Cagaarshow/joonis carrruurta hadda dhasha

Cagaarshowga/jooniska waxa sababa maado jaale ah, bilirubin, oo ku samaysanta sida caadiga ah unugyada dhiiga jirka ee cas-cas hemoglobin. Carruurta yaryari waxay ku dhashaan iyagoo leh tiro sare oo dhiiga kaga jirta waxaanay u baahan yihiin inay aad u jejebiyaan hemoglobin. Isla markaa beerku uma bisla oo malaha awood uu ku jejebiyo sidoo kale mindhicirku muu bilaabin inuu shaqadii sidii loogu talagalay u qabanto inuu sii daayo bilirubineta isagoo ku daraya saxarada. Markaa bilirubinetu waxay gashaa xubnaha jirka dhammaantiis kadibna waxa loo arkaa inuu cagaarshow yahay iyadoo laga arkayo maqaarka jirka iyo indhahaba.

Cagaarshowga dhallaanka iyo iftiin-ku-daryeel

Sababaha ka dambeeya ee keeni kara

Cudurada qaarkood waxay sababi karaan inay keenaan cagaarshow badan. Tallaalku waa ficil-celin ka timaada ama dhicikarta marka ay ilmaha iyo hooyadii ay leeyihiin kooxaha noocyada kala duwan ee dhiiga waxaanay keentaa inay kordhaan unugyada dhiiga cas kadibna waxa xoog u kordha soo saarka billirubinta. Carruurta dhicisyada ahi waxay si dheeraad ah u leeyihiin beerkoodii oo aan kobcin iyo gaabis ka jira dhinaca jejebinta billirubinta. Taasi waxay keenaysaa inuu cagaarshowgii uu caadi ka noqdo carruurta dhicisyada ah haddii uu ilmuhu goor hore dhashana waa mid u caadi ah.

Baaritaanka cudurka

Heerka uu joogo cagaarshowga carruurta hadda dhalay dhammaantood waa la cabbiraa marka ay kabaxayaan qaybta BB inta aanay gurig aadin waxa lagu cabbiraa mitir gaar ah, waa hab gebi aan lahayn wax xanuun ah. Haddii uu qiimaha ama tiradu ay sarayso waxa markaa loo baahan yahay in dhiigag la qaado si loo helo qiimo sugan oo ku saabsan isku soo ururinta billirubinta. Qiimayaashu/tirooyinku way kacsan yihiin afar iyo labaatanka saacadood ee ugu horeeya ee nolosha ilmaha waxaana loo baahan yahay dhiigag la qaado si loola socdo tiradaas kor u sii kacaysa.

Daaweynta

Daaweynta iftiinka

Cagaarshowga aadka u xun ee wata qiimo sare oo billirubin ah wuxuu saamayn xun ku yeelankaraa maskaxda. Cagaarshowga ka sareeya qiimaha/tirada la aqbalikaro waxa gacanta koowaad lagu daaweeyaa fototerapi (daaweynta iftiinka). Xadka lagu daaweynayo ayaa lagu jaangooyey heer wanaagsan. Marka ilmaha lagu daaweynayo iftiinka isagoo qaawan ayaa lagu seexinayaa joodari uu hoostiisa ka baxayo iftiin buuug ah ama ilo iftiin kale. Indhaha ilmaha waxaa lagaga xirayaa wax ka ilaaliya iftiinka sida duub oo kale. Naaska waxa ilmaha la siinkaraa wakhtiyada daaweynta iftiinka la hakinayo, marmarka qaarkood waxa loo baahan yahay in tuumada ama faleebada cuntada lagu siiyo.

Dhiiga ku shubid (utbytestransfusion)

Xaallado naadir aha ayey tirada/qiimaha billirubintu aad kor kugu kacdaa, tusaale ahaan tallaalada aadka u daran. Sidaa daraadeed waxa loo baahnaan karaa daaweynta iftiinka oo degdeg ah oo ah dhow nal oo wada socda iyo marmar xitaa dhiig lagu shubo ("dhiig beddelid"). Marka dhiiga la beddelayo fiilo ayaa laga gelinayaa mid ka mid ah xiddidka dhiiga ee xundhurta marka inyar inyar ayaa ilmaha dhiiga bannaanka looga saarayaa oo lagu shubayo bankiga dhiiga. Daawadu waxay hoos u dhigaysaa qiimaha/tirada billirubinta waxay sidoo kale meesha ka saaraysaa unugyada difaaca tallaalka.

Saadaal

Carruurta hadda dhalatay cagaarshowgu wuxuu ka baxaa muddo 1 – 2 usbuuc ee ugu horeeya marka ay dhashaan kadib markalena dib uguma soo noqdo.

Text: Kajsa Bohlin Blennow

Si qoto dheer u dhexgelid