Mekoniumaspiration (MAS)

Mekonium waa saxaradda/xaarka ayaa ku urura xiidmayaasha inta ilmuhu uurka ku jiro. Haddii wakhtiga umusha lagu gudajiro fooshii ay dhib noqoto oo uu ilmihii aad isterees u noqdo, tusaale, ogsijiintii oo ku yaraatay awgeed, ilmuhu wuxuu markaa ku xaarayaa uurkii kadibna wuxuu isku deyeyaa inuu neefqaato inta aanu dhalan ee aanu bannaanka u soo bixin. Taasi waxay keenaysaa inuu xaarkii ilmaha sambabbada ka galo, waxaana la yiraahdaa aspirerar mekonium.

Mekonium wuxuu bilaabaa inuu dib u soo kiciyo xannuunka, waa nooc xanuunka sambabbada oo kiimiko ah. Marmarka qaarkood waxa ilmaha ku adkaata in marka uu dhasho ay si toos ah ugu adkaato inuu neefsado, marmarna waxay astaamuhu soo baxan saacadaha ugu horeeya ee nolosha ilmaha isagoo neef tuuraya, waxa sii kordha baahida ogsijiinta iyo inta badan inay dhakhso u sii xumaadaan. Sawirka raajada waxa lagu arkaa wax baro-baro leh.

Waxa lagu daaweeyaa in neefsashada laga caawiyo oo ogsijiin lagu xiro, CPAD iyo mishiinka neefta (respirator) xaaladaha aadka u daran. Antibiyootig ayaa la siiyaa maadaama ay jirto khatar ku saabsan bakteeriya infekshan noqotay.

Mekoniumaspirationsyndrom (MAS) waxay badanaa keentaa dhiig karka sambabbada, pulmonell hypertension (PPHN). Carruurta dhicisyada iyo jirooyinka ku dhasha ee lagu daryeelo deg-dega waxay bogsadaan muddo 1 -2 usbuuc gudahood (MAS).

Text: Kajsa Bohlin Blennow

Akhri qoraalo dheeraad ah