Dhiiga maskaxda carruurta hadda dhashay kaga furma

Dhiiga maskaxda gudaheeda iyo hareeraheeda wuxuu gaar ahaan aad ugu dhacaa carruurta dhicinimada ku dhasha. Khatarta dhiiga maskaxda ayaa ah mid inta badan timaada 5 maalmood ee carruurta noloshooda ugu horeeya. Sababta keenta dhiig maskaxda waa xiddidada dhiiga qaada ayaa ah qaar aan kobcin waxaanay ku qarxikaraan intay fooshu soconayso ama dhibaato ku timaada ilmaha hadda dhashay.

Qaybaha maskaxda ee inta badan ugu nugul waa meelaha ay unugyada neerfayaashu ay samaysmeen uurka horaantiisii. Unugyadu waxay ku soo durkeen qaybta maskaxda ee (hjärnbarken) waxaanay halkaa kaga tageen xiddido qaababa dhiiga leh oo xiriir la leh godka maskaxda ee la yiraahdo (ventriklarna)

Jirtaan

Dhiiga maskaxda ee carruurta hadda dhalatay wuxuu inta badan ku dhacaa carruurta dhicisnimada ku dhasha. Dhiiga ku furma carruurta wakhtigoodii ku dhashay waa mid aan caadi ahayn.

Baaritaanka cudurka

Nidaamka rootiinka ee qaybta carruurta dhicisyada iyo jirooyinka ku dhasha waa in aalada ultraljudka lagu baaro dhamman carruurta dhicisnimada ku dhalata maskaxdooda si loo eego haddii uu jiro wax dhiiga. Ultraljudka ugu horeeya waxa la sameeyaa maalmaha ugu horeeya ee nolosha ilmaha kadibna si joogto ah ayaa loo sameeyaa intuu daryeelka caafimaadka ku jiro. Carruurta dhalata usbuuca 28 aad kahor waxa loo soo bandhigaa in lagu baaro maskaxdooda kamarada magneedka ah wakhtigaas oo ahayd inuu dhab ahaan ilmuhu u dhasho si sifiican loogu qiimeeyo horumarka maskaxda iyo haddii ay jiraan dhaawacyo.

Saadaal

Dhiigaga waxa loo yaqaanaa dhiigaga maskaxda qolalka gudaheeha (intra-ventrikulära blödningar) waxaana lagu qiimeeyaa inay yihiin afar heer oo uu dhibkoodu kala daran yahay. Nooca ugu sahlan waa heerka 1aad, wuxuu ku xadidan yahay meelaha koritaanka waxaa la orankaraa wax dhiig ahi ma soo gelaan qolka godka. Heerka 2aad caddad yar oo dhiiga ayaa soo gala qolka godka (ventrikel), iyo heerka 3aad dhiigu aad buu u badan yahay waxaanu buuxiyey wax ka badan kala bar qolka (ventrikeln). Heerarka 1-3 dhiigu kuma dhicin unugyada neerfayaasha maskaxda. Heerka 4aad ayaa xitaa ka qayb qaata xubnaha maskaxda ee u dhow qolalka (ventriklarna) waxaanay marwalba maskaxda u keentaa dhaawacyo joogto ah.

Dhiigaga heerarka 1-2 iyaga ayaa iskood isaga bogsada aadna dhif iyo naadir u ah inay dhibaatooyin neerfayaasha mustaqbalka dambe ku keento. Wixii ka dambeeya heerka 3aad waxa jira khatar ah inay ilmaha maskaxdiisu ku horuumarto hydrocefalus taas oo ah inuu madaxu dhakhso u koro. Carruurta ay xubnaha maskaxdoodu leedahay dhiigag, heerka 4aad, waxay khatar weyn noloshooda dambe ugu jiraan inay dhibaato uga timaado qaabka dhaqdhaqaaqa iyo awooda dhaqdhaqaaqa.

Text: Kajsa Bohlin Blennow

Akhri qoraalo dheeraad ah