Kobcid la’aan apnéer

Carruurta dhicisnimada ku dhashaa waxay leeyihiin ka ficil-celin aan kobcin waxay kaloo xitaa khuseysaa ka ficil-celinta neefsashada. Taas macnaheedu waxa weeyey inay marmar ”ilaawaan” inay neefsadaan kadibna waxay sameeyeena inay waxyar hakiyaan neefshada, taas oo loo yaqaano apnéer. Hakashada neefsashada waxa la xiriira inay hoos u dhacdo ogsijiintii iyo inuu marmarka qaarkood garaaca wadnunu xitaa hoos u dhaco.

Hakinta neefta marmarka qaarkood waxa bilaabanta wax/shay, sida tusaale inuu ilmuhu xaaro ama inuu daalo cuntada kadib, laakiin xitaa wuu iska imankaraa iyadoo aanay wax daandaansan. Inta badan ilmaha ayaa keligii la soo noqda neefta, laakiin marmar wuxuu ilmuhu u baahan yahay baraarujiyo si ay neeftu u bilaabanto markale haddii ay muddo dheer neeftu ka hakato wuxuu ilmuhu u baahan yahay in neefta laga caawiyo, shaqaalaha ayaa markaa ilmaha hawada u furaya oo maaskaro wejiga hortiisa dhigaya, waxa la yiraahdo NeoPuff.

Kobcin la'aanta (omogenhetsapnée) waxa lagu daaweeyaa iyadoo la adeegsanahayo daawo ay ku jirto koffein. Sida kafeyga ayey kor u qaadaa heerka soo jeedka markaa waxay ka hortegeysaa apnéer. Horumar ah inay hakinta neefsashadu ay ka tagto marka uu ilmuhu sii kobcaba oo ay ka dhammaado inta aan ilmaha laga saarin qaybta carruurta dhicisyada iyo jirooyinka ku dhasha.

Text: Kajsa Bohlin Blennow

Akhri qoraalo dheeraad ah