Hagaajinta heerkulka jirka (temperaturreglering)

Si ilmaha guriga loogu diro waa in marka hore uu heerkulka jirku aanu u baahan in sariirta/wax dheeraad ah kululeeyo..

Maadaama heerkulka jirka ilmuhu aanu weli horumar buuxa samaynin waxaad waalid ahaan u baahan tihiin inaad kaantarool ku samaysaan heerkulka jirka ilmaha laba goor maalmaha ugu horeeya si aad u hubisaan inuu heerkulka jirka ilmuhu yahay inta u dhaxaysa 36,7 ill 37,2 digrii. Ilmaha uu jirkiisu aad u qabow yahay waxay ka qaadataan tamar/awood badan sidii uu isu kuleylin lahaa halkii uu miisaanka ilmuhu kor ugu kici lahaa. Ilmaha uu jirkiisu aad kulul yahay waxa dhicikarta inuu daalo kadibna aanu cuntada xiiso u haynin inuu cuno. Marka uu heerkulka ilmuhu caadi noqdo waxa laga dareemikartaa qoorta, dhabarka iyo caloosha.

Haddii uu ilmahaagu qaboow yahay:

  • Ku seexi ilmaha jirkaaga/maqaarka maqaarka u saar
  • Isticmaal maro yarama tayuud/funaanad
  • Isticmaal koofiyad guriga dhexdiisa
  • U adeegso dhowr maro/buste oo kala sareeya sariirta