Rugta daryeelka qoyska

Adigu waxaad tahay qofka ugu muhiimsan nolosha ilmahaaga. Marka uu ilmuhu dhasho wakhti kahoreeya wakhtigii loogu talagalay ama marka uu ilmuhu ku dhasho wakhtigii loogu talagalay laakiin uu jiran yahay, may ahayn wax uu waalidka cusub filayey inay sidaa u dhacdo.

Ilmuhu wuxuu joogaa deggaan shisheeya waxaanu ku tiirsan yahay dad qalaand. Idinku haddii aad waalidka tihiin waxa laga yaabaa in aad aqoon u leedihiin laxanka ilmihiina ee maalin laha ah markii uu caloosha ku jiray oo uu ilmuhu garanayey codkiina, si fiican ayuu u yaqaanay oo ammaan ayuu ilmuhu ku dareemayey. Laakiin waa hadda marka aad si fiican isu baranaysaan, shakhsiyada uu ilmagaagu leeyahay, dabeecada iyo dhammaanba waxa uu ilmuh doonayo. Dhallaanka dhasha dhammaantood waxay adduunyada kale kula tiriiraan luqadooda dhinaca jirka. Marka uu ilmuhu jiran yahay ama uu ku dhasho dhicisnimo way ku adkaataa inuu soo gubdiyo waxa uu doonayo iyo waxa uu jecel yahay.

Shaqaaluhu waxay halkan u joogaa inay idin hagaan ilaa iyo inta aad idinku siinaysaan ilmihiina kaalmada iyo caawinada uu u baahan yahay. Inkastoo aqoontayada looga baahan yahay in aanu ilmaha ku daryeelka hadda sidaa ay tahay dhammaantayo waa la beddelikaraa, waanu imanaynaa oo tegeynaa. Dadkiina waalinta ah ayaa si joogto ah ilmaha noloshiisa la qaybsada.

Dhammaan dadku waa kala duwan yaha, dadka qaar way u fududahay inay maareeyaan dhacdooyinka lama filaanka iyo argagaxa ah halka ay qaar kalena aad dhib ugu tahay. In marka qof ilmo yari u dhasho ilmahaas oo u baahdo in lagu daryeelo qaybta dhicisyada iyo jirooyinka waa mid argagax leh waxaanu noqonkaraa borosees murugo leh oo aanu qofku filayn. Waalidiinta qaar ayaa markiiba doonaya inay ka qayb qaata daryeelka ilmahooda halka ay qaarkalena rabaan inay sugaan waxyar oo ay eegaan ilmaha, baaritaan ayey sameeyaan oo "waxay ka bogtaan" siduu ilmuhu u eg yahay. Qofkee ayuu/ayey iyadu/isagu u eg yahay? Ma jiraan wax astaamo ah oo uu qoyska intiisa kale kawataa? Fiiri, dareen oo urso ilmaha. Ku hay gacmahaaga ama gacantaada ilmaha "dhaqdhaqaaq la'aan", carruurta dhicisyada ahi waxay dareemikaraan wax aan fiicnayn marka la salaaxo maxaa yeelay sistamka neerfayaashoodu weli si dhammaystiran umuu horumarin.

Waalidiintu waxay qayb ka yihiin daryeelka ilmaha

Annagu waxaanu rabnaa in aad adigu ka qayb qaato daryeelka ilmaha sida ugu dhakhsaha badan marka aad dareento. Ma aha wax degdeg in la barto hawsha dhammaanteed, waa inuu qof waliba qaato wakhtiga uu u baahan yahay. Ka fikir ma aha waxa muhiimka ahi hawsha oo keliya, tan ugu muhiimsan waa sida uu ilmagaagu ugu ficil-celinayo, waxa uu ilmuhu qabankaro, caawimada iyo kaalmada uu ilmuhu u baahan yahay. Fiiri, dareen oo la soco waxa uu dabeeacadiisa ku muujinayo, ku taageer gacmaha, gogosha iyo codkaaga, sii ilmaha wakhti nasashooyin ah si uu waxyaabaha ku xeeran uga di buga soo kabto haddii uu muujiyo astaamo welwel ah ama uu jirkiisu daalan yahay. Kala hadal shaqaalaha dabeecada ilmahaaga iyo baahidiisa.

Isticmaal buugga xusuus qor ee ay shaqaaluhu ku siiyeen kadibna ku qor waxa uu ilmahaagu sameeyo, siyaabahaas ayaad ula soconkartaa horumarka ilmahaaga ilmahana waxa la siindoonaa buug uu isagu leeyahay oo ku saabsan markii ugu horaysay ee noloshiisa.

Waaldika -maro yar

Haddii aanay suurtogal adiga kuu ahayn in aad ilmahaaga u dhowaato, jirka aad jirka u saarto, waxaa wanaagsan in aad hayso maro yar oo uu jirkaagu ka urayo si marada ilmaga loogu dhoweeyo, si ay ugu urto una haysto. Waxay ilmahaaga siinaysaa fursad ah inuu garto urtaada marka dambe ee aad jirka jirka u saarayso. Haddii hooyada lagu daryeelayo qayb kale way ku adkaanaysaa inay timaado qaybta carruurta dhicisyada iyo jirooyinka marka waa inay hesho "Maro yar" oo leh urta ilmaha. Sida ilmaha loo siinayo fursad uu ku helo inuu dareemo urta waalidkiis, ayaa hooyadana loo siinayaa inay dareento urta ilmaheeda. Xitaa haddii aanay hooyadu jiranayn, carruurta iyo waalidku way kala beddelen karnaa marooyin. "Marada yar" ee uu ilmihiina lahaa waxaa aad uga uraya urta ilmihiina yar.

Warqadda waalidiinta "Waxaan jeclahay/ma jecli/annagu waalid ahaan waxaanu rabnaa"

Markaad u aragto in adiga iyo ilmahaagu aad isbarateen muddo yar kadib waxaad buuxinaysaa warqaddan " Waxaan jeclahay/ma jecli/annagu waalid ahaan waxaanu rabnaa". Arrintaasi waxay shaqaalaha siinaysaa macluumaad muhiim ah oo ku saabsan ilmahaaga iyo marka aad u aragto inay wax isbeddeleen waxaad weydiisanaysaa warqad cusub si aad u cusboonaysiiso sida aad adiga iyo ilmahaagu wax u rabtaan.