Qaybta daryeelka carruurta dhicisyada iyo jirooyinka ee Huddinge

Qaybta daryeelka carruurta dhicisyada iyo jirrada ee Huddige waxay daryeelaan carruurta dhalata ee jirran iyo carruurta dhisyada ah. Waxaanu carruurta siinaa daryeel degsdeg ah oo isdabajoog ah qoyskuna kaalin weyn ayey ku leeyihiin muhiimadana waxaanu siinaa sidii ay waalidiintu daryeelka ilmaha qayb ugu noqon la haayeen.

Waalidiintu waxay dhammaantoo fursad u leeyihiin inay la deggenaadaan ilmahooda, inay ilmahooda isku qol la joogan ama qol ku xiriirsan qolka ilmahoodu joogo. Wakhtiga daryeelka ilmaha la siinayaa wuu kala duwanaankaraa wuxuu noqon karaa dhowr saacadood ilaa dhowr bilood. Carruuraha qaarkood wakhtiyada dambe ee daryeelka caafimaadka waxay ku qaadan karaa gurigooda la kaashanaya daryeelka caafimaadka guryaha (hemsjukvård) kuwaas oo kuwada xiran qaybaha isbtitaalka dhammaantood.

Halkan ayaad ka heleysaan

Qaybta daryeelka carruurta dhiciska iyo jirooyinka ku dhasha ee Huddinge
Ibitaalka jaamacadda Karolinska ee Huddinge
Kirurgigatan 6-8, plan 7 (K76-78)

Google maps ayaad ka heleysaa

Si aad u hesho qaynta waxaad toos uga baxaysaa albaabka weyn ee laga soo galo. Qaado dhinaca bidix ee Kirurgigatan. Raac barxadaa (korridoren), dhaaf qolka wiishka kadibna sii soco ilaa iyo qolka kale ee wiishka (K4). Wiishka ayaad kor u raacaysaa ilaa dabaqa 7aad. Marka aad wiishka ka degto albaabku dhinaca bidix oo waxyar qalooc ah ayuu kaa qabanayaa. Qaybta carruurta dhicisyada iyo jirooyinku way xiran tahay, markaa taabo gambaleelka annaga ayaa kaa furayna oo ku saxayna. Soo dhowaada! 

Baarkeerinka

Baabuurta waxa la dhigan karaa meelaha booqashada loogu talaglay. Qiimauhu waa Saacadii waa 8 kr/timme.

Booqasho

Walaalada, dadka qaraabada ama dadka kale ee qoyska muhiimka u ah waa la soo dhowaynayaa inay soo booqan ilmaha laakiin waa inay shaqaalaha hawsha hayaa heshiis la galaan. Qiimaynta waxa lagu salaynayaa iyada oo laga duulayo sida uu ilmuhu ugu baahan yahay deggenaansho nasasho ah iyo hawlaha ka socda qolka ilmaha lagu daryeelo. Tiradda dadka, marka laga reebo hooyada iyo aabbaha waxa haboon inay noqdaan laba qof markiiba. Wakhtiga booqashada la joogayo waxa si wadajir ah idiinla go'aaminaya shaqaalaha markaa meesha jooga. Carruuraha kale marka laga reebo ilmaha waaladiisa lama oggola inay soo booqdaan ilmaha jiran/ilmaha dhiciska ah.

Ilmaha yari aad ayuu ugu nugul yahay infekshanada markaa waa muhiim in dadka ilmaha soo booqanayaa aanay lahayn astaamo ku saabsan infekshan, qandho/xumada, cuno cuncun/xanuun, sanka oo xiran, qufac iwm. Kala tashada marwalba kalkaaliyaha caafimaadka ee markaa shaqada ku jira marka ay suurtogalka tahay ee ay dadka qaraabada ahi ilmaha soo booqankaraan. Waad u madax bannaantihiin in aad sawir/film ka qaadaan ilmihiina kadibna aad tustaan buugga maalin laha ah ee ilmihiina halkan laga siiyey ee loogu talagalay dadka qaraabada ah. Haddii ilmaha yari uu leeyahay walaalo kale oo guriga jooga waa muhiim inay wax u soo sawiraan oo ay u soo diraan si uu ilmaha yar ee ay walaalaha yihiin uu qolkiisa ugu haysto sawiradaa.

