Qalalka carruurta hadda dhalata

Carruurta yaryar ee hadda dhasahay markuu qalalku qabto waxay u ekaan kartaa sida suuxdinta, qabashada laga qabto hal ama labada gacmoodba ama lugaha noloshooda dambe. Astaanta ayaa ah mid aan si fiican u muuqan oo soo noqnoqota, dhibaato dhaqdhaqaaqa gacmaha, lugaha (”waddida bushkuleetiga”) ama calaalinaya. Astaamaha kale waxa ka mid ah hakashada neefsashada, isbeddelka cadaadiska dhiiga ama garaaca wadnaha. Astaamuhu inta badan waa qaar gaagaaban marka ilmaha la qabanayana waxay qaadankartaa ilbiriqsiyo ilaa daqiiqado

Sababaha

Sababaha ugu badan ee keenta qalalka carruurta hadda dhasha waa ogsijiinta oo yar (asfyxi), faalidhka (stroke), maskaxda oo dhiig ku furmo, sonkorta dhiiga oo yar iyo cudurada dheefshiidka maadooyinka. Qalalku wuxuu sidoo kale ku yimaadaa haddii intii ay hooyadu uurka lahayd ay qaadatay daawooyinka qaarkood ama ay si khalad ah u istcimaashay mukhaadaraad.

Baarintaanka cudurka

Qofka arka dhaqdhaqaaqa jirka oo ka duwan kan caadiga ah waa loo oggol yahay inuu telefoonkiisa ku sawiro kadibna uu tuso shaqaaalaha. Si loo hubiyo ogaanshaha cudurka oo loo xakameeyo haddii loo baahdo hababka kala duwan ee loo isticmaalayo daaweynta si loogu diiwaangeliyo akfiititeetyada maskaxda aaladda elektroencefalogram (EEG). Fiilo ayaa lagu xirayaa madaxa ilmaha aktiifiteetkana waxa laga arkayaa shaashad.

Cudurka qalalka waa in si degdeg ah loo baaro, waana in la daaweeyo sababta keentay ee ka dambaysa. Baaritaanadu waxay ka kooban yihiin in la qaado dhiigag si loo ogaado inay sonkort dhiiga ee dhacsan, heerarka kala duwan ee cusbada iyo calaamadaha infekshanada. Intaa waxaa dheer baaritaanada aalada ultraljudka iyo kamarada magnadka si maskaxda sawir looga qaado loona ogaado dhaawacyada ka jira.

Daaweynta

Daaweynta in la bilaabo sida ugu dhakhsaha badan si loo saxo cudurada ka dambeeya iyo in sidoo kale la cudurka lagu daaweeyo daawo ka hortegeysa qalalka, antiepileptisk. Cudurka qalalka waxa inta badan calaamad u ah maskaxda oo leh nabar oo haddii daawo sax ah lagu daaweey usbuuc ayuu nabarku ku bogsadaa markaa daawdii wakhtigii daawanta la siinayey waa laga joojinayaa. Carruurtu keligood wakhti dheer ayey daawanta u baahnaan karaan iyadoo la siinayo daawada ka hortaga ee antiepileptisk

Si qoto dheer u dhexgelid