Miisaanka qaybta carruurta dhicisyada iyo jirooyinka

Ilmaha hadda dhasha waxa la miisaamaa bilowga hore maalinkasta waana wax caadi ah inuu ilmaha miisaankiisu hoos u dhaco wakhtiyada ugu horaysa markuu dhasho kadib. Muddo usbuuc – ilaa 10 maalmood carruur badan ayaa miisaankoodu isbeddelaa oo uu kor u kacaa kadibna ay si tartiib ah miisaankoodu kor ugu sii kacaa. Miisaanka guud ee ay kor u kacaan waa inta u dhaxaysa 150 – 200 garaam/usbuuciiba. Laakiin kor u kaca miisaanku dabcan waa mid shakhsi ah.

Ilmaha waxa miisaanka lasaarayaa isagoo maryo ku duuban

Si looga fogaado qabowga aan fiicnayn iyo dhaqdhaqaaqa istareeska leh inta miisaanka lagu gudajiro carruurta dhammaantood marka la miisaamayo dhinaca ayaa loo dhigayaa ama caloosha iyada oo si fiican hareeraha looga caawinayo. Marka ilmaha laga soo qaadayo sariirta si loo miisaamo waxa si fiican loogu duubayaa shukumaan/tuwaal gogsha sariirta. Marka aad ilmaha qaadayso waa inaad isu dhoweyso. Gogosha sariirta waa in loo miisaamo si gooni ah kahor ama kadib miisaanka ilmahana waa in la waafajiyo culeyska.

Ilmaha waxa miisaanka sariirta dhalada ah la saarayaa isagoo maryo ku duuban

Marka uu ilmuhu ku jiro sariirta dhalada ah ee la miisaamayo dhinaca ayaa loo dhigayaa ama caloosha ayaa loo seexinaya iyada oo si fiican hareeraha loogaga caawinayo gogosha sariirta ee lagu daryeelo. Gogosha sariirta waa in loo miisaamo si gooni ah kahor ama kadib miisaanka ilmahana waa in la waafajiyo culeyska.