Booqashooyin – khataraha infekshanada, nadaafada gacmaha iyo tubaakada

Ilmaha hadda dhashaa wuxuu u baahan yahay deggenaansho iyo inuu xasillooni ku koro. Carruurta dhiciska ku dhashaa way ka nugul yihiin carruuraha kale, way fiican tahay in laydiin yimaado oo ay dadka qaraabadu idin soo booqaan, laakiin wakhtiyada ugu horeeya booqashooyinka xaddida.

Waxa haboon dadka idin soo booqanayaa in aanay hargabsanayn ama aanay qabin cudurada faafa. Maadaama carruurta xannaanooyinka dhigtaa ay khatartoodu badan tahay inay ku dhacaan cudurada faafa waxa haboon in carruurta da'daas ah booqashadooda la xaddido. Waxa kale oo iyaduna macquul ah in laga fogaado in aan la tegin meelaha dadka badani isugu yimaadaan, sida gaadiidka ay dadweynu raacaan ama suuqyada dusha ka daahan. Aad ayey u fiican tahay in bannaanka ilmaha loo saaro. Haddii qof qoyska ka mid ahi uu jirado waxa haboon inuu qofkaasi ka fogaago ilmaha, tusaale dhunkashooyinka ama hindhisooyinka marka uu ilmaha u dhow yahay. Nadaafada gacmaha ee wanaagsan sida caadiga ah lagu ilaaliyaa in gacmaha lagu dhaqo biyo iyo saabuun. Xilliyada ay infekshanadu jiraan waxa xitaa la istcimaalayaa in alkolo gacmaha la marsado.

Waxa kale oo iyaduna muhiim ah in guriga dhexdiisa marka la joogo in aan meel ilmaha u dhow sigaarka lagu cabbin, maxaa yeelay carruurta hadda dhalatay iyo carruurta dhicisyada ah sambabadoodu si dheeraad ah ayey ugu nugul yihiin dhibaatada uga timaada cabbida tubaakada.