Asphyxia, HIE

Uur kujirta iyo carruurta sababo kala duwan ay ugu dhacdo ogsijiin yaraantu iyo wareega dhiiga oo aan ku filnayn awgeed ayaa la yiri waxa ku dhaca asfyxi. Ogsijiin yaraantu (Asfysi) waxay imankartaa intaanu xanuunka dhalmada ka horeeyaa iman, inta dhalmada lagu dhexjiro ama dhalashada ilmaha kadib. Cudurkan asfyxi wuxuu sababayaa inuu ilmaha jirkiisa oo dhan ay ku dhacdo ogsijiin yaraan, kaaraboon laba ogsaydhku jirka ku urura, kaydka tamarta ayaa yaraata oo qiimaha pH (heerka dhanaanka) ayaa hoos u dhaca.

Haddii ay jirto astaan sheegaysa cudurka asfyxi waxa loo baahan yahay in dhalmada la dedejiyo iyadoo adeegsanayo dhowr hab sida saacada nuugid, biinso/kelbad ku dhalin iyo qaliinka dhalmada. Cudurka asfysi dhibaatadiisa kadib wuxuu u muuqankaraa in aanay ilmha nololi kujirin kadiban wuxuu u baahan yahay in laga caawiyo neefsashada iyo xitaa cadaadiska wadnaha iyo daawooyin

Inta lagu gudajiro cudurka asfysi iyo kadib maskaxda ayaa ah xubinta ugu dareenka badan, laakiin xitaa xubnaha kale saamayn ayay ku yeelanayaan, gaar ahaa kelyaha, beerka iyo wadnaha. Xaaladaha aadka u adag carruurta yaryar inta lagu gudajiro dhowrka maalmood ee noloshooda ugu horeeya saamayn ayey shaqadda maskaxdu ku yeelataa, waxa la yiraahdo HIE = hypoxisk-ischemisk encefalopati. Astaanka HIE waa feejignaan daro, tabardaro dhinaca ka ficil-celinta iyo suuxdin ("murqaha oo koga").

Daaweynta

Daaweynta HIE waa inuu ilmuhu helo daryeel degdeg ah oo laga caawiyo neefsashada iyo wareega dhiiga, si loo ogaado loona daryeelo suuxdinta, iyo in la hubiyo inuu ilmuhu helay nafaqo ku filan. Haddii calaamada HIE ay tahay dhexdhexaada ama uu yahay mid xun markaa daaweynta qaboojinta ayaa la isticmaalayaa. Iyadoo la adeegsanayo dharka qaboojinta ayaa heerkulka jirka ilmaha hoos loo dhigayaa 3 – 4 digrii, ilaa 33,5 digri muddo 72 saacadood ah. Daaweyntu waa mid wax ku ool ah waana mid si muuqata khatarta dhaawacyada maskaxda u yaraynaysa sidaa daraadeed carruurta inta badani caafimaad buuxa ayey helaan kadib markay ka bogsadeen xanuunka dhexddhexaad ama mid xun.

Text: Kajsa Bohlin Blennow

Akhri qoraalo dheeraad ah