Tilmaamaha loogu talagalay dadka ehelka iyo kuwa booqashada ku imanaya

Waanu soo dhoweynaynaa dadka qoyska ugu dhow iyo walaalaha, ilaa iyo inta aanay lahayn wax infekshano ah sida duuf, qufac, qandho, infekshanka maqaarka/jirka, shuban iyo matag ama hunqaaco. Booqashooyinku guud ahaa waxa lagu xadidayaa in markiiba laba qof soo booqdaan.

Haddii ilmha lagu xannaanaynayo qolka ilaalada waa in marka hore shaqaalaha la sii waydiiyaa. Marka ay bannaanka isbitaalka ka jiraan infekshanada badani waxaanu ku khasbanahay in aanu walaalaha iyo dadka ehelka ah ee booqashada ku imanaya aanu mamnuucno. Haddii uu qofka waalidka ahi hargabo ama uu infekshan leeyahay inta ilmaha isbitaalka lagu xannaanaynayo waxaanu kaa baryeynaa in aad shaqaalaha waydiiso talooyin sida la samaynayo.

Inta aan la soo gelin qaybta isbitaalka

  • Iska saar dharka bannaanka.
  • Iska saar jijimadda gacmaha/shuuliyada, saacadda iyo faraatiga/fargalka.
  • Dhaq gacmaha ilaa suxulka kadibna marso aalkolo.
  • Waalidiinta ayaa ka msa'uula inay carruurta ay walaalaha yihiin ilmaha dhaqdaan gacmaha ilaa suxulka kadibna marsadaan aalkolo.
  • Isticmaal kabaha guriga dhexdiisa lagu joogo inta aad qaybta joogtaan (haku socon cago cadaan ama saksaan/sharabaado).

Qolka daryeelka isbitaalka

  • Markasta oo aad soo geleyso qolka daryeelka marso aalkolo gacmaha (sprit).
  • Haddii qolka ilmahaagu ku jiro uu dhulka kaaga dhaco shay/walax waa in la beddelaa, la dhaqaa ama la tuuraa.
  • Sababo la xiriira nadaafada darteen lama ogola in sariirta ama sariirta dhalada ka samaysan (kuvös) la saaro buste bannaanka laga keenay ama xayawaanka boombalada ka samaysan
  • Kala hadal shaqaalaha haddii aad adigu doonayso in aad dhigato waxyaabo adiga gaar kuu ah meelaha ilmaha lagu daryeelayo agteeda.
  • Marso gacmaha aalkolo (sprit) markasta oo aad qolka ka baxayso.

Qolka qoyska loogu talagalay isaguba waa qol daryeel

  • Markasta oo aad geleyso qolka qoyska waa inaad marsataa gacmaha aalkolo (sprit).
  • Isku laab kurisaga sariirta ama sariirta laysku laabo si ay meeshu u bannaanaato. Maxaa yeelay markaa shaqaalaha nadaafada isbitaalka ayaa si wanaagsan u nadiifinkara.
  • Waa in aad xaddidaan alaabada idiin gaarka ah ee aad keenaysaan qoflka qoyska si ay u fududaato marka la soo geleyo iyo marka la nadiifinayaba.
  • Ka qaad weelka cuntada markuu wakhtigii cuntadu dhammaado, soo tuur qashinka wixii dhar ee wasakha ahna gee meesha loogu talagalay.
  • Wixii dhar ah ee ay qaybtu leedahay bustayaasha (NIDCAP-filtar), waxyaabaha sariirta caawiya (bäddstöd) iyo qalabka wax lagu xabaaro shaqaalaha ayaa qaybta ku dhaqaya.
  • Markasta oo aad kabaxayso qolka qoyska waa inaad marsataa gacmaha aalkolo (sprit).

Jikada waalidiinta (Föräldrakök)

  • Markasta oo aad geleyso jikada waalidiinta waa inaad marsataa gacmaha aalkolo (sprit).
  • Xaaq meesha oo qalaji wixii alaaba ee aad isticmaasho markaad adigu ku dhammaysato kadib. Dhaq weelka, haddii kale ku rid mishiinka weelka dhaqa marka aad cuntada dhammaysato.
  • Markasta oo aad ka baxayso jikada waalidiinta waa inaad marsataa gacmaha aalkolo (sprit).

