Beddelida xafaayada qaybta carruurta dhicisyada iyo jirooyinka

Markasta noqda ugu yaraan laba qof marka aad ilmaha xafaayada ka beddeleysaan si uu ilmuhu u helo caawimo inta la daryeelayo. Taasi waxay ku xiran tahay sida uu ilmuhu u kobocsan yahay (mognad) waxa wanaagsan in marka hore dhinac loo jiifiyo inta xafaayada laga beddelayo. Shaqaalaha ayaa idin tusaya sida aad u samaynaysaan. Qof ayaa ilmha diirada ku haynaya qofka kalena xafaayada ayuu beddelayaa. Iskuday in aad ilmaha si tartiib ah miskihiisa kor u qaado marka xafaayada laga furayo iyo marka loo gelinayo sidoo kalena waa inuu ilmuhu lugaha taageero ka helo.

Haddii uu ilmuhu kaajo oo keliya uma baahnid in aad markasta loo dhaqo marka xafaayada la beddelayo. Haddii uu ilmuhu xaaro biyo diiran ayaa dabada lagu nadiifinayaa.

Iyado oo ay ku xiran tahay xaalada daawada ilmaha waxa marmarka qaarkood loo baahan yahay inay shaqaaluhu xafaayada miisaamaan. Shaqaalaha ayaa kaa caawinaya si aad u ogaato waxa aad samaynayso marka aad xafaayada ilmaha ka beddesho kadib.