Qobeyska qaybta carruurta dhicisyada iyo jirooyinka

Marka ilmaha loo qobeynayo waxay shaqaaluhu u diyaariyan biyo loogu qobeeyo oo qiyaastii kuleylkoodu yahay 37 digrii ah (armbågsvarmt).

Marka ilmaha laga soo qaadayo sariirta ama sariirta dhalada ka samaysan, waxa lagu duubayaa maro ama buste. Marada ama bustuhu way ku duubnaanayaan marka ilmaha biyaha lagu dhexridayo. Marka uu ilmuhu si fiican biyihii u dhexgalo biyaha ayaa laga saarayaa marada ama bustaha. Taageer ilmaha adiga oo gacan ku haya/waa inay gacantu si joogto ah madaxa ilmaha u caawisaa. Gacantaada qaybteeda sare ku qabo carruurta waaweyn. Shaqaalaha ayaa caawimo idinka siinaya ilmaha.

Hubso inuu jirkii ilmuhu uu galay qaybtii sare ee biyaha si aanu ilmuhu qobeyska u arag inuu yahay qabow aan fiicnayn. U ogolow inay cagaha ilmuhu gaaraan saxanka loogu qobeynayo. Bilowga hore ee qobeyska fadlan noqda ugu yaraan laba qof oo waaweyn. Qof ilmaha ayuu haynayaa oo xabadka/laabta ayuu ilmaha ka taageerayaa si uu ilmuhu u dareemo ammaan, halka uu qofka kale u qobeynayo ilmaha. Qobeyska waxaa laga soo bilaabayaa hor ilaa hoos.