Soomali - Bronchopulmonary dysplasia (BPD)

Carruurta dhiciska ku dhasha waxa dhicikarta inuu xannuunka sababbadu ku daba dheeraad oo uu joogto ku noqdo (kronisk). Cudurka waxa la yiraahdaa bronkopulmonell dysplasi, BPD.

Baaritaan cudur

Carruurta leh baahiyo joogto ah oo ah ogsijiin ama nooc kale ka caawinaya neefsashada muddo dhowr usbuuc gudaheeda ah, ugu yaraan 4 usbuuc, waxay leeyihiin cudurka la yiraahdo BPD. Marka uu ilmuhu gaaro usbuucii uurka oo u dhigma 36 ayaa la go'aaminkaraa heerka cudurka BPD: heerka fudud haddii aan loo baahnayn ogsijiin, heerka dhexdhexaadka haddii wuu sii haysanayaa ogsijiinta haddii loo baahdo iyo heerka xun haddii weli uu u baahan yahay wax ka badan 30% ogsijiinta iyo/ama wax kale oo ka caawinaya neefsashada (CPAP ama respirator).

Sababaha

Sababaha keena BPD waa gaar ahaa sambabbada oo aan kobcin wakhtiga dhalasada iyo sambabbada oo qaab dhismeedkoodu sii xumaado iyo kiisha ay sambabbadu ku jiraan oo sii yaraada (alveoler), taas oo sii xumaysa fursadaha inuu ilmuhu qaato ogsijiin wanaagsan. Xannuunka samababbada waxa bilaabikara infekshan ama in muddo dheer uu ku xirnaado mishiinka neefta qaadaa kaas oo leh caddaadis sare. Xanuunku wuxuu gacan ka geystaa horumarka BPD waxaanay keenikartaa inay sambabbadu bararaan.

Daaweynta

Ma jirito daawo si fiican u bogsiinaysa BPD. Beddelkeeda waxa la daaweeyaa astaamaha waxa lagu daaweeyo waxa ka mid ah daawo soconaysa si loo yareeyo bararka. Waxa kale oo muhiim ah in sambabbada loo abuuro xaalado fiican si ay u koraan si loo xoojiyo nafaqada. Kiishka sambabbada ayaa horumar sii sameeya sannadada ugu horeeya dhashada kadib taas oo keenta inay shaqadii sambabbadu inta badan dib u soo fiicanta.

Carruuraha qaba cudurka BPD qaarkood waxay u baahan yihiin i marka ay isbtaalka ka baxaan ee guriga la geeyo lagu daaweeyo ogsijiinta, laakiin carruurta inta ugu badan waxa ogsijiinta laga daayaa muddo 1 -2 gudadooda ah.

Text: Kajsa Bohlin Blennow

Akhri qoraalo dheeraad ah