Daryeelka maqaar-ilaa-maqaar

Inay waalidiintu ilmahooda ay ku daryeelaan iyagoo maqaarka maqaarka u saaraya sida ugu dhakhsaha badan ee ay macquul ku tahay waa qayb aasaasi ah oo ka mid ah daryeelka caafimaadka carruurta ku jirta qaybta dhicisyada iyo jirooyinka.

Ilmuhu wuxuu dareemayaa wanaag iyo ammaan markaad adigu u dhow dahay waxaanu helayaa bey'ad ama jawi uu garanayo. Garaaca wadnaha hooyada, udkoonka, dhadhanka iyo sidoo kale codka waalidiinta wuxuu ilmuhu ku yaqaaney markuu ilma-galeenka u jiray. Waxay arrimahaasi ilmaha u keenaysaa inuu wakhti dheer hurdo iyo inuu xasilloonaado markuu adiga kula jiifo. Marka ilmaha maraaqka maqaarka loogu aadiyo ee lagu seexiyo, waxay u keentaa deggenaansho iyo inuu ku qanco kadibna garaaca wadnaha ayaa sii xasilloonaada. Jirkaagu wuxuu ilmaha siinayaa kulayl iyo dhowaansho. Waxay ka caawisaa inuu ilmuhu helo heerkulka jirka oo sareeya isla markaana ah mid siman. Taasina waxay ilmaha u fududeynaysaa inuu miisaankiisu kor u kaco sonkorta dhiiga ku jirtaana noqoto mid deggan. Xitaa dheef-shiidka ilmaha ayaa si fiican u shaqaynaya marka aad adigu ilmaha xabadka/laabsa ku qabato adiga oo jiifa meel isku siman, fadlan samee markasta oo uu ilmuhu cunto cuno.

Ilmahaaga si wanaagsan ayaa isu baranaysaan haddii aad inta badan maalintii isla joogtaan oo aad isu dhowdihiin. Waxaad baranaysaa in aad turjumato calaamadaha ilmaha oo aad fahamto waxa uu ilmuhu doonayo marka uu dhaqdhaqaaqo ama uu u dhawaaqo hab gaar ah. Adiga ayaa marwalba u fiican ilmahaaga haddii ay markaa suurtogal kuu tahay in aad ilmagaaga maqaarka maqaarka u saaro afar iyo labaatankii saacadoodba waxa laga yaabaa in aan loo baahnayn markuu ilmuhu ku jiro sariirta dhicisyada (kuvös) ama sariirta kulul. Xabbadka/laabta oo uu waalidku ilmihiisa ku qabto waa meesha ugu horayysa ee daryeelka, kadibna waxa jira dhinaca daaweynta kale ama sababo kale oo aan markaa kuu suurto gelinayn adiga in aad ilmha maqaarka maqaarka u saarto.

 

Daryeel sugan oo oogo ku oogo ah

Booska ilmaha

Sida caadiga laabtaada/xabbadkaaga ayaa laabta/xabbadka ilmaha loo saaraya, gacmaha iyo lugaha si tartiib ah ayaad jirkaaga uga kala ridaysaa (sida raha) wejigana dhinac ayaad u leexinaysaa. Madaxu wuxuu u baahan yahay taageeo, jirka intiisa kalena si caadi ah ayaa loo kala fidinayaa. Carruurta yar yari si fudud ayuu jirkoodu dib isugu noqdaa, shaqaalaha ayaa si joogto ah u kaantaroolaya booska uu ilmuhu yaalo oo kaa waacinaya haddii loo baahdo.

Xiriirka maqaarka/jirka ee u dhexeeya adiga iyo ilmahaaga waan inuu ka qoto dheer yahay qaybta sare ee maqaarka/jirka maadaama uu maqaarkaagu/jirkaagu sabab u yahay kulaylka uu ilmuhu heleyo. Waa inuu ilmuhu ku jiifo qaybtaada sare ee jirka si aad ilmaha madaxiisa u gaarikartid si aad u dhunkato. Marmarka qaarkood qalabka iyo daaweynta ayaa arrintaa adkaynaysa markaa waa in booska ilmaha la waafajiyaa hadba baahidu sida ay tahay.

