ROP

Carruurta dhicisyada ah xuubkooda isha ee hoose ma aha mid kobcinsan oo marka ay dhashaan marinada xiddida dhiiga ee xuubka hoose ee isha ayaan weli dhammaystirmin. Nidaaminta koriinka xiddidka waxa saamayn ku yeesha heerarka ogsijiinta dhiiga ilmaha ku jirta, haddii heerarka ogsijiintu ay tahay mid saraysa waxa khatar ah inay ishu dhaawacanto, waxa la yiraahdo retinopati av prematuritet (ROP). Sidaa daraadeed waa muhiim in carruurta lagu daaweynayo ogsijiin dheeraad ah in ogsijiinta lagu xadido xad adag.

Jiritaan

Cudurka ROP laguma arko carruurta dhasha wixii kadambeeya usbuuca 31 aad khatartuna way weyn tahay haddii marka uu ilmuhu dhasho aanu ahayn ilmo kobocsan.

Baaritaanka cudurka

Carruurta dhallata usbuuca 31 aad kahor marka ay jiraan 4 – 5 usbuuc waxa baara dhakhtarta indhaha. Baaritaanada waa lagu celceliyaa ilaa xuubka insha ee xiddidada dhiiga.

Saadaal

Carruuraha uu ku dhaco cudurka ROP inta badan isaga ayaa iskii u bogsada, laakiin cudurada horumarsan ee ROP-ka ah waxa jira khatar inuu xuubka inshu dabco. Daaweynta marxalada adag ee ROP waa in cirbad gaar ah isha lagu duro ama, inay khatar weyn oo ku saabsan inuu xuubka ishu dabco, waxa lagu daaweynayaa laser degdeg ah si loogu dhejiyo xuubka oogada sare ee isha. Sidaa ayaa ilmaha ishiisa lagu badbaadin karaa.

Text: Kajsa Bohlin Blennow