Qaybta daryeelka caafimaadka guryaha ee carruurta dhicisyada iyo jirooyinka ku dhasha

Isbitaalka jaamacadda Karolinska waxaanu bixinaa daryeel caafimaad oo guriga ah oo loogu talagalay carruurta u baahan daryeelka takhasus ah inta ay ku jiraan mudda dhibku haysto (nyföddhetsperioden). Taas macnaheedu waxa weeye waxa guriga ilmaha ku daryeelaya kalkaaliye caafimaad oo ka socda kooxda daryeelka caafimaadka guriga kalkaaliyahaas ayaa halmar ama dhowr goor usbuucii idiin imanaya iyada oo ay ku xiran tahay baahida ilmahiina. Daryeelka caafimaadka guriga ee carruurta ku dhalata dhicisnimada iyo jirooyinka waxay wada shaqayn la leeyihiin qaybahayaga daryeelka caafimaad ee Solna, Huddinge och Danderyd.

Nala soo xiriir annaga:

Marka ay maalintii tahay waxaad la xiriiraysaan kalkaaliyihiina caafimaadka ee daryeelka guriga caafimaadka. Haddii aanu ka jawaabi weyno waxaad marwalba noo dhaafaysaa fariin ama waxaad soo diraysaa sms. Arrimaha degdega ah ee ka baxsan marka ay xafiisyadu furan yihiin waxaad wacaysaa qaynta carruurta ee dhicisyada iyo jirooyinka (neonatalavdelningen). Xaaladdaha emerjensiga waxaad wacaysaa 112.

Daryeelka caafimaadka guriga ee isbitaalka carruurta Astrid Lindgren Huddinge

Wakhtiga heeganka: Qaynta carruurta ee dhicisyada iyo jirooyinka Huddinge 0737-454961

Anneli Persson 08-585 812 70
Jessica Söderdahl 08-585 896 28

Daryeelka caafimaadka guriga ee isbitaalka carruurta Astrid Lindgren Danderyd

Wakhtiga heeganka: Qaynta carruurta ee dhicisyada iyo jirooyinka Danderyd 08-123 554 20

Susanna Cambrand 072-596 81 24
Annika Day 072-596 81 12
Rebecka Sabel 076-050 19 88
Gun-Britt Manns 073-620 42 67

Daryeelka caafimaadka guriga ee isbitaalka carruurta Astrid Lindgren Solna

Wakhtiga heeganka: Qaynta carruurta ee dhicisyada iyo jirooyinka Solna 08-517 740 92

Karin Sjöberg 072-254 21 57
Rose-Marie Wacker 070-002 14 80

Shuruuddaha loo baahan yahay si loogu daryeelo guriga

  • Waa in ay neefsashada iyo wareega dhiigu ee ilmuhu uu yahay mid deggan.
  • Waa in heerkulka jirka ee ilmuhu uu yahay mid deggan iyada oo aanay sariirta kululi caawinayn.
  • Kursiga carruurta lagu xiro si ilmaha loogu qaado baabuur inta u dhaxaysa guriga iyo isbitaalka, baabuur aad leedihiin ama tagsi, (kaarka jirada ee baabuurka lagu raaco ayaa la bixinayaa)

Waa maxay macnaha daryeelka caafimaadka gurigu wax la taabankaro?

Daryeelka caafimaadka guriga waxay shaqaaluhu joogaan jimcaha ilaa isniinta maalintii. Inta lagu gudda jiro wakhtiga daryeelka wuxuu ilmuhu ku sii qornaanaya qaybta carruurta dhicisyada iyo jirooyinka ku dhasha. Macnaheedu waxa weeye idinku waxa soo wicikartaan afar iyo labaankii saacadoodba si la idiin siiyo talooyin. Inta aan guriga laydunku wareejin daryeelka caafimaadka waxa idinka laydin siindoonaa hagitaan ku saabsan sidii aad sida ugu wanaagsan ku ilaalin lahaydeen ilmihiina. Waxa sidoo kale aad maraysaan nidaam ama rootiin ku saabsan wixii daawooyin ah ee aad ilmaha guriga ku siinaysaan, tusaale cuntada ilmaha sanka laga siinayo (sondmatning) ama daaweynta iftiinka.

