Markuu ilmuhu qaybta ka baxo kadib

Waxaanu ku dadaalaynaa in ilmahaaga guriga la geeyo sida ugu macquulsan ee ugu dhakhsaha badan. Marka guriga la joogo waxa yaraada infekshanada waxaadna fursad u heleysaan in aad idinka iyo ilmuhiinu aad si deggan oo nabad ah isu barataan. Carruuraha dhicisnimada iyo jirooyinka ku dhasha ee isbitaalka lagu daaweeyo qaarkood waxa lagu daryeela oo daawooyinka lagu siiyaa guriga (daryeelka guriga) marka ay isbitaalka ka baxaan kadib. Carruurta qaarkood waxa la socda oo dabagal ku sameeya (neonatalmottagningen), laakiin carruur badan waxa la wareegta xarunta daryeelka dhalaanka (BVC) iyaga ayaa la socda oo ku sameeya baaritaano caafimaad iyo talaaladaba. Haddii uu ilmahaagu jirado marka uu ka baxo isbitaalka waxaad marka hore la xiriiraysaa rugta caafimaadka (vårdcentrelen) ama waxaad wacaysaa telefoonka hagida ee 1177.

Webbredaktör: 5pb8