Kaydinta caanaha naasaha iyo beddelka caanaha naasaha hooyada

Caanaha naasaha laga lisay waxa la gelinayaa firinjeerka (+4-6 digrii) ugu badnaan laba maalmood. Ha isku darin caanaha kulul iyo caanaha qabow ee naasaha, laakiin caanaha isku wakhtiga la lisay waa isku darikaraa markay qabowga yihiin. Ku qoran dhalooyinka taariikhda.

Caanaha naasaha ee la lisay qaboojiyaha waa la gelinkaraa (frysen) afar iyo labaatan saacadood gudahood. Cimridhererka/muddada ay oolayaan caanuhu waa lix bilood heerkulka qabowgoodu waa (ugu yaraan -18). Caanaha ugu horeeya waxa la gelinayaa firinjeerka/talaagada oo habeenkii lagu daynayaa, ama weel ay biyo qaboobi ku jiraan laba ilaa saddex saacadood. Kadibna waxay shaqaynayaan laba maalmod oo kale wixii intaa ka dambeeyana dib markale looma qaboojinayo (inte frysas).

Baakadaha cusub ee markaa lagu furay ee ay ku jiraan beddelka caanaha naasaha hooyadu waxay caadiyan jirikaraan hal bil. Ku qas caanaha budada ah biyo intaad karisay kadina aad qaboojisay. Habkan waxaad samaynkartaa oo aad beddelka caanaha firinjeerka dhigan kartaa 24 saacadood. Cimridhererka/muddada ay oolayaan waa isku mid haddaad beddelka caanaha naasaha wax ku darto.