Carruurta hadda dhalatay ee madaxa biyaha ku leh (Hydrocefalus)

Carruurta ay maskaxdu kaga furantay dhiiga ee heerarka 3 – 4 waxay khatar ugu jiraan inay madaxa biyo ku yeeshaan (hydrocefalus). Waxa sabab u ah dareeraha/dheecaanka had iyo goor maskaxda ku samaysma ee caadiyan ka bixijiray kama baxayo maxaa yeelay qulqulka waxa joojinaya dhiig hore oo adkaaday. Dareeruhu/dhaacaanku wuxuu ku urura qolalka gaddadka markaa wuxuu bilaabaa inuu u fido sida buufinta kadibna wuxuu cadaadiyaa unugyada maskaxda. Taasi waxay keenaysaa inuu madaxii si dhakhso leh u koro aan hayn sidii la filayey kadibna wareega madaxa ayaa kordha. Magaca luqadda iswiidhka lugu yiraahdo (hydrocefalus) waa ”biyo madax”.

Baaritaanka cudurka

Cudurka Hydrocefalus ee biyo madax waxa lagu ogaadaa baaritaanka alaalada ultraljudka maskaxda. Daaweyntu waxay ka kooban tahay in meesha laga saaro dareeraha/dheecaanka si loo yareeyo cadaadiska maxkamda. Xaaladaha fudud dheecaan yar ayaa laga soo qaadayaa laf-dhabarta (lumbalpunktion). Haddii ay xaaladu caadi noqon weydo inta qaliin la sameeyo meesha weel yar ayaa meesha la gelinayaa caarada fiiqana waxa lagu aadinayaa qolalka maskaxda (ventrikel) kadibna baakad yar ayaa maqaarka hoostiisa la gelinayaa si loo fududeeyo dheecaankii joogtada loo soo qaadayey. Haddii loo baahdo waxa la beddelayaa weelkii yaraa waxaana lagu beddelayaa fiilo elekterik ah oo ku jiraysa dareeraha/dheecaanka u gudbinaysa caloosha.

Daaweynta

Marka la daaweynayo waxa la fogaanayaa in cadaadis badan oo ku yimaado maskaxda iyo in la yareeyo khataraha dhaawacyada ee saamayn ku yeelan kara sii socodka horumarka maskxada ilmaha.

Text: Kajsa Bohlin Blennow

Akhri qoraalo dheeraad ah