Haddii ay waalidka soo booqdaan dad ay qaraabo yihiin oo rabo inay waxoogaa joogaan waxa markaa wanaagsan in aad fariisataan qolka waalidka loogu talagalay ee ku yaala albaabka qaybta laga soo galo bannaankiisa. Qolku wuxuu leeyahay firinjeer/talaagad iyo mikroo cuntada lagu diirsado. Ka fikira markaad wixiina ku dhamaysataan nadaafada si ay meeshu ugu ekaato meel qorxoon oo dadka idinka dameeyaan iyaguna u istcimaalikaraan.

Su'aalo wax ku ool ah

Qaybta waxa lagu xannaaneeyaa carruurta dhicisyada ah iyo carruurta wakhtigoodii caadiga ahaa ku dhasha ee u baahan in si dheeraad ah looga warhayo, daryeela caafimaad ama daaweyn aanay qaybta lagu dhalaa aanay bixinkarin. Carruurta halkan lagu daryeelo waxay inta badan u nugul yihiin qaylada dheer, iftiinka badan iyo infekshanada.

Ilmaha halkan lagu daryeelo waxa lagu xannaaneeyaa meesha intensiifka (intensivvårdsplats) halkaas oo dadka waalidka ah la siinayo qol iyagu leeyihiin qolkaa oo ay isku xiriirsan yihiin meesha ilmaha lagu daryeelayo, ama waxa la siiyaa qol gaar ah oo ay qoyska oo dhami deggenaan karaan oo ay habeenkii wada seexan karaan.
Isbitaalka carruurta ee Astrid Lidgren wuxuu deeggaanka Stockholm ku leeyahay saddex qaybood oo ah carruurta ku dhalata dhicinimada iyo jirooyinka waana caadi inuu qoysku beddelo qolka iyo xitaa marmar qaybta ilmaha lagu daryeelaya inta lagu guda jiro muddada daryeelka

Soo gelitaan/kaar lagu soo geleyo (entre/passerkort)

 Albaabka weyn ee isbitaalka laga soo galo wuu xiran yahay inta u dhaxaysa 22- 05, soo wac telefoonka derbiga ku yaala si aad u soo gasho. Qaybtu afar iyo labaatankii saacadoodba way xiran tahay. Mas'uulka ilmahu wuxuu saxiixayaa warqad kadib waxa la siinayaa kaar waxaana ku siinaya shaqaalaha daryeelka wuxuu qofku bixinayaa lacag deebaaji ah.

Dharka dibada loola baxo (ytterkläder)

Albaabka laga soo galo qaybta waxa ku yaala armaajo fure leh oo dharka bannaanka lagu xiran karo. Isticmaal bacda kabaha la geliyo haddii uu dhulku qoyan yahay kadibna waanu jeclaan lahayn inuu qofku kabaha gudaha lagu joogo gashado.

Kharashka bukaan socodka (patientavgifter)

Carruurta ku dhalata dhicisnimada iyo jirooyinka lacag la'aan ayaa lagu daryeel yeelayaa.

Cunto/quraac

Qoysku waxay lacag la'aan ku helikaraan inay isticmaalaan jikadda waalidiinta ee qaybta. Subax kasta quraacda waxaanu bixinaa saacadaha u dhexeeya 07:00 iyo 09:00 waxaana marwalba jira bun, shaah iyo shukulaato. Halkan waxa jira fursad ah inuu qofku kululaysankaro cuntada uu soo qaatay iyo inuu helikaro qaboojiye, firinjeer (talaagad) iyo meel uu alaabada qalalan dhigan karo. Dadka isticmaala jikada dhammaantoo iyaga ayaa ka mas'uul ah dhiqida weelka iyo tirtirida miisaska iyo kuraasida. Sababo nadaafada awgeed marka wax la qalajinayo waxa la isticmaalayaa waraaqo keliya. Meelaha dusha sare ee la isticmaalay waxa la marinayaa oo lagu tirtirayaa ytdesinfektion.

Dabaqa 5aad & 6aad ee albaabka weyn ee laga soo galo waxa ku yaala makhaayad, kafateeriya iyo dukaan yar. Suuqa Flemingsberg waxa ku yaala makhaayado badan iyo dukaamo cunto.

Walaalo/booqasho

Qaybta dhexdeeda majiro boos weyn oo loogu talagalay inay carruurta walaaluhu ku ciyaaraan. Dhammaan walaalaha waa lagu soo dhaweynayaa inay soo booqdaan meesha lagu ciyaaro iyo meel dibbeda ah oo lagu ciyaaro oo ku taala meel isbitaalka u dhow. Waxaa looga baxayaa Barngatan B4, plan 4.

Fursaddaha dhar dhiqida waalidiinta

Qofku dharkiisa wuxuu ku dhaqan karaa qaybta (avdelningen). Wakhtiga uu qofku xiranayo qolka dharka lagu dhaqdo wuxuu ka helayaa meel u dhow jikada waalidiinta. Saabuunta dharka lagu dhaqdo oo aan caddar lahayn iyo saabuunta jilcisaduba waxay yaalaan qolka dharka lagu dhaqo. Dadka isticmaala qolka dharka lagu dhaqo ayaa mas'uul ka ah nadaafada qolka. Meela qasaaladdaha korkooda oo dhan waxaa lagu tirtirayaa daawada jeermiska disha (ytdesinfektion) marka la isticmaalo kadib.

Telefoonada gacanta/Sawiridda/WiFi

Waxa fiican marka telefoonka gacanta lagu hadlayo in lala tago meel ka baxsan meesha ilmaha lagu daryeelayo. Waxaanu rabnaa marka ilmaha lala joogo/loo dhow yahay in aanu telefoonku lahayn cod si aanu ilmaha u dhibin, ka dhig sida marka diyaarada la saaran yahay oo kale. Qolka qoyska loogu talagalay telefoonka waa lagu isticmaali karaa. Telefoonka gacanta waxa loo oggol yahay inuu qofku ilmihiisa ku sawirto. Sida kale guud ahaan sawirku isbitaalka waa ka mamnuuc. Waxa jira wi-fi ay dadka martida ahi isticmaali karaan.

Siggaar cabbid

Isbitaalka jaamacadda Karolinska siggaar cabbidu waa ka mamnuuc. Sidaa daraadeed waxa siggaarka lagu cabbikaraa meelaha loogu talagalay ee bannaanka oo keliya.

Foomka su'aalaha waalidiinta

Waxaanu aad u doonaynaa in aanu idinsiino qaabilaad iyo daryeel wanaagsan sida ugu macquulsan. Waxaanu rabnaa in aanu bixino daryeel caafimaad oo tayo sare iyo himilooyin joogto ah sidii aanu intaa uga sii fiicnaan lahayn. Sidaa daraadeed waxaanu u baahanahay in aanu aragtiyo si joogto ah aanu idiinka helo hadaad tihiin waalidiinta. Sidaa daraadeed marka joogitaankii isbitaalku idiin dhammaanayo waxaanu idinka codsanayaa inaa buuxisaan foom su'aalo ah oo ku saabsan aragtidiina intii aad joogteen qaybta isbitaalka. Waanu jecelnahay in aad dib noogu soo celisaan aragtidiina taas oo daryeelka aanu bixino ka dhigaysa mid ka sii fiicnaanta oo ammaan ah

Ka qayb qaadashada waalidka

Waxaanu annagu u shaqaynaa sida uu dhigayo NIDCAP (Newborn Individualized Developmental Care and Assessment Program) taas oo macnaheedu tahay in daryeelka caafimaadku xuddun tahay qoyska, waxa diiradda la saarayaa ilmaha iyo qoyskaba. Daryeelka caafimaaka waxa la waafajinayaa heerka horumarksa ee uu ilmo walba joogo qoyskuna marka ugu horaysaba qayb ayuu ka yahay daryeelka caafimaadka ee ilmaha. Idinka ayaa ah dadka ugu muhiimsan ee nolosha ilmihiina waana arrin iska cad in aad idinku ka qayb qaadanaysaa inta aad awoodan daryeelka ilmihiina. Marka ilmihiina lagu daryeelayo qolka intensiifka waxa fiican in aad shaqaalaha u sheegtaan marka aad rabtaan in aad ilmaha ka tagtaan iyo marka aad soo laabanaysaan. Qorshe loogu talagalay maalintaas ayaa idinka iyo shaqaaluhu si wadajira u samaynaysaan. Inta badan way shaqaysaa arrintaasi, laakiin marmar ilmaha ayaa arrintaa ka soo horjeesta/xafaayada laga beddelayo wwm, qorshihii markii hore laysku raacay.

Waa muhiim in hadaa waalidiinta tihiin aad arrintaas tamar u heshaan. Isku daya inaad cuntaan isku dheelitiran iyo in aad heshaan wakhtiyo aad ku nasataan. Marka aad ilmahaaga la deggan tahay qofka qoyska waa muhiim in aad u sheegto shaqaalaha haddii aad rabto in aad qolka ilmaha keligiis kaga tagtaan.

Waxaanu annagu rabnaa in aad dareentaan ammaan inta aanu annagu ilmihiina daryeelka siinayno. Wixii aad rabtaan waad na weydiinkartaan su'aalaha aad ka fikiraysaa dhammaantood waa muhiim.

Nadaafada gacmaha

Carruurta yaryar ee jirooyinka ku dhashaa aad ayey ugu nugul yihiin infekshannada, sidaa awgeed aad in aad looga taxaddaro nadaafadda gacmuhu ww muhiim.

Sidan ayaa samaynaysaan marka aad soo gashaan qolka ilmihiina lagu daryeelayo:

  • Iska saar faraatiyada, saacadda iyo jijimada/shuuliyada gacmaha
  • Ku dhaq gacmaha iyo qaybaha hore gacmaha saabuun iyo biyo. Si fiican ugu qalaji waraaqaha laysku tittiro/masaxo si uu maqaarku u qalalo.
  • Si fiican ugu duug alkolo/isbiirte gacmaha, faraha iyo qaybaha hore gacamaha. Waxyar ha qalalaan.
  • Marwalba ku duug oo marmari alkolo/isbiirte inta aydaan gacmaha gelin dhalada/sariirta uu ilmuhu ku jiifo. Marka aad gacmaha ka soo saartaan dhalada/sariirta waxaad u baahan tihiin in aad alkolo/isbiirte kale gacmaha marisaan inta aydaan wax kale qaadin.

Markale dib u sameeya qoddobka 3aad marka aad shay qaadaan ama aad tusaale ahaa idinku wejigiina ama timihiina taabataan. Markale dib u sameeya qoddobada 2aad iyo 3aad marka ay gacmihiina ku yaalaan wasakh laga arkayo/gacmaha qaybtooda hore ama tusaale ahaan aad ilmaha xafaayada ka beddeshaan.

Ka akhri macluumaad intaa dheer bogga hagaha nadaafadda (hygienguide)

Taageero

Qaybta waxa ka shaqeeya qof idin kala talinay arrimaha bulshada (kurator), way fiican tahay in aad la hadashaan qofkale oo ka baxsan dadka ilmahiina daryeelaya tooska ah siinaya. Sidoo kale wuxuu la taliyaha arrimaha bulshadu idinka caawinkaraa warbixino ku saabsan lacagta waalidka la siiyo, markuu qofku xannuun ku maqan yahay iyo su'aalo la taaban karo oo wax ku ool ah. Mararka qaarkood way fiican tahay inay walaalaha waaweyn iyo dadka qaraabada ahi la hadlaan la taliyaha arrimaha bulshada (kurator).

Waxa kale oo jirta fursad ah inuu qofku la kulmikaro qof cilmi nafsiga bartay/saakoolajiiste (psykolog) si uu qofku taageeo dheeraad ah u helo
Waxaad sidoo kale la hadlikartaa shaqaalaha kiniisada isbitaalka. Waxay marwalba diyaar u yihiin wadahadal. Waxaad kala xiriiraysaan shaqaalaha qaybta ama telefoonkan 08-585 800 00 ayaa idiin gudbinaya. Haddii aad rabtaan in ilmihiina loo magac bixiyo inta uu daryeelka caafimaad ku jiro waxa idinka caawinaya kiniisada isbitaalka.

Kiniisadda isbitaalka ayaa idinka caawinaysa haddii aad rabtaa in aad xiriir la samaysaan wakiiladda ururada iyo diimaha kaleba.

Dabaqa 5aad ee Hoolka dhinaca koonfur C259 waxa ku yaala hal qol oo loogu talagalay xasillonida (tukashada) oo booqashooyinka u furan afar iyo labaatankii saacadoodba.