Dhaqitaanka maalin laha ah ee qaybta carruurta dhicisyada iyo jirooyinka

Marka uu ilmaha maqaarkiisu noqdo mid kobcay (mogen) waxay noqonkartaa inay tahay wakhtigii maalin kasta jirka loo nadiifin lahaa. Fadlan sug inta ilmaha laga arkayo calaamadahaa kadibna isla qorsheeya shaqaalaha wakhtiga ay ku haboon tahay. Waa in aad marwalba noqotaan ugu yaraan laba qof oo ilmaha ka agdhow marka ilmaha daryeelkiisa lagu gudajiro. Marmarka qaarkood waxa loo baahan yahay in ilmaha marka loo dhaqayo dhowr goor loo kala qaybiyo, tusaale iyada oo marba dhinac loo dhaqayo.

Soo qaado shay ama weel aad ugu dhaqdo, waraaqaha loogu nadiifiyo, baalsam loogu dhaqo, shukumaan/tuwaal iyo xafaayada. Korka sare ka soo bilow marka aad u dhaqayso kadibna hoos u siisoco. Dhaq meelaha laabatooyinka oo dhan (dhegaha, qoorta, kilinkilooyinka iyo goljilicda). Ka taxaddar in aad ilmaha u qalajiso meelaha laalaabma oo dhan.