Cilladaha wadnaha

Inta uu ilmuhu uurka ku jiro waxa dhicikarta in aanu wadnuhu caadi ahay taas oo natiijadeedu noqoto inuu ilmuhu ku dhasho wadnaha oo cilladaysan.

Waxay noqonkartaa khalad fudud, tusaale sida dalool yar oo ku yaala derbiga u dhexeeya laba qol ee wadnaha ((ventrikelseptumdefekt, VSD) ama waxa ciriiri noqda mid ka mid ah daboolada wadnaha. Xannuunadu inta badan markay muddo joogaan way tagaan. Waxa kale oo ay noqonkartaa cillado adag kuwaas oo saamayn ku yeelankaran shaqada wadnaha waxaanay u baahnaan karaan qaliin, badanaa waa inta lagu gudajiro bilaha ugu horeeya een nolosha ilmaha. Laba meelood ayaa xarun u ah qaliinka wadnaha ee carruurta wadanka Iswiidhan waa Lund iyo Göteborg.

Wadnuhu wuxuu leeyahay afar qol, midig, qol bidix (vänster förmak), midig iyo qol bidix (väsnter kammare). Dhiigu wuxuu ka yimaadaa jirka waxaanu aadaa wadnaha dhinaciisa midig kadibna wuxuu sii maraa laba qol (förmak och kammare) waxaanu u sii gudbaa sambabbada. Sambabbadu ogsijiin cusub ayey dhiiga u soo qaadaan kadibna waxay dib ugu celiyaan qaybta bidix ee wadnaha (vänstra förmak). Wixii intaa ka dambeeya wuxuu dhiigii tagaa qolka bidix ee wadnaha kaas oo ku siidaynaya dhiigii ogsijiinta lahaa jirkii isagoo dhiigu sii marayo halbowlayaasha waaweyn, ee luqada laatiinka lagu yiraahdo "aorta". Si qulqulka dhiiga looga hago wadnaha waxa jira isku xirnaan u dhaxaysa daloolada iyo qolalka wadnaha kadibna u ka baxa xiddidada waaeyn ee dhiiga qaada.

Cilladaha wadnaha waxa lagu ogaakaraa siyaabo kala duwan, marmarka qaarkood waxa lagu arkikaraa aalada ultraljudka inta aanu ilmuhu dhalan, marmarka qaarkood ilmaha way ku adag tahay inuu neefta toos u qaato markuu dhasho, marmarka qaarkood markuu takhtarku uu baaritaanka ilmaha ku samaynayo cod ayuu wadnaha ka maqlaa iyo marmar qaarkood waxa dhacda in aan xanuunka wadna laga arag wax astaan ah haba yaraatee. Cudurka waxa lagu ogaadaa iyadoo la kaashanayo aalada ultraljudka, waxa loogu yeeraa hjärteko carruurta.

Qiyaastii cillada wadnaha carruurta dhalataa waxay ku dhacdaa 8 carruur ah 1000 carruur ahba, laakiin 2 ka mid ah 8daa ayey xaaladoodu adkaataa. Cilladaha wadnaha badan kooda manta waa lagu guuleystaa in la daaweeyo oo dhamman carruurtu way ka badbaadaan, laakiin waxay u baahan yihiin in dabagal lagu sameeyo intay korayaan.