Pneumothorax carruurta hadda dhashay

Marmarka qaarkood hawo ayaa ka soo baxda kiishka sambabbada ku wareegsan. Taasi waxay keenataa inay sambabbadu isku soo ururaan kadibna ilmaha way ku adkaataa inuu neefsado.

Pneumothorax wuxuu ku dhacaa carruurta dhiciska iyo kuwa wakhtigoodii caadig ahaa ku dhasha kuwaas oo leh noocyo ka mid ah ciladaha neefsashada sida PAS, RDS ama MAS.

Astaamuhu badanaa si lama filaan ah ayey ku yimaadaan inay baahida ogsijiintu si degdeg u korodho oo ay neefsashadu adkaata.

Daaweynta ugu horeysaa waxay noqonaysaa in hawada sambabbada laga soo nuugu iyada oo cirbad dhuuban xabbadka/laabta laga gelinayo. Hadday taasi ku filnaan weydo waxa lagu xirayaa wax la yiraahdo pleuradrän, waa tuunbo jilicsan oo la gelinayo kiishka sambabbada, tuumdbadu way ku jiraysaa waxaana lagu xirayaa shay khaas ah oo nuugaya. Kiisha sambabbadu wuxuu bogsadaa muddo 1 -2 maalmood kadibna waa laga saaraa tuumbada.

Text: Kajsa Bohlin Blennow

Akhri qoraalo dheeraad ah