Hurdo

Sida ay ku taliyeen maamulka dhexe arrimaha bulshadu waxay sheegeen inay yaraato dhallaanka yaryar ee sida degdega ah u dhintaa haddii ilmaha loo seexiyo dhinaca dhabarka marka aanay waalidiintu soo jeedin ama aanay u dhaweeyn ilmaha. Dhinaca dhabarku wuu ka aammin badan yahay marka ilmaha dhinac dhinac loo seexiyo maadaama ilmaha dhinaca u jiifaa ay khatar leedahay inuu ilmuhu isu rogi karo dhinaca caloosha. Waxa haboon inuu ilmuhu ku seexdo sariir isaga u gaar ah oo taala qolka waalidiinta ama sariirta waalidku ku seexdaan dhinaceeda loo saaro joodarif. Joodariga ilmaha u gaarka ah waxa laga wadaa inuu ilmuhu leeyahay joodari iyo buste gaar ah si ay ugu ilaaliso inuu ilmuhu aad u kululaado. Ka qaad wixii barkimooyinka dheerad ah ee ilmaha ku keenikara inay ku soo dhacaan.