Isbeddelada sonkorta dhiiga ee carruurta hadda dhasha

Glukos (”sockor”) waa isha tamarta ee ugu muhiimsan jirka. Intii uu ilmuhu uurka ku jiray wuxuu sonkorta uu ilmuhu u baahan yahay ka qaadan jiray mandheerta. Markuu ilmuhu dhasho way istaagtaa inuu halkaa wax ka qaato maadaama xundhurtii la jaray. Ilmuhu wuxuu caadiyan kasytaa keyd ku filan oo sonkor ah beerka ilmaha oo loogu talagalay heerka sonkorta dhiiga ayey tahay inuu ku jiro boos la hubo ilaa iyo intay hooyadu caanaha naaska ka soo saarayso oo uu ilmuhuna baranayo nuugitaanka naaska.

Haddii ay sonkorta dhiigu (hypoglykemi) ay hoosayso macnaheedu waxa weeye maskaxdii ayaan helin tamar ku filan oo haddii sonkortu ay aad u dhacsan tahay waxay keenaysaa astaamo degdeg ah sida tabar daro, murqaha oo isku soo urura iyo xaalad aad naadir u ah, maxkamada oo dhaawac soo gaaro.

Khatarta cudurka hypoglykemi waxay ku badan tahay carruurta dhicisnimada ku dhasha iyo kuwa miisaankoodu yar yahay sidaa awgeed aan lahayn keyd badan oo sonkor ah. Sidoo kale khatarta tamarta keydku way ka sii weynaanaysaa haddii keydkii tamarta lagu isticmaalay tusaale ahaan infekshanka ama ogsijiinta oo ilmaha ku yar awgeed (asfyxi). Carruurta ay hooyooyinkood qabaan cudurka sonkorta waxay khatar ugu jiraan inay qaadaan cudurka hypoglykemi markay dhashaan kadib maxaa yeelay waxay leeyihiin harmoono insuliinta dhiiga sonkorta ku jirta hoos u dhiga.

Sonkorta dhiiga ee hooseysa waxa lagu daaweeyaa in la siiyo ilmaha nafaqo iyo tamar, xaaladdaha fudud in la siiyo cunto dheeraad ah iyo in sonkor afka laga siiyo. Xaaladaha qaar, gaarka ahaan haddii aanay sonkorta dhiigu caadi noqon marka cuntada la siiyo ama ay imaha ka muuqato astaan, inuu u baahan yahay in lagu daaweeyo faleebo. Astaamaha ka badan maalin waxa lagu daaweyn karaa in la siiyo daawo ka horteygeysa saamanta insuliinta, tani waxay caadiyan khsueysaa ilmha ay hooyadii qabto sonkorta ee isku daaweysa insuliinta

Text: Kajsa Bohlin Blennow