NEC

Nekrotiserande enterokolit, NEC, waa xanuun ama barar ku dhaca mindhicirka kaas keenikara inay caloosha ilmuhu hawo ka buuxsanto kadibna ay ilmaha calooshu xanuunto.

Raajada iyo ultraljudka waxa laga arkikaraa xumbooyin yaryar oo hawo ah oo ku yaala derbiga mindhicirada xaaladaha khatarta ahna god ku samaynkara mindhicirka. Xaaladaha guud ee ilmaha ayaa si dhakhso ah uga soo daraysa tijaabooyinka dhiiga ee la qaado waxa inta badan lagu arkayaa inuu infekshan xoogan leeyahay.

Daaweyntu waxay noqonaysaa inuu mindhicirku nasto, ilmaha cunto afka lagama siinayo ee faleebada ayaa cuntada lagu siinayaa, iyo antibiyootig. Xaaladaha khatarta ah waxa loo baahan yahay qaliin, haddii lagu arko inay mindhiciradu leeyihiin meela daloola iyo hawo ku jirta caloosha ama ay jirto khatar inay mindhiciradu aad u caabuqeen oo ay ku socdaan inay hoos u galaan. Markaa waxa loo baahan yahay in mindhicirka qayb yar laga gooyo waxaa markaa qasab noqonaysa in caloosha meel laga furo oo la dalooliyo. Carruurta badanaa qabta NEC waxay u baahan yihiin in la geeyo Karolinska ee Solna halkaa waxaa jooga dhakhaatiirta qaliinka carruurta haddii qaliinku qasab noqotodo.

Text: Kajsa Bohlin Blennow