Waxa la qorshandoonaa booqashooyinka guriga iyada oo laga ambaqaadayo ilmaha iyo baahidiina waanay kala duwanaankaraan muddada ilmaha daryeelka la siinayo. Waxa kale oo iyaduna dhicikarta in aad isbitaalka booqasho ugu timaadaan si ilmaha takhtarku u kaantaroolo ama tusaale ahaan tuunbada cuntada lagu siiyo oo ilmaha la gelinayo. Ilmaha waxa isbitaalka magaciisa laga saarayaa (utskrivet) marka ay ilmaha daawayntiisu noqoto mid deggan, ee uu ilmuhu naaska jaqikaro keligiis ama cunto kale iyo marka ay u korodho miisaan lagu qancikaro. Sidoo kale waxay noqonkartaa in daaweynta iftiinka la joojinayo iyo inay tiradda maadada la yiraahdo (bilirubin) hoos si deggan ugu dhacdo. Haddii inta uu ilmuhu joogo guriga uu infekshan ku dhaco oo ay noqoto in dib loo soo celiyo markaa caadiyan ma dhacdo in qaybtii carruurta dhicisyada iyo jirooyinka dib loogu soo celiyo, maxaa yeelay waxa weynaanaysa khatarta inuu ilmuhu dadkii bukaanka ahaa ee kale ku daarto.

Booqashada guriga

Kalkaalisada caafimaadku waxay samaynaysaa qiimayn guud oo ku saabsan xaaladda guud ee ilmaha - tusaale ahaan firfircoonida, neefsashada, duufka, heer kulka jirka, middabka maqaarka, meelaha maqaarka ee laabatooyinka, saxarada iyo kaadida. Miisaanka ilmaha waa la kaantaroolayaa kadibna waxa waalidiinta si wadajir ah loola qorshaynayaa qiimaynta cuntada nafaqada leh. Haddii loo baahdo tuunbada cuntada lagu siiyo ayaa la beddelayaa haddii ay suurtogal noqotana dhiigag ayaa la qaadayaa. Shaqadda kalkaalisadu waa caawimo iyadoo taas oo ku salaysan baahida waalidka. Waxa jira wakhti loogu talagalay su'aalo iyo warbixino taas oo lagu salaynayo xaaladda jirta.

Raacida gaadiidka

Dhammaan carruuraha ku qoran daryeelka caafimaadka guriga waxay u baahan yihiin fursad ay ku tagaan kagana yimaadaan isbitaalka. Haddii aanad lahayn baabuur waxa markaa lagu siinayaa kaar aad taxi ku raacdo. Hal mar oo la tago ama laga yimaado isbitaalka waa 140 kr. in la raaco gaadiidka dadweynaha laguma talinayo inta uu ilmuhu meesha ku qoran yahay sababtoo ah waxa laga cabsanayaa khatarta infekshanada. Waxa haboon in la soo qaato kursiga carruurta lagu fariisiyo oo la oggol yahay guriga la geynayo. Waa suurtogal in haddii uu qofku baabuur leeyahay uu uu lacag codsankaro

Tuumbadda ilmaha cuntada lagu siiyo markuu guriga joogo

  • Ku kululee cuntada heer kulka biyaha lagu qobeysto 37 digrii
  • Daadi cuntada soo harta.
  • Cirbadda tuumada cuntada waxa buuxinaya daryeelka caafimaadka guriga wakhtiga ay ilmaha daryeelka siinayaan.
  • Marwalba kaantarool tuumada cuntada inta aadan cuntada siinin kahor.
  • Hubso inay kooladu/xabagtu si fiican ugu dhejisan tahay.
  • Hubso in calaamada guduudani ku taalo sanka baalkiisa oo u dhiganta lambarka la calaamadiyey.
  • Geli cirbadda tuunbada kadibna gadaal u soo riix si tartiib ah (dib u soo celi). Haddii wixii caloosha ku jiray kor u soo baxaan waa calaamada sheegaysa inay tuunbaddii uuslayda ku jirto (caloosha).
  • Haddii aanay wixii uuslayda ku jiray soo bixin, tijaabi markaa in aad 2 ml oo hawo ah aad ku nuugto siliiga cirbadda kadibna aad gadaal u soo jiido markale. Waxaad kaloo beddeli kartraa booska ilmaha ama cunto yar qaado afka kaga sii ama koob ama naaska.
  • Haddii uu ilmuhu bilaabay inuu naasaha jaqo way fududahay markaa in cunto ay caloosha ka soo baxdo marka siliiga tuunbada cuntada lagu tijaabinayo.
  • Weligaa cunto ha siinin haddii aanay wax cunto siliiga tuunada dib ugu soo noqon. Waxa dhicikarta inuu boos khalad ah ku jiro.
  • Waxa laga yaabaa inay faa'iido keento marka ilmaha cuntada siliiga tuunbada lagu siinayo ee laabta/xabadka lagu qabto ama dhabta iyada oo labada jir istaabanayaan. Arrintaa waxa lala xiriir siinayaa naas nuujinta ilmaha, si loo abuuro xiriir dhow iyo in aad adigu aragto sida uu ilmuhu cuntada uga ficil-celinayo
  • Ku dhammaystir cunto ku siinta siliiga tuunbada ilmaha adiga oo siliiga cirbadda ku nuugaya 0,5 ml oo hawo ah
  • Nadiifi cirbaddaha adiga oo kala saaraya, marka hore biyo qabow ku dhaq kadibna biyo kulul. Qalaji markaa. Isticmaal markale kadibna beddel cirbadaha afar iyo labaatankii saacadoodba laba goor, subaxii iyo habeenkii.
  • Siliiga tuunbada cirbadaha lama karinayo mishiinka weelkana laguma ridayo.
  • Cunto ku siinta tuunbada waxa haboon inay sameeyaan oo keliya dadka waalidka/qaraabada ay kalkaaliyaha caafimaadku u sheegtay sida cuntada tuunada ilmaha loogu siinayo.
  • Tuunbada waxa beddelaya kalkaaliyaha caafimaadka guriga muddo u kala dhaxaysa 1-2 usbuuc.

