Way fiican tahay in wax laga ogaado ogsajiinta guriga

Carruurta u baahan in lagu daryeelo ogsajiin dheeraad ah waxa lagu daryeelikaraa guriga iyadoo la kaashanayo daryeelka caafimaadka guriga. Intaydaan guriga la aadin ogsajiinta waa muhiim hadaad tihiiin dadka waalidiinta in aad taqaanaan sida aad u maaraynaysaan ogsajiinta. Shaqaalahayaga ayaa idika idin tusaya sida qalabka loo adeegsado.

Waxyaabaha muhiimka ee ay tahay in la oggaato

  • Sida loogu xiro cabbiraha qulqulka/reguleytarka tayuubyada/toobooyinka (tuberna)
  • Sida looga furo ama loogu xiro tayuubada/tuunbooyinka ogsajiinka
  • Sida aad u arki lahaydeen markay ogsajiintu dhammaanayso
  • Sida ay qaybaha laysu keenay si fiican ugu fariistaan iyo goorta la beddelayo

Qalabka/qaybaha yar ee ogsajiinta waxa laga soo kiraysanayaa xurnta gargaarka qalabka waxaana la keenayaa isbitaalka. Maadaama uu ilmuhu isbtiaalka weli ku qoran yahay waalidiinta wax lacag ahi kagama baxayso. Qalabka waxa la socda buug yar oo qoraal ku qoran yahay – "ogsajiinta guriga". Si fudud ayuu u sharaxayaa waxa aad idinku rabtaan in aad ogaataan, waxa ka mid ah sida haboon in ogsajiinta amra guriga la joogu loogu maareeyo.

Tayuubada/tuunbooyinka ogsajiinta waxa laga dalbayaa Farmashiiyaha. Dalabka ugu horeeya waxa la keenayaa isbitaalka inta aydaan guriga aadin si aad u tijaabisaan oo aad isugu xirxirtaan qalabka kadibna aad u isticmaashaan inta aydaan isbitaalka ka tegin. Markay tayuubada/tuunbooyinka ogsajiintu dhammaato, qaar cusub ayaa dalbanaysaan, markaa guriga ayey idiinku imanayaan. Dalabka waxa la keenaa maalmo gaar ah usbuucii, xaafadaha waxa loo kala keeyaa maalmo kala duwan. Marka la soo gaaro wakhtigii la beddelayey tayuubada/tuunbooyinka ogsajiinta, waxaad wacaysaa telefoonka ku yaala markaad dalabka samaynayso. Tayuubada/tuunbooyinka guriga ayaa la soo qaadayaa. Qalabka intiisa kale waxa la geynayaa xarunta gargaarka qalabka

Ilmaha lagu xiro ogsajiinta waxa lagu ilaalinaya aalad/walax yar oo wax cabbirta (saturationsmätare) kaas oo muujinay inta ogsajiin ee dhiiga ku jirta waxaanu leeyahay calaamda tilmaamaysa inta ogsajiin ee uu ilmuhu u baahan yahay. Geedka yar/shayga yar (proben) ee kaga xiran cagta ama gacanta waxaa la beddelayaa sadexdii saacadoodba halmar. Geedka yar/shayga yar (Grimman) ee kaga xiran sanka, waxa la beddelayaa usbuuciiba halmar haddii loo baahdo.

Dhakhtarka ka mas'uulka ah ayaa go'aaminaya

  • Wakhtiga uu ilmuhu isticmaalayo ogsajiinta.
  • Xadka la rabo inuu ilmuhu u dhexeeyo
  • Intee in leeg oo ogsajiin ah ayaa la rabaa inuu ilmuhu lahaado markuu guriga ku laabanayo. (Hur mycket syrgas barnet skall ha vid hemgång).

la xiriira Farmashiiyaha

Tel: 0771-450 450 (adeega degdega ah dooro 1.3). Dalabku waa in la sameeyaa ugu dambayn maalin kahor intaan la keenin.

Kharashka

Daawada gaaska (maaddo sida hawada oo kale ah) waxa lagu xisaabinayaa daawooyinka sidaa daraadeed waxay ku jirtaa ilaalada kharashayda sare (högkostnadsskyddet) sida daawooyinka kale. Lacagta ugu badan ee uu qofku bixinayaa waa 2250 kr, kadibna waxa qofka la siinayaa kaar bilaasha hal sano marka uu daawada ugu horaysa iibsado. Dhalooyinka gaasku waa la kiro bilkastana waxa bixinaysaan lacag ilaa iyo inta ay guriga idiin yaalaan.

Kharashu wuxuu ka kooban yahay

  • Gaaska - 190.50 kr/ dhaladiiba
  • Keenida guriga - 250 kr halkii marba + 45 kr/dhaladiiba
  • Kirada dhalada gaaska, 5 kr/habeen iyo maalin