Sidee ayaan anigu ula soconkaraa xaaladda guud ee ilmahayga?

Qofka waalidka ah ayaa ilmihiisa sida ugu fiican u yaqaana. Sidaa daraadeed aad ayey muhiim u tahay sida aad adigu ilmaha ugu kuurgeleyso/ugu fiirsanayso.

Fiiro gaar ah u yeelo:

  • Midabka maqaarka ilmaha, tusaale midablaawe
  • Haddii uu ilmuhu daalan yahay oo aanu cuntada cunikarayn
  • Heerkulka jirka ilmaha
  • Sanka oo xiran, duuf iyo indhaha oo isku dhegdhegsan, waa inay guriga idiin taalo biyahaa cusbada leh (koksalt)
  • Haddii ilmuhu uu bilaabo inuu aad u matago oo aanay ku xirnayn wakhtiyada cuntada, tusaale isaga oo si saman u jiifa iyo haddii uu wejiga guduudiyo oo uu cuntada diido
  • Haddii ay xundhurtu guduud noqoto oo ay dhegdheg yeelato – ku dhaq markaa biyo cusbo leh kadibna maro yar ku tirtir (kompress)