Sidee ayaan anigu ula soconkaraa xaaladda guud ee ilmahayga?

Qofka waalidka ah ayaa ilmihiisa sida ugu fiican u yaqaana. Sidaa daraadeed aad ayey muhiim u tahay sida aad adigu ilmaha ugu kuurgeleyso/ugu fiirsanayso. Fiiro gaar ah u yeelo:

  • Midabka maqaarka ilmaha, tusaale midablaawe
  • Haddii uu ilmuhu daalan yahay oo aanu cuntada cunikarayn
  • Heerkulka jirka ilmaha
  • Sanka oo xiran, duuf iyo indhaha oo isku dhegdhegsan, waa inay guriga idiin taalo biyahaa cusbada leh (koksalt)
  • Haddii ilmuhu uu bilaabo inuu aad u matago oo aanay ku xirnayn wakhtiyada cuntada, tusaale isaga oo si saman u jiifa iyo haddii uu wejiga guduudiyo oo uu cuntada diido
  • Haddii ay xundhurtu guduud noqoto oo ay dhegdheg yeelato – ku dhaq markaa biyo cusbo leh kadibna maro yar ku tirtir (kompress)

Marka ugu horaysa ee qalabka guriga la keeno

Waxa laga soo dirayaa qaybta

  • Cirbadda tuunbada cuntada
  • Koolo si dheeraad ah loogu duubayo tuunbada
  • Mishiinka naasaha lagu liso amaah/kiro
  • Caanaha dhicisyada warqada takhatrku qoro ayaa farmashiiyaha laga qaadanayaa
  • Haddii ay jiraan in la soo raaciyo caanaha saanaha/caanaha ilmaha loo qaso
  • Haddii ay jiraan daawooyin guriga lagu maamulayo/ilmaha lagu siinayo

Marka ugu horeysa ee guriga booqasho lagu yimaado waxa qoys walba la siinayaa sanduuq alaabo ku jiro oo la isticmaalayo. Sanduuqa carruurta waa laga fogeynayaa alaabada ku jirta waxa isticmaalaya kalkaaliyaha caafimaadka marka ay booqashooyinka guriga ku imanayaan.

Soo iibso alaabadan

  • Xafaayado (xafaayadaha dhicisyada farmashiiyaha ayaa lagu iibiyaa)
  • Biya cusbada leh ee sanka lagu isticmaaloi iyo kuwa indhaha lagu dhaqo
  • Heerkulbeeg si aad u kaantaroosho heerkulka jirka
  • Mujuruca carruurtu jaqdo iyo mujuruca marka ay ooyaan la siiyo
  • Dhalooyinka cuntada lagu kululeeyo
  • Salfo (kareem ilmaha dabada laga mariyo)

La soo xiriira daryeelka caafimaadka guriga haddii…

  • Haddii tuunbadii meesha ka soo baxdo oo aanu jirin qorshe guriga laydinku imanayo saacadaha dhow
  • Haddii uu heerkulka jirka ilmuhu ka hooseeyo 36,5 digrii inkastoo ay tijaabiseen in aad isku deydeen in aad ilmaha kululaysaan
  • Haddii qaabka neefsiga ilmaha iyo midabka maqaarkiisu uu isbeddelo
  • Ilmahu si aan caadi ahayn ayuu u daalan yahay cuntadana uma awoodu inuu sidii hore u cuno
  • Waxaad weydeen wax cunto ah oo dib ugu soo noqda tuunbada cuntada markii aad kaantaroolka samaynayseen

Wakhtiyada ka baxsan saacadaha xafiiska qaybta carruurta dhicisyada iyo jiirooyinka uu furan yahay waxaad nagala soo xiriiraysaa

 

tilmaamaha