Lisida caanaha naasaha iyo sida loo maaraynayo caanaha

  • Marso gacmaha aalkolo (sprit) inta aanad naasaha lisin
  • Soo qaado markaa qalabkii aad ku lisaysay: masaasada lagu lisayo, kuwa naasaha la gashado (brösttrattar) iyo qaybaha kale ee loo baahan yahay kadibna isku xirxir.
  • Geli markaa meel qabow ama firinjeerka/talaagada caanaha aad listay.
  • Biyo qobow ku dhaq qalabka aad isticmaashay kadibna dhig meesha loogu talaglay.
  • Marso gacmaha aalkolo (sprit) marka aad dhammayso lisintaanka naasaha.

Daryeelka dhowaanshaha maqaarka/jirka

Inta ilmahaaga la daryeelayo waxaanu adiga waalidka ah kugu dhiirigelinaynaa in aad ilmahaaga ilaa xad sida ugu macquulsan aad maqaarka maqaarka u saarto/jirka jirka u saarto. Sidaa daraadeed waa muhiim in aad is-nadiifiso:

  • Qobeyso maalinkasta kana fogow caddarka urta adag.
  • Sii qaado/amaaho qalabka wax lagu xambaaro kadibna waxa loo celinayaa shaqaalaha si markasta loo dhaqo.

Daryeelka ilmahaaga

Ilmahaaga ayey muhiim u tahay in aad adigu waalid ahaan qayb ka noqotid daryeelka ilmahaaga. Bilowga hore shaqaalaha ayaa ku caawinaya, laakiin muddo kadib adiga ayaa la wareegay wixii hawl maalmeed ah.

  • Marso marwalba aalkolo (sprit) inta aadan ka qayb qaadan daryeelka ilmahaaga.
  • Dhig mujurucyada, bustayaasha yaryar iyo cuntadaba qaybta sare ee sariirta ama sariirta dhalada ah (kuvösen) korkeeda halkaas ayaa nadiifa.
  • Dhig dharka la dhaqaayo qaybta hoose ee sariirta ama sariirta dhalada ah hoosteeda (kuvösen).
  • Ka fikir inay aad markale marsato gacmaha aalkolo (sprit) marka aad taabato meel jeermis leh tusaale mobiiltelefoonka, kursiga cagaha la saaro ama meesha qashinka-iyo bacda qashinka.
  • Marso markale gacmaha aalko (sprit) marka aad dhammaysto daryeelka ilmagaaga.

Beddelka xafaayada

  • Biyo diiran ugu tirtir dabada markuu ilmuhu xaaro.
  • Ugu rid si toosa waraaqaha aad isticmaashay iyo kuw qoyanba bac ama si toosa ugu rid dambiisha/tenega shaqinka.
  • Marso gacmaha aalkolo (sprit) inta aanad ilmaha u xirin xafaayada nadiifa.
  • Marso markale gacmaha aalko (sprit) marka aad xafaayada beddesho.

Xannaanada maalin laha

  • Ku dhaq gacmahaaga biyo diiran.
  • Marka aad ilmahaaga u dhaqayso ku bilow wejiga iyo qaybta sare ee jirka kadibna ugu dambaysii dabada.
  • Markay shaqaaluhu u arkaan inuu ilmagaagu deggen yahay si loogu qobeeyo markaa waxa la samaynkaraa 1 – 2 goor usbuucii.

Si wadajira ayeynu uga taxadaraynaa cudurada faafa

Fayrasyada iyo jeermisku meel walba oo inganu xeersan waa laga heleyaa. Gacmahaaga ayey ku fidikaraan. Si loo yareeyo faafida cudurada waxa meelo badan la dhigay aalkolada gacmaha la marsado (handsprit).

Dhaq gacmaha marka aad wasakh ku aragto ama aad dareento inay wasakh leeyihiin. Marso aalkolo (sprit) marka aad gacmaha dhaqato kadibna qalaji gacmaha. Marso aalkolada inta badan wakhtiyada u dhexeeya gacmo dhaqashada.
Nadaafada gacmaha oo wanaagsani waxay ilaalinaysaa in aanay cuduro ku faafin qaybta. Sidaa daraadeed waa muhiim inuu qof waliba raaco xeerarka nadaafada waaxda. Haddii aad qabto wax fikir ah, fadlan na waydii annaga!