Lisidda iyo maaraynta caanaha naasaha

Waxa haboon in naasaha la liso marka uu ilmuhu naaska jaqitaankiisa afka toos uga qaado. Dhaqo gacmaha inta aanad naasaha lisin. Marka lisitaanku dhammaado biyo qabow ku dhaq dhalooyinka iyo qalabka la socda iyo gacmo gashigaba ama haddii kale mishiinka weelka dhaqa ku rid kadibna hawo ku qalaji. Mishiinka naasaha lagu liso, dhalooyinka iyo mujurucyada (ma aha tuunbooyinka) shan daqiiqo ayaa la karinayaa afar iyo labaatankii saanacoodba.