Carruurta dhiig yaraatan ku dhalata

Anemi macnaheedu waa dhiig yaraan, waxa hooseeya Hb (hemoglobinvärde). Inta bada markuu ilmuhu hadda dhasho waxa saraysa Hb-ga. Hb-gu si caadi ah ayuu hoos ugu dhacdaa. Maadaama ilmaha dhiciska ahi aanu kobcin oo aanay lafta dhuuxu bilaabin inay soo saarto dhiig cusub, waxa inta badan loo baahan yahay in la qaado dhiigag tijaabooyin ah oo soo noqnoqda. Taas macnaheedu waa carruurta dhicisyada ah waxa ku dhaca dhiig yaraan oo waxay u baahnaan karaan in halmar ama dhowr goor lagu shubo dhiigag inta ay daryeelka ku jiraan.

Ilmaha hadda dhashay wuxuu leeyahay celcelis dhiig oodhan 85 ml/kg, taas oo ka yar hal cabbirka dicilitirka haddii uu miisaankiisu yahay 1kg.

Text: Kajsa Bohlin Blennow