Carruurta dhasha usbuucyada 36-42

Ka fikir carruurtu si shakhsi shakhsi ah ayey horumar u sameeyaa. Heerka horumarka ilmaha ayaa ku xiran inuu ilmuhu ku dhashay usbuucan ama uu dhashay horaantii uurka.

Horumar

Koritaanka maskaxdu si joogtoa ah uyuu y socdaa. Unugyada maskaxda iyo dhammaan xiriiradii, marinadii ay mari lahaayeen intoodii badnayd booskoodii ayay ku sugan yihiin si ay u horumaraan. Maskaxdu waxay wataa inay si dhakhso ah horumar u samaysaa ilaa iyo da'da labada sannadood. Aragtidu waa dareemayaasha kan ugu dambeeya ee kobca waanu sii soconayaa kobcintiisu xitaa markuu wakhtigii uu ilmuhu ku dhan lahaa buuxsamo. Ilmuhu meel dhow ayuu si fiican ayuu wax uga arkayaa, qiyaastii 20.30 cm. Xasillonida wejiga waalidku waa sida ugu fiican marka uu ilmuhu waalidka eegayo. Qaabka iyo midabka adag/xooga badan aya noqonkara mid ilmaha dhiirigelin kara. Ilmuhu wuu garanayaa codka waalidka dana kama galo codadka hurdada ka qashqashaada. Markuu ilmuhu gaaro wakhtigii uu ku dhalan lahaa dareemayaasha ayuu codadka ku garankaraa.

Ilmuhu wuu xakaynkaraa dhaqdhaqaaqyadiisa waxaanu awood u leeyahay inuu isku soo dhowaado oo uu gacmihiisa afka geliyo. Ilmuhu gacmaha wuxuu ku leeyahay tamar uu ku dhaqdhaqaajiyo iyo lugo xoog badan keligiisna waxbuu qabsankaraa. Madaxa kor ayuu u qaadikaraa oo muddo ayuu keligiis kor u haynkaraa.

Ilmuhu hadda hurdo badan oo aan shaki ku jirina ayuu seexankaraa iyo wakhtiyo uu soo jeedo, laakiin weli ay ku jirto waxoogaa isdhaafsan oo u dhaxaysa hurdo iyo soo jeed markaa wuxuu u baahnaan karaa sidii uu u helihaa deggenaansho iyo hurdo. Ilmuhu wuxuu awoodikaraa inuu soo jeedo muddo yar oo gaaban oo uu xiisaynayo inuu adiga waalid ahaan uu rabo inuu wakhti kula qaato.

Daryeelka caafimaadka carruurta dhicisyada iyo jirooyinka ku dhasha (neonatalvård)

Wakhtiga ugu horeeya ee noloshiisa waxay ilmaha qaarkood u baahan yahay in lagu xannaaneeyo sariir dhalo ka samaysan oo diiran si uu kulayl u helo. Heerkulka jirka ee caadiga ah ayaa ilmaha muhiimad weyn u leh samaqabkiisa, koriinkiisa iyo horumarkiisa. Sariirta diiran waxa ku dahaaran oo korka laga saaray wax iftiinka badan ka ilaaliya. Maadaama maskaxda ilmuhu aanay kobcin wuxuu daryeelka caafimaadku diiradda saarayaa aamusnaanta, deggenaanshaha iyo jewi mugdi ah/meel madow. Ilmaha waxa daryeelka lagu siinayaa isagoo ku jira sariiro yaryar oo si gaar ah loogu talagalay in caawimooyinka lagu siiyo. Si loo yareeyo qaybaha doorsanaanta/dhibka waa in dhammaan daryeelka daaweynta si taxaddar leh loo qorsheeyaa.

Carruuraha qaarkood ayaa u baahan in laga caawiyo neefasashada muddo xadidan, sida Cpap (Continuous Positive Airway Pressure). Wuxuu ilmuhu yeelan karaa isu dheelitirn la'aan garaaca wadnaha iyo neefsashada.

