PPHN

Persisterande pulmonell hypertension, PPHN, waa xaalad ay xididada dhiiga ee sambabbadu ay isku soo ururaan, waxaana u sabab ah ilmuhu markii uu dhashay kadib xididadii may dabacin ama waxa keenay ficilcelin ka sameeyeen waxyaabaha ku xeeran awgeed.

Waxyaabaha sababta u noqonkara PPHN waa infakshano lagu dhasho, ku dhalashada ogsijiinta oo yar awgeed iyo mekoniumaspiration (fiiri cinwaanka gaarka ah), laakiin sidoo kale inuu ilmuhu aad u qabow yahay ama xanuun qabo. Marka xiddidada dhiiga ee sambabbadu ay isku ururaan markaa wareegii dhiiga ee ilmuhu wuxuu dib ugu noqdaa sidii uu ahaa markii uu uurka ku jiray, waxa la orankaraa dhiig aad u yar ayaa dhexmara kiishka sambabbada. Taasi waxay keentaa inay qaadashadii ogsijiintu ay aad u hoosayso, qaadashadii ogsijiinta ilmaha ayaa hoos u dhacda markaa waxa ilmaha maqaarkiisa jirka lagu arkaa midab buluug leh. Cudurka lagu ogaanayo waxa lagu sameeyaa sawirka kliniska ah waxaana lagu xaqiijiyaa aalada ultraljud ee wadnaha iyo xiddidada.

Marka ay PPHN tahay mid fudud way ku filan tahay inuu ilmuhu helo ogsijiin dheerad ah oo marmarka qaarkood la isticmaalo CPAP si uu uga caawiya neefashada. Markay PPHN tahay mid xun waa xaalad loo baahan yahay inuu daryeelku noqdo mid degdeg ah (intenssivvård). Wuxuu imuhu u baahan yahay in mishiin lagu xiro, oo uu helo ogsijiin badan iyo marmarka qaarkood la siiyo maado sida hawada oo kale ah naytarojiin ogsiidh ((nitric oxide, NO). Ogsijiinta iyo naytarojiintuba NO waxay ka caawinayaa inay marinanda xiddida dhiiga ee sambabbadu inay dabacsanaadaan. Waxa kale oo jira laba daawo oo kale mid afka iyo mid faleebo ah oo la siinkaro kuwaas oo caawinaya. Xaaladaha ugu adag haddii aanu ilmuhu qaadanayn ogsijiinta waxa loo baahnaan karaa in mishiin lagu xiro sambabbada, waxa la yiraahdaa ECMO, waana muhiim in marwalba la saxo wixii isbeddel ah ee markaa yimaada waana in la hubiyo in aanu ilmuhu welwelsanayn sababoo ah xaalada ayaa ka siidaraysa. Sidaa daraadeed waxa loo baahan yahay in la siiyo daawada wax dejisa tusaale morfin.

Marka la helo daaweyn sax ah cadaadiska dhiiga ee sambabbada ayaa hoos u dhacaya oo carruurta badankoodu si buuxda ayey dib uga soo kabtaan ama dib u soo bogsadaan

Akhri qoraalo dheeraad ah