Alaarmka guriga ((Apnélarm): SISS Baby control

Alaarmka (Apnélarmet) waxa loo isticmaalaa in la kaantaroolo oo la ilaaliyo neefsashada carruurta yaryar ee dhalaanka ah. Alaarku wuxuu bixiyaa calaamad marka uu ilmuhu neefasashada hakiyo 20 ilbiriqsi/seken. Neefsashadu waxay qormaysaa iyadoo ay dhaqdhaqaaqa neeftu isu beddesho astaan elekterig ah taas oo ku jirta sensuurka neefta, iyo dhaqdhaqaaqa markuu ilmuhu isqaloociyo.

Isticmaalid

  • Marka ilmaha la ilaalinayo waa muhiim in qofka isticmaalayaa uu u dhowaado alaarka si codka loo arko/fahmo.
  • Waxa dhicikarta inay qalabka kaantaroolka ay elektarooniga kale khalkhaliyaan. Sidaa daraadeed waa inaad ka fogeyso qalabka korantada iyo elektarooniga ah, sida aladdaha wax laga dhageysto ama mobiilada u jira inta u dhaxaysa 1-2 mitir alaarmka (apnélarmet).
  • Sensuurka waxa la dhigayaa meel u dhow xundhurta/xuddunta sida sawirkanka muuqata. Saddexdii maalmoodba waa la beddelayaa kadibna waxa lagu duubayaa koolada (Mefix-tejp).
  • Alaarmka sensuurka dib ayaa loo isticmaalayaa haddii loo baahdo waxa lagu tirtirayaa saabuun, biyo iyo aalkolo.
  • U fiirso alaarmka sensuurka ilmaha waa laga saarayaa marka loo qobeynayo.
  • Alaarmka waxa loogu talagalay in lagu isticmaalo sariir ama meel adag. Laguma isticmaalikaro baabuurka, gaariga carruurta lagu fariisiyo ama marka uu ilmuhu ku jiifo xabbadka/laabta waalidka, maadaama uu qorayo waxyaabaha ku xeer ee dhaqdhaqaaqaya.

Tijaabada qaybta kaantaroolka (test av kontrollenhet)

Qalabka kaantaroolka waxa la tijaabinayaa usbuucii halmar. Ku bilow in aad daarto qalabka sensuurka neefsashada ee ku xiran, laakiin waa in aanad ilmahaaga ku hagaajin. Hubi in aanu sensuurku dhaqdhaqaaqayn oo aanay waxkale arbushayn/dhibayn. 20 ilbiriqsi/seken kadib alaarmka ayaa la maqlayaa kadibna nal GUDUUDAN ayaa daarmaya. Qaybta kaantaroolku waa inay daarnaato. Ka saar sensuurka neefsashada. Kaantaroolka baneelka nalkiisa ayaa daarmaya (nal JAALE AH) kadibna alaarmkii ayaa qaylinaya.

Sidee ayaa loo turjumanayaa alaarmaka?

  • Ilmuhu markuu neefsanayo wuxuu neefta u kala dhaxaysiiyaa wax ka badan 20 ilbiriqsi/seken. Nalka GUDUUDAN ayaa daarmaya kadibna dhawaaq ayaa la maqlayaa. (Eeg qoraalka "Waxbarashada waalidka ee badbaadina Sambabada").
  • Alaarmka waxa ku adag inuu fahmo oo uu diiwaangeliyo/qoro neefta fudud marka uu ku jiro hurdada qotada dheer (djup sömn). Mishiinka ayaa qaylinaya iyadoo aan la hubin alaarmaas. Waxa daarmaya nal GUDUUDAN kadibna dhawaaq ayaa la maqlayaa.
  • Maqaarka/jirka ilmaha iyo sensuurka ayaa si xun isugu xiran. Sida uu sensuurku wax u dareemayo waxay inta badan u xiran tahay meesha lagu xiro (xundhurta agteeda) iyo awooda dhaqdhaqaaq ee meelahaa markaa ka jirta. Nal GUDUUDA ayaa daarmaya kadibna dhawaaq ayay la maqlayaa.
  • Haddii sensuurka apné uu khaladi u qayliyo – nal JAALE ah ayaa daarmaya kadibna dhawaaq ayay la maqlayaa. Waxaad la xiriiraysaan caafimaadka guryaha ee qaabilsan mishiinka telefonka 08-123 675 00.

Nal cagaar ah:

nalka sheega inuu neef qaadashada

Nal guduud ah:

alaarmka bukaanka: wakhtigii loogu talagay inay neeftu kala hakato/joogsato ayaa la dhaafay

Nal jaale ah:

dhinaca farsamada alaarmka: sensuurka ayaa khaldan, alaarmka beyteriga