Ciladda neefsashada, NAS iyo PAS

Mid ka mid ah isbeddelada ugu waaweyn waa inuu ilmo yar oo dhashay uu bilaabo inuu sambabadiisa u isticmaalo inuu ka neefasado. Intaanu ilmuhu dhalan waxa sambabada ka buuxa biyo. Dhalmada caadiga ah sambabadu waxay diyaargaroobaan inta foosha xannuunku soconayo oo qayb ka mid ah biyaha ku jira sambabada ayaa soo baxa inta dhalmada lagu gudajiro. Marka la qorsheeyo in qaliin ilmaha lagu soo saaro sambabadii diyaar ma aha taasina waxay keenaysaa inay ilmhii ku adkaato inuu caadi u neefsado maadaama ay biyo badani ku hareen sambabadii.

Ciladda neefsashada (NAS)

Ciladda neefsashada carruurta dhicisnimada iyo jirooyinka ku dhasha, NAS waa nooca ugu fudud astaamuhuna waa ilmaha ayaa dhakhso u neefsanaya oo neeftuuraya. Marmar wuxuu ilmuhu u baahan yahay ogsijiin ama in muddo gaaban laga caawiyo neefta iyada oo la istcimaalayo CPAP, habka lagu neefsankaro si loo caawiyo waa in sababada la furo.

Iswaafajinta ciladda Pulmonell (PAS)

Iswaafajinta ciladda Pulmonell, PAS, waa nooc wax yar iska cad in qaabka ciladda neefashadu ay astaantu isku mid tahay, laakiin muddo ayuu sii jiraa, marmarka qaarkood dhowr maalmood. PAS waa marka ay sambabbada ay biyo ku haraan markaa sawirka raajada marka la saaro waxa soo baxa sawir. Ddaawadeedu waa NAS, CPAP iyo haddii loo baahdo in la siiyo ogsijiin dheeraad ah

Text: Kajsa Bohlin Blennow

Akhri qoraalo dheeraad ah