Qaybta daryeelka carruurta dhicisyada iyo jirooyinka ee Solna

Qaybta daryeelka carruurta dhicisyada iyo jirrada ee Solna waxay daryeelaan carruurta dhalata ee jirran iyo carruurta dhisyada ah. Waxaanu carruurta siinaa daryeel degsdeg ah oo isdabajoog ah qoyskuna kaalin weyn ayey ku leeyihiin muhiimadana waxaanu siinaa sidii ay waalidiintu daryeelka ilmaha qayb ugu noqon la haayeen.

Qolalka intensiifyada degdega ah waxa lagu daryeelaa carruurro laga keenay Stockholm oo dhan iyo qaar kale oo laga kala keenay waddanka intiisa kale oo u baahan daryeel degdeg ah. Marka ilmaha baahidiisii daryeelku yaraato waxa loo beddelaa qolkale halkaas oo ay qoyska oo dhami deggenaan karaan.

Halkan ayaad ka heleysaan

Vårdavdelning Neonatal Solna
Karolinska Universitetssjukhuset Solna
Eugeniavägen 23, plan 8 (C8:33)

Google maps ayaad ka heleysaa

 

Ay demadu leedahay Kommunalt

  • Boosteejada basku istaago ee dhismaha cusub ee isbitaalka u dhow waxa la yiraahdaa "Karolinska sjukhuset Eugeniavägen" waxaanay ku taalaa Solnavägen
  • Boosteejada basku istaago ee u dhow albaabkii hore ee weynaa ee laga soo gelijiray waxa la yiraahdaa "Karolinska sjukhuset norra".
  • Meesha ugu dhow ee tareenka hoosta maraa waa St. Eriksplan uppgång Torsgatan, waxaad halkaa ka soo qaadanaysaa lambarada basaska ee kala ah 3, 6, 67 iyo 77.
  • Meesha ugu ee tareenka "Pendeltåg" waa "Stockholm Odenplan" waxaad halkaa ka soo qaadanaysaa baska 507 ee u socda (mot Västra Skogen), baska 67 ee u socda (mot Frösundavik), baska 6 ee u socda (mot Karolinska Institutet).

Baarkeerinka

Waxa jira garaash baabuurta la dhigto oo loo soo maro waddada Eugeniavägen 23, oo u dhow albaabka weyn ee isbitaalka laga soo galo. Waxa kale oo jira garaash weyn oo isaguna baabuurta la dhigo oo ku yaala jidka Framstegsgatan 9, dhinaca dambe ee isbitaalka. Baarkeerino kale oo iyagana loogu talagalay booqashooyinka ayaa ku yaala agagaarka isbitaalka. Wakhtiyada qaarkood baarkeerino lama helo, markaa waxaa fudud in la soo raaco gaadiidka degmada.

 

Booqasho

Walaalada, dadka qaraabada ama dadka kale ee qoyska muhiimka u ah waa la soo dhowaynayaa inay soo booqan ilmaha laakiin waa inay shaqaalaha hawsha hayaa heshiis la galaan. Qiimaynta waxa lagu salaynayaa iyada oo laga duulayo sida uu ilmuhu ugu baahan yahay deggenaansho nasasho ah iyo hawlaha ka socda qolka ilmaha lagu daryeelo. Tiradda dadka, marka laga reebo hooyada iyo aabbaha waxa haboon inay noqdaan laba qof markiiba. Wakhtiga booqashada la joogayo waxa si wadajir ah idiinla go'aaminaya shaqaalaha markaa meesha jooga. Carruuraha kale marka laga reebo ilmaha waaladiisa lama oggola inay soo booqdaan ilmaha jiran/ilmaha dhiciska ah.

Ilmaha yari aad ayuu ugu nugul yahay infekshanada markaa waa muhiim in dadka ilmaha soo booqanayaa aanay lahayn astaamo ku saabsan infekshan, qandho/xumada, cuno cuncun/xanuun, sanka oo xiran, qufac iwm. Kala tashada marwalba kalkaaliyaha caafimaadka ee markaa shaqada ku jira marka ay suurtogalka tahay ee ay dadka qaraabada ahi ilmaha soo booqankaraan. Waad u madax bannaantihiin in aad sawir/film ka qaadaan ilmihiina kadibna aad tustaan buugga maalin laha ah ee ilmihiina halkan laga siiyey ee loogu talagalay dadka qaraabada ah. Haddii ilmaha yari uu leeyahay walaalo kale oo guriga jooga waa muhiim inay wax u soo sawiraan oo ay u soo diraan si uu ilmaha yar ee ay walaalaha yihiin uu qolkiisa ugu haysto sawiradaa.

Haddii ay waalidka soo booqdaan dad ay qaraabo yihiin oo rabo inay waxoogaa joogaan waxa markaa wanaagsan in aad fariisataan qolka waalidka loogu talagalay ee ku yaala albaabka qaybta laga soo galo bannaankiisa. Qolku wuxuu leeyahay firinjeer/talaagad iyo mikroo cuntada lagu diirsado. Ka fikira markaad wixiina ku dhamaysataan nadaafada si ay meeshu ugu ekaato meel qorxoon oo dadka idinka dameeyaan iyaguna u istcimaalikaraan.