Qaybta kale ee jirka ilmaha ee aan jirkaaga saarnayni waxay u baahan tahay in la saaro koofiyad iyo buste si aanu ilmuhu u lumin kuleyn. Waad ku qabankartaa kuna caawinkartaa ilmahaaga gacmo diiran. Waydiiso shaqaalaha caawimo si aad adigu jirkaaga iyo naftaadaba ugu hesho boos fiican oo nasasho leh.

Wanaagsanaanta waalidiinta, hurdada iyo nadaafadda

Way fiican tahay in aad adigu waalid ahaan is-dhowrtid, cunto, cabitaan joogto ah iyo nasasho aad hesho. Waanu jecelnahay markaad ilmaha jirka jirka u saarayso in aad wax cunto oo aad wax cabto, laakiin ma aha wax kulul iyo cunto culus, si ilmaha looga ilaaliyo in aanu guban. Marka laga reebo nadaafada gacmo dhiqida oo si taxaddar leh aad u samaynayso waan in aad maalinkasta qobeysataa oo aanad isticmaalin waxyaabaha carafta adag leh.

Waydiista shaqaalaha caawimo si aad u sheshaan istaatiijiyooyin qoys ahaan idiin shaqeeya si aad u heshaan wakhtiyo badan oo aad jirka-jira ilmaha u saartaan intii suurtogal ah. Idinka waalidiinta ah ayaa ah dadka ugu muhiimsan ilmihiina, waxa kale oo iyaduna jiri karta qof qaraabada ah ama qof aad saaxiib tihiin oo aad caawimo ka helikartaan inta ilmaha la daaweynayo qofkaas sharaf weyn ayey u tahay inuu intuu fariisto uu ilmihiina jirka-jirka u saaro.

Waad ku seexankarta iyadoo jirkaaga iyo jirka ilmuhu isisaaran yihiin. Markaa waxaad u baahan tahay shay ilmaha ka caawiya jirkaaga waana inuu ilmuhu ku xiran yahay qalabka ilaalada neefsashada. Haddii aad seeaxato oo aad ku nasanayso adigoo ilmaha jirkaagu jirkiisa saaran yahay wuxuu ilmuhu u baahan yahay qiyaastii xagal 15 digrii ah in madaxa sariirta kor loo qaado ama aad adigu isticmaasho barkimooyin dheeraad ah.

Qalabka wax lagu xambaaro

Qalabka wax lagu xambaaraa wuxuu adiga kuu fududeynayaa in aad ilmahaaga muddo dheer si raaxo leh u xambaaran kartid. Tayuubyada iyo marooyinka ilmaha lagu xambaaro ayaa qaybta laga sii ammaahan karaa waxaanay noqonkartaa taageero fiican in aad hesho xitaa markaad soo jeedo. Marka aanu ilmuhu u baahnayn in qalabka derbiga ku yaala lagu xiro wuxuu markaa qalabka wax lagu xambaaraa ku siinayaa fursad ah in aad si xor ah ilmahaaga u xambaaran kartid adiga oo jirkaaga jirka ilmaha u saaraya (hud-mot-hud).

Ku daaweynta iftiinka

Waa waxa suurtogal ah in ilmaha oo lagu daaweynayo iftiinka in aad jirka jirka u saarikartid. Waad fariisan kartaa/ku seexankartaa kursiga fadhiga la dhigo ama sariirta. Marka iftiinka ilmaha lagu daaweynayo waxaad u baahan tahay in aad soo jeedo maxaa yeelay ilmuhu kuma xirna qalabka wax lagu xambaaro.

Nalka buluuga ah ee wax lagu daaweynayo ma aha mid indhahaaga waxyeelaya, laakiin waxa fahmikaraa mid aan fiicnayn, waxa kaa caawinkara okiyaalaha indhaha.

Intee ayaa ilmaha lagu daryeelikaraa maqaar/jir ilaa maqaar/jir?

Wakhtiga aad ilmaha dhabta ku hayso waxa xadidikaro ookeliya inta aad adigu rabtid in aad ilmahaaga dhabta ku hayso. Ilmaha marka maqaar ilaa maqaar/jir ilaa jir lagu daryeelayo micnaheedu ma ah in ilmaha la kibrinayo. U dhowaanshaha ilmuhu waxay gacan ka geysanaysaa inuu ilmuhu helo nolol deggan oo xasilloon taas oo aasaas u ah horumarka wanaagsan oo sii socda. Markaad timaadaan guriga ee aad ka baxdaan isbitaalka fadlan siiwado in aad ilmahaaga xambaarto.

Text: Camilla Westberg