Ductus arteriosus

Ductus arteriosus, PDA, macnaheedu waa xiriirka uurkujirta ee u dhexeeya halbowlayaasha sambabbada ee waaweyn iyo halbowlayaasha jirka ayaan si caadi ah u dhammaanin.

Xaaladdani waxay badanaa ku dhacdaa carruurta dhicisyada ah waxayna u horseedi kartaa "dib u soo noqosho" "omvänd shunt", waa dhiig marhore ka baxay sambabbada ayaa weergii dhiigu dib markale u soo celinayaa. Taas oo keenikarta inuu dhiigii istaago sambabbada kadibna waxa ku samaysmaya biyo. Raajada sambabbada ayaa markaa u muuqata mid cad, sida dheecaanka sambabbada. Cudurka "ductus" ayaa lagu ogaadaa laba siyaabood iyadoo wadnaha lagu dhegeysanayo stetoskop cod ayaa markaa la maqlaa iyo iyadoo lagu ogaanayo alaada ultraljudka wadnaha markaa waxa la arkikaraa xiriirka u dhexeeya, waa la cabirikaraa inta uu leeg yahay iyo in la qiimeeyo qulqulka dhiiga

Astaanta cudurka ductus waa isbed-bedelka ogsijiinta, baahida ogsijiinta oo kordha iyo dhibaato dhinaca neefsashada ee qaybta labaad ee biyaha sambabbada.

Daaweyntu waa calaamad iyadoo la kaashanayo wax neefta caawiya, ogsigiin, CPAP ama mishiin, iyo daawo soconaysa haddii markaa loo baahdo. Waxa kale oo jira daawo loogu talagalay oo meesha xiraysa. Waxa markaa ilmaha la siinayaa ibuprofen, waxay leedahay waxyaabaha ku jira daawada xanuunka oo kale, muddo 3 maalmood ah. Ibuprofen waxa ilmaha lagu siinkaraa cirbad ahaan ama waxa lagu siinkaraa tuumbada cuntada lagu siiyo. Marmar dhif ah waxa dhacda in loo baahdo inay qaliin noqoto. Haddii uu qofku sugikaro ayaa ugu fiican. Meelaha furan badankoodu iyaga ayaa iskooda isu xira marka uu ilmuhu soo gaaro wakhtigii uu caadi u dhalan lahaa, waa marka ay muddadii dhalshadu u buuxsanto.

Text: Kajsa Bohlin Blennow

Akhri qoraalo dheeraad ah