Bilowga hore waxa ilmaha lagu quudiyaa oo nafaqada lagu siiyaa faleebo. Ilmaha goor hore ayaa cuntada lagu siiyaa iyadoo la kaashanayo tuunbo (sond) sanka ayaa laga geliyaa ilaa caloosha soconaysa, halka carruuraha kale cuntada afka toos looga siiyo iyagoo naaska nuugaya, koob lagu siinayo cuntada ama masaasad. Waxa ay shaqaaluhu samaynayaan waxay ku xiran tahay waxa uu ilmuhu muujiyo ee uu awoodikaro iyo waxa aad idinku waalid ahaan doonaysaan.

Iyadoo ay ku xiran tahay koriinka ilmaha (usbuuca uu ilmuhu dhashay iyo heerka uu ka gaaray koboca/koriinka) waxa dhicikarta in ilmaha laga beddelo sariirta dhalada ka samaysan oo loo beddelo sariir kulul waxaanay sariirtu leedahay wax ku dahaaran oo korka laga saaray oo iftiinka ka ilaalinaya. Marka xitaa ilmaha lagu daryeelayo sariirta caadiga ah wuxuu qofku gashanayaa funaanad laga qaadanayo/amaahanayo isbitaalka. Waxa kale oo xitaa dhicikarta inay tahay wakhtigii aad idinku si wadajir ah u degi lahaydeen qolka daryeelka qoyska ee qaybta ku yaala.

Maxaan anigu waalid ahaan samaynkaraa?

Wakhtiga badan ee aad idinku isla qaadateen ayaa waxaad adiga iyo ilmahaaguba dareemaysaan wanaag badan. Fadlan qorshee in aad ilmahaaga la joogto marka uu ilmuhu wax cunayo, xafaayada laga beddelayo, loo qobeynayo ama la miisaamayo si aad goobta u joogto oo aad u daryeeshaan ilmahaaga adiga iyo shaqaaluhuba si aad ilmahaaga u barato iyo in aad aragto sida uu horumarka u samaynayo. Ilmuhu wuxuu muujinayaa inuu xiise u qabo waxyaabaha ku xeeran adiguna waalid ahaan waxaad ilmaha tusaysaa deggenaansho, waafajin iyo jewi iskudubadhacsan oo ilmaha ku xeeran si uu si deggan u seexdo oo uu awood ugu helo markuu soo jeedo. Carruuro badan ayaa caawimo ka hela iyagoo ka bixikara markay dadka la joogaan haddii uu ilmuhu caawimo ka helo jirkiisa oo boos fiican yaala kula hadal cod dabacsan ama si tartiib ah ugu hees ilmaha. Wuu garanayaa codkaaga ilmuhu. Wejiga bani, aadamka ayaa ugu fiican in ilmo yar aragtidiisa lagu xiiso geliyo. U keen qayb yar oo maro ah oo ay urtaadu ka urayso oo dhig meel wejigiisa u dhow.

Sida ugu dhakhsaha badan marka xaalada ilmuhu ay xasiloonaato ayaa ilmaha lagu daryeeyalayaa maqaar ilaa maqaar adiga oo xabbadka/laabta ku qabanaya. Isku day in aad wakhti badan u hesho ilmahaaga si aad ugu daryeesho maqaar ilaa maqaar/jir ilaa jir maadaama ay saamayn badan ku leedahay horumarka ilmaha iyo wanaagiisaba. Tani waxay ka caawinkartaa inuu ilmuhu wax badan iska soo taro dhinaca neefashada, garaaca wadnaha, keerkulka jirka iyo dheefshiidka cuntada. Waxay kaloo ku sii daynaysaa "hormoono wanaagsan" adiga iyo ilmahaagaba. Shaqaalaha ayaa kaa caawinaya inaad hesho boos wanaagsan aad ilmaha dhigto si aad idinku isugu heshaan wakhti fiican oo aad si wadajira. Qaybta waxa yaala qalabka wax lagu xambaaro oo kala duwan, waydiiya shaqaalaha iyaga ayaa idinka caawinaya waxa qoyskiina ku haboon.

Bilow adigu in aad caanaha naasaha ku jira aad soo saarto. Dhibcaha caanaha naasaha ee ugu horeeya ayaa ah qaar nafaqo badan leh (kolostrum) markaa si toos ah ayaa ilmaha afkiisa loogu qