tahay inay walaalaha waaweyn iyo dadka qaraabada ahi la hadlaan la taliyaha arrimaha bulshada (kurator).

Waxaanu sidoo kale idinku casumaynaa wadahadal ku saabsan daaweynta cudurada maskaxda ku dhaca (psykoterapeutisk traumabehandling) sannadka ugu horeeya ilmaha- xitaa markaa ka baxdaan isbitaalka.

Shaqaalaha isbitaalka kiniisadda ayaa marwalba diyaar u ah inay wadahadalo idinla sameeyaan. Haddii aad rabtaan in aad la xiriirtaan waxaad weydiinaysaan shaqaalaha qaybta ka shaqeeya ama waxa idiin gudbinaya telefoonka 08-123 550 00. Haddii aad rabtaan in ilmihiina loo magac bixiyo inta uu daryeelka caafimaad ku jiro waxa idinka caawinaya kiniisada isbitaalka.

Kiniisadda isbitaalka ayaa idinka caawinaysa haddii aad rabtaa in aad xiriir la samaysaan wakiiladda ururada iyo diimaha kaleba.

Dabaqa 4aad ee guriga N (albaabka weyn ee laga soo galo jaranjarada soconaysa dhinaceeda) waxa ku yaala hal qol oo loogu talagalay xasillonida (tukashada) oo booqashooyinka u furan saacadaha u dhexeeya 07.00-19.00.