Way fiican tahay in wax laga ogaado daaweynta iftiinka guriga
Carruurta yaryar ee dhalata wuxuu cagaarshowgu ku dhacaa marka ay maadada caadiga ah ee biirubin ay dhiigooda ku badan tahay. Bilirubin waa qashin uu jirku iska saarayo. Maqaarka jirku jaale ayuu noqdaa maadaama ay maadada wax lagu midabeeyo ee bilirubin ay ku dhegto baruurta maqaarka jirka iyo qaynta cad ee indhaha. Maadaama aanu weli beerkii ilmahu sidii loogu talagalay horumar u samaynin markaa burburintii uu burburin lahaa ayaan ahayn mid kufilan. Si markaa loo dedejiyo burburinta waxa la adeegsadaa in lagu daaweeeyo iftiinka. Heerka xawliga ee lagu kaantaroolayo burburinta iyadoo la samaynayo tijaabo dhiig iyo in marmar qaarkood maqaarka jirka tijaabo lagu sameeyo – transkutan waa elektaroon cabbira cadddiska naqaska dhiiga ee ku jira xubinta hoose.
Sidee ayaa iftiinka wax loogu daaweeyaa?
Waxaanu leenahay laba qalb/aaladood oo loogu talagalay daaweynta iftiinka, mid waxa la yiraahdaa Bilisoft kalena waxa la yiraahdaa Bilicocoon. Iyadoo la dhigayo ilmaha barkimo iftiin leh korkeeda ama laba barkimo oo iftiin leh dhexdooa ayaa waxa ilmaha maqaarkiisa gaaraya iftiin buluug ah oo shucaac leh kaas oo ilmaha ka caawinaya inuu hoos u dhigo maadadii wasaqda ahayd ee jirkiisa ku jirtay (bilirubinhalterna).
Marka ilmaha lagu daaweynayo iftiinka ee uu guriga joogo waa inuu ilmuhu qaawan yahay oo uu xafaayada keliya xirnaado. Daaweynta iftiinku waa inay si joogto ah u socotaa habeen iyo maalinba wakhtiyada xafaayada iyo cunta mooyaane. Daaweyntu way sii soconaysaa inta tusaale ahaan naaska ilmaha la nuujinayo adigoo ilmaha ku duubaya jooradi iftiin leh marka aad dhabta ku hayso.
Ilmaha si toos ah looma dhigayo barkimada intiinka leh, wax barkimada ilaaliya marwalba ka saraysii iyadoo nadaafada laga fikirayo awgeed. Xusuusnow wax ilaaliya barkimada marka aad xafaayada bedddelayso iwm. Waxa korka laga saarayo barkimada wuu la socdaa, waana la beddelayaa markay wax ku ba'aan kadibna waa la tuurayaa markuu daaweynta iftiinku dhammaato.
Haddii aad isticmaasho aalada/qalabka Bilisoft dhabarka ayaad ilmaha u seexinaysaa si uu madaxu xitaa iftiinku u gaaro. Ku wada duub barkimada iftiinka leh ilmaha, si inta badan ee jirka ilmuhu uu u helo iftiinka sida ugu macquulsan. Hubso in dhinicii saxda ahaa ee barkimada uu ilmaha ku soo jeedo. Ku duub barkimada iftiinka leh buste haddii loo baahdo, barkimadu ma soo saarto kulayl. Wax ka saar ilmaha indhaha. Haddii aad isticmaalayso Bilicocoon waxaad ilmaha dhigaysaa barkimooyinka dhexdooda kadib waxaad isticmaalaysaa bacda difaaca loogu talagalay. Haddii uu ilmuhu jiifo oo aanu iftiinku indhaha ka gaarayn markaa waad ka saarikartaa waxa indhaha ilaalinaya, sida marka naaska la siinayo. Waa in aan ilmaha loo seexin beerka marka aalada iftiinka lagu daaweynayo. Barkimada iyo fiilada/waayirka waa la qaloocinkaraa, laakiin lama duuduubikaro. Bilow daaweynta adigoo taabanaya fiilada fiiberka ah kadibna taabo badhanka on/off.
Kaantarool heerkulka jirka ilmaha inta ay daawadu u socoto habeenkii iyo maalintiiba si aad u hubiso in aanu ilmahaagu aad u kululaan ama aad u qaboobin. Heerkulka caadig ah ee jirku waa inta u dhaxaysa 36.7–37.2.
Marka ay daawayntu u bilaabanto kaantarool ayaa lagu samaynayaa qiimaha qashin saarkii (bilirubinvärdet) si joogto ah iyadoo la qaadayo tijaabooyin. Marka ay daawayntu dhammaato ee ay qiimihii qashin saarku (bilirubinvärdet) si jooto ah uu hoos ugu dhaco ilmaha meesha waa laga saarayaa (skrivas ut).