Waa maxay NIDCAP?

Newborn Individualized Developmental Care and Assessment Program (NIDCAP) waa falsafad daryeel caafimaad oo loogu talaglay aadamaha, ku salaysan awood iyo xushman buuxda oo khuseysa dhallaanka yar yar ee ku dhasha dhicisnimada iyo jirooyinka, waxaana xuddun u ah carruurta.

NIDCAP wuxuu yareeyaa istereeska, kala qaybsannaata waalidiinta iyo carruurtooda iyadoo la adeegsanayo daryeelka ku haboon shakhsiga, bey'adda iyo kaalmada ilmaha ee khuseeya karaanka awoodeed ee dabiiciga u ah horumarka ilmaha.

NIDCAP waa "heer wanaagsan" oo loogu talagalay carruurta- iyo horumarka taageerada qoyska ee daryeelka caafimaadka dhallaanka ku dhashay dhicisnimad iyo jirooyinka.

Sidee falsafada NIDCAP- loo horumariyaa?

Dareyeelka caafimaadka falsafada NIDCAP waxa horumar lagu sameeyey 1970 iyo -80dii waxaana horumarka ku sameeyey cilmi nafsiyaqaanka la yiraahdo professor Heidelise Als iyo saaxiibadiisa ay isla shaqeeyaan ee ka shaqaysa isbitaalka carruurta ee Harvard Medical School och Boston Children's iyagoo dhowr sannadood kormeero nidaamsan ku samaynayey carruuraha dhallaanka ah ee lagu daryeelayey qaybaha degdeg ah (intensivvårdsenheter), cilmi baarisyo iyagoo leh aqoon u qalanta. Barnaamijku wuxuu ku salaysan yahay cilmi baaris la ururinayey wax ka badan 70 sannadood iyo waayo aragnimo loogu talagalay carruurta- iyo horumarka taageerada qoyska ee daryeelka caafimaadka waxaana si cilmiyeysan loo muujiyey inuu saamayn fiican oo wax ku ool ah u leeyahay caafimaadka iyo horumarka xannuunada iyo carruuraha ku dhasha dhicisnimada (koriin wanaagsan iyo qaab dhismeed dhinaca maskaxda, wakhti gaaban oo isbitaalka lagu daryeelo, koriinka miisaanka wanaagsan, horumar wanaagsan oo ku saabsan in lala socdo ilaa da'da iskuulka).

Ahmiyadda saar dabeecada iyo baahida ilmaha

NIDCAP waxay ku dhisan tahay fahamka dabeecadda ilmaha; daryeelka ku haboon shakhsinimadiisa iyo bey'adda; inay waalidiintu yihiin dadka ugu muhiimsan dhinaca dareenka caadifada iyo dhinaca daryeelka ilmahaba: iyo inay dhammaan carruurta oo dhami ay leeyihiin awood gaar ah oo ay ku horumaraan taas oo lagu wanaajin karo iyada oo loo siimarayo qiimaynta shakhsiga, iswaafajinta iyo taageerada

Carruurta dhicisyada ah iyo kuwa jiran xiriirkoodu ma cadda

Carruurta caafimaadka qaba ee wakhtigoodii ku dhashay waxay leeyihiin awood wanaagsan oo ay ku sheegan karaan iyagoo dabeecadooda adeegsanaya. Waxay ilaa xad iska ilaalinkaraan waxyaabaha naftooda kicinaya. Oohinta waalidkood ayey ugu yeeraan si ay uga helaan foojignaan iyo in la sasabo, in hurdada laga caawiyo, cuntada, qobeyska iyo daryeelada kale ee ay u baahan yihiin. Carruurta hadda dhalatay waxay si joogto ah ugu baahan yihiin dhowaanshaha waalidkood iyo inay waalidku siiyaan xiise si ay u badbaadaan oo ay u fiicnaadaan. Carruurta hadda dhalatay waxay leeyihiin qorshe rabitaan horumar joogto ah iyo inay wanaajiyaan hawlqabashadooda. Iyagoo ku soo jiidanaya waalidkood indho nuuraya, waxay isku dayaan inay waalidkood siiyaan carruurta wadajirka dhinaca bulshada iyo dhowaansho, dhoolla caddayn, ciyaar, wadahadal ama waxa laga yaabaa inay u baahan yihiin hees si ay horumar uga sameeyaan oo ay u noqdaan shakhsiyaad bulshada karti u leh.

Carruuraha jiran iyo kuwa dhicisnimada ku dhashaa waxay baahidooda ku muujiyaan hab aan caddayn. Way ku adag tahay inay iyagu helaan aragti wanaagsan oo ku dhiirigelinaysa horumarkooda waanay ku adag tahay inay ka gaashaantaan aragtiyada taas oo khatar gelinaysa iyaga culayna dusha ka fuulayo. Carruurta dhicinimada ku dhashaa malaha horumar weli ku filan markay noqoto wixii ay iyagu qabsan lahaayeen, dareemayaashooda oo umana bisla inay la kulmaan meel ka baxsan ilmo-galeenka, taas oo u horseedeysa isteres iyo isbeddel dhinaca dabeecada, taas oo iyadu u sii horseedeysa horumar liita.

Kuurgal/baaritaan

Si loo waafajyo daryeelka caafimaadka, xannaanada iyo wada noolaanshaha taageerada carruurta liita waxa loo baahan yahay waxyaabahan soo socda:

  • Baaritaan taxxadder leh ku saabsan dabeecadda ilmaha iyo heerka uu bisaylkiisu gaaray
  • In lag ficil-celiyo waxyaabaha ku xeeran iyo sida uu daryeelku saamayn ilmaha ugu yeesho
  • In laga ficil-celiyo habka daryeelka caafimaadka iyo bey'adda loo waafajinayo

Inuu ilma kastaaba u arko in la dhiirigelinayo, wanaagsanaan iyo ammaan. Inuu qof waliba helo fursad uu horumar ku sameeyo sida ugu wanaagsan iyadoo lagu salaynayo xaaladaha qofkaas.

Ka qayb qaadashada waalidka iyo joogitaankooda

Barnaamijka daryeelka caafimaad ee NIDCAP wuxuu ku salaysan yahay oo uu ku dhisan yahay wada shaqayn dhow oo lala yeelanayo ilmaha waalidkii, kuwaas oo bilowga hore loo arko inay yihiin dadka ugu muhiimsan nolosha ilmaha. Waalidiinta waxay heleyaan in laga hago oo la tuso jidka sidii ay sida ugu wanaagsan u caawin lahaayeen ilmahooda waxaana taageero laga siinayaa xaaladahooda. Looma baahna in carruurta iyo waalidkood la kala kexeeyo ee waa inay si wadajir ah isula joogaan inta ilmaha la daweynayo oo dhan.

Text: Stina Klemming