Macluumaad la isticmaalikaro

Soo gelitaan/kaar lagu soo gelikaro

Qaybtu way xiran tahay afar iyo labaatankii saacadoodba albaabka laga soo geleyo dhismaha (Eugeniavägen 23) wuxuu xiran yahay inta u dhaxaysa 22.00 iyo 05.00. si uu qofku si xor ah u soc-soconkaro wuxuu u baahan yahay inuu bixiyo lacag deebaaji ah si loo siiyo kaar. Lacagta deebaajiga ah waxa qofka loo soo celinayaa markuu kaarka dib u soo celiyo. La xiriir shaqaalaha haddii aad kaar u baahan tahy.

Dharka dibada loola baxo (ytterkläder)

Dharka bannanka loola baxo waxa la dhigayaa qolka habeenkii lagu hoydo. Isticmaal bacda kabaha la geliyo daddii uu dhulku qoyan yahay kadibna gasho kabaha gudaha lagu joogo marka aad qaybta joogtaan.

Qolka habeenkii lagu hoydo

Qaybta waxa ku yaala qol loogu talagalay in ay ku hoydaan qoyska ilmahooda qaybta lagu daryeelayo. Idinka ayaa ka mas'uul ah in aad sarriraha si nadiif ah u gogoshaan. U sheega shaqaalaha marka aad u baahan tihiin in laydin siiyo go'yaal iyo shukumaano/tuwaalo nadiif ah. Marka aad qoflka ka guuraysaan aad ayaanu idiinku mahadin lahayn in aad go'yaasha sariirta aad ku ridaan dambiisha dharka la dhaqayo lagu rido. Xusuusnow inaad ka ilaaliso alaabada qolka si maalinkasta loo xaaqo.

Cunto/quraac

Subaxkasta waxaanu bixinaa quraac. Jikadda quraacda lagu bixiyo waxa yaala mishiin bunka sameeya oo lacag la'aan ah. Waxa kale oo halkaa yaala mikroo aad cuntadiina ku diirsan kartaan. Waxa marwalba meesha yaala bun, shaah iyo shukulaato.

Qolka waalidiinta ee ku yaala meel ka baxsan qaybta waxa yaala firinjeer/talaagad aad cuntadiina ku kaydsankartaan iyo sidoo kale waxa yaala mikroo. Xusuusnow waa in marka aad isticmaashaan meesha hagaajisaan si ay meeshu u fiicnaato oo qoyska kale ee idinku xigaa ay iyaguna u isticmaalayo.

Isbitaalka waxa ku dhexyaala makhaayado dhowr ah, dukaan yar iyo farmashiiye. Torsplan waxa ku yaala dukaamo, farmashiiye iyo makhaayado.

Telefoonada gacanta/Sawiridda/WiFi

Waxa fiican marka telefoonka gacanta lagu hadlayo in lala tago meel ka baxsan meesha ilmaha lagu daryeelayo. Waxaanu rabnaa marka ilmaha lala joogo/loo dhow yahay in aanu telefoonku lahayn cod si aanu ilmaha u dhibin, ka dhig sida marka diyaarada la saaran yahay oo kale. Qoyska la siiyey qol waad ku isticmaali kartaan qolkiina telefoonka. Telefoonka gacanta waxa loo oggol yahay inuu qofku ilmihiisa ku sawirto. Sida kale guud ahaan sawirku isbitaalka waa ka mamnuuc. Waxa jira wi-fi ay dadka martida ahi isticmaali karaan.

Siggaar cabbid

Isbitaalka jaamacadda Karolinska ee Solna siggaar cabbidu waa ka mamnuuc. Sidaa daraadeed waxa siggaarka lagu cabbikaraa meelaha loogu talagalay ee bannaanka oo keliya.

Foomka su'aalaha waalidiinta

Waxaanu aad u doonaynaa in aanu idinsiino qaabilaad iyo daryeel wanaagsan sida ugu macquulsan. Tayada ugu saraysa ee lagu fikirikaro iyo wanaajinta joogtada ah waa ereyada noogu muhiimsan. Sidaa daraadeed waxaanu waalidiinta iyo dadka kale ee qaraabada ahba uga baahanahay inay si joogto ah noogu biiriyaan aragtiyadooda. Sidaa awgeed waxaanu idinka codsanaynaa in aad ka soo jawaabtaan foomka marka u dambaysa ee aad ka baxaysaan isbitaalka waxaa foomka ku sheegaysaan intii aad ku sugnaydeen isbitaalka wixii aad khibrad ahaan kala kulanteen. Waanu jecelnahay in aad dib noogu soo celisaan aragtidiina taas oo daryeelka aanu bixino ka dhigaysa mid ka sii fiicnaanta oo ammaan ah

Ka qayb qaadashada waalidka

Waxaanu annagu u shaqaynaa sida uu dhigayo NIDCAP (Newborn Individualized Developmental Care and Assessment Program) taas oo macnaheedu tahay in daryeelka caafimaadku xuddun tahay qoyska, waxa diiradda la saarayaa ilmaha iyo qoyskaba. Daryeelka caafimaaka waxa la waafajinayaa heerka horumarksa ee uu ilmo walba joogo qoyskuna marka ugu horaysaba qayb ayuu ka yahay daryeelka caafimaadka ee ilmaha. Idinka ayaa ah dadka ugu muhiimsan ee nolosha ilmihiina waana arrin iska cad in aad idinku ka qayb qaadanaysaa inta aad awoodan daryeelka ilmihiina. Marka ilmihiina lagu daryeelayo qolka intensiifka waxa fiican in aad shaqaalaha u sheegtaan marka aad rabtaan in aad ilmaha ka tagtaan iyo marka aad soo laabanaysaan. Qorshe loogu talagalay maalintaas ayaa idinka iyo shaqaaluhu si wadajira u samaynaysaan. Inta badan way shaqaysaa arrintaasi, laakiin marmar ilmaha ayaa arrintaa ka soo horjeesta/xafaayada laga beddelayo wwm, qorshihii markii hore laysku raacay.

Waa muhiim in hadaa waalidiinta tihiin aad arrintaas tamar u heshaan. Isku daya inaad cuntaan isku dheelitiran iyo in aad heshaan wakhtiyo aad ku nasataan. Marka aad ilmahaaga la deggan tahay qofka qoyska waa muhiim in aad u sheegto shaqaalaha haddii aad rabto in aad qolka ilmaha keligiis kaga tagtaan.

Waxaanu annagu rabnaa in aad dareentaan ammaan inta aanu annagu ilmihiina daryeelka siinayno. Wixii aad rabtaan waad na weydiinkartaan su'aalaha aad ka fikiraysaa dhammaantood waa muhiim.

Nadaafada gacmaha

Carruurta yaryar ee jirooyinka ku dhashaa aad ayey ugu nugul yihiin infekshannada, sidaa awgeed aad in aad looga taxaddaro nadaafadda gacmuhu ww muhiim.

Sidan ayaa samaynaysaan marka aad soo gashaan qolka ilmihiina lagu daryeelayo:

  • Iska saar faraatiyada, saacadda iyo jijimada/shuuliyada gacmaha
  • Ku dhaq gacmaha iyo qaybaha hore gacmaha saabuun iyo biyo. Si fiican ugu qalaji waraaqaha laysku tittiro/masaxo si uu maqaarku u qalalo.
  • Si fiican ugu duug alkolo/isbiirte gacmaha, faraha iyo qaybaha hore gacamaha.Waxyar ha qalalaan.
  • Marwalba ku duug oo marmari alkolo/isbiirte inta aydaan gacmaha gelin dhalada/sariirta uu ilmuhu ku jiifo. Marka aad gacmaha ka soo saartaan dhalada/sariirta waxaad u baahan tihiin in aad alkolo/isbiirte kale gacmaha marisaan inta aydaan wax kale qaadin.

Markale dib u sameeya qoddobka 3aad marka aad shay qaadaan ama aad tusaale ahaa idinku wejigiina ama timihiina taabataan. Markale dib u sameeya qoddobada 2aad iyo 3aad marka ay gacmihiina ku yaalaan wasakh laga arkayo/gacmaha qaybtooda hore ama tusaale ahaan aad ilmaha xafaayada ka beddeshaan.

Ka akhri macluumaad intaa dheer bogga hagaha nadaafadda (hygienguide)

Taageero

Qaybta waxa ka shaqeeya qof idin kala talinay arrimaha bulshada (kurator), way fiican tahay in aad la hadashaan qofkale oo ka baxsan dadka ilmahiina daryeelaya tooska ah siinaya. Sidoo kale wuxuu la taliyaha arrimaha bulshadu idinka caawinkaraa warbixino ku saabsan lacagta waalidika la siiyo, markuu qofku xannuun ku maqan yahay iyo su'aalo la taaban karo oo wax ku ool ah.

Mararka qaarkood way fiican tahay inay walaalaha waaweyn iyo dadka qaraabada ahi la hadlaan la taliyaha arrimaha bulshada (kurator).

Waxa kale oo jirta fursad ah inaad la kulmikartaan qof cilmi nafsiga bartay/saakoolajiiste (psykolog) si aad taageeo dheeraad ah u heshaan.

Waxaad sidoo kale la hadlikartaa shaqaalaha kiniisada isbitaalka. Waxay marwalba diyaar u yihiin wadahadal. Waxaad kala xiriiraysaan shaqaalaha qaybta ama telefoonkan 08-517 740 73. Haddii aad rabtaan in ilmihiina loo magac bixiyo inta uu daryeelka caafimaad ku jiro waxa idinka caawinaya kiniisada isbitaalka.
Kiniisadda isbitaalka ayaa idinka caawinaysa haddii aad rabtaa in aad xiriir la samaysaan wakiiladda ururada iyo diimaha kaleba.

Albaabka weyn ee laga soo galo Eugeniavägen 3 waxa ku yaala hal qol oo loogu talagalay xasillonida (tukashada) (D3:58) oo booqashooyinka u furan afar iyo labaatankii saacadoodba.