Alaarmka guriga (Apnélarm): MR10

Alaarmka MR10 apnélarm ee loogu talagalay carruurta dhalatay wuxuu si joogto ah u ilaaliyaa neefasashada carruurta ay da’doodu gaaraysa ilaa 18 bilood. Alaarmu wuxuu bixiyaa iftiin- iyo cod haddii uu ilmuhu neefsashada joojiyo wakhti go’an 10 ama 20 ilbiriqsi.

Isticmaalid

  • Marka ilmaha la ilaalinayo waa muhiim in qofka isticmaalayaa uu u dhowaado alaarka si codka loo arko/fahmo. Neefashadu waxay ku qormaysaa ama lagu ogaanayaa caag xumbo ka samaysan oo jilicsan oo ay ku jiro sensor (sensuurka neefasashada) kaas oo ku xiran ilmaha calooshiisa, waxaana halkaa si cad looga arkayaa dhaqdhaqaaqa neefsashada.
  • Inta uu ilmuhu neefsanayo derbiga caloosha ayaa kor u kacaysa markaa qadar yar oo neef ah ayaa sii dhexmaraysa sensuurka iyo tuunbada alaarmka (walax yar/dosa). Wuxuu isku mar alaarmku bixinayaa cod yar oo la maqlayo iyo calaamad iftiin ah. "Sanqar" waa la daminkaraa. Sensuurku ma dareemayo isagu neefsashada, ee wuxuu qorayaa oo keliya dhaqdhaqaaqa yar ee jirka marka uu ilmuhu neefta qaadanayo ama uu neefta sii daynayo.
  • Sensuurka waxa qiyaastii la beddelayaa saddexdii maalmoodba kadibna waxa mid cusub la keenayaa oo loo beddelayaa lix ilaa toddoba maalmood. Akhri qoraalka la socda qalabka/aalada.
  • Waxa dhicikarta inay qalabka kaantaroolka ay elektarooniga kale khalkhaliyaan. Sidaa daraadeed waa inaad ka fogeyso qalabka korantada iyo elektarooniga ah, sida aladdaha wax laga dhageysto ama mobiilada u jira inta u dhaxaysa 1-2 mitir alaarmka (apnélarmet).
  • Sensuurka waxa la dhigayaa meel u dhow xundhurta/xuddunta sida sawirka ka muuqata. Saddexdii maalmoodba waa la beddelayaa kadibna waxa lagu duubayaa koolada (Mefix-tejp).
  • Alaarmka sensuurka dib ayaa loo isticmaalayaa haddii loo baahdo waxa lagu tirtirayaa saabuun, biyo iyo aalkolo.
  • U fiirso alaarmka sensuurka ilmaha waa laga saarayaa marka loo qobeynayo.
  • Alaarmka waxa loogu talagalay in lagu isticmaalo sariir ama meel adag. Laguma isticmaalikaro baabuurka, gaariga carruurta lagu fariisiyo ama marka uu ilmuhu ku jiifo xabbadka/laabta waalidka, maadaama uu qorayo waxyaabaha ku xeer ee dhaqdhaqaaqaya.

Sidee ayaa loo turjumanayaa alaarmaka?

Alaarmku wuxuu yeelankaraa sababo kala duwan:

  • Ilmuhu markuu neefsanayo wuxuu neefta u kala dhaxaysiiyaa wax ka badan 10 ama 20 ilbiriqsi/seken. (Eeg qoraalka "Waxbarashada waalidka ee badbaadina Sambabada").
  • Maqaarka/jirka ilmaha iyo sensuurka ayaa si xun isugu xiran. Sababta ugu badan ee alaarmku waa marka uu sensuurka caloosha ku xirani uu dabco.
  • Ilmaha ayaa wuxuu u neefsanayaa qaab aanu mishiinku (apparaten) u fahmin inuu dhaqdhaqaaqay.
  • Markuu neefta si tartiib ah isaga gurayo, sida neeftuurka iwm, uma diiwaangelinayo/uma qorayo sida inuu neef qaatay oo kale. Sensuurka waxkale oo xitaa ku adag inuu u fahmo oo uu diiwaangeliyo/qoro neefta fudud marka uu ku jiro hurdada qotada dheer (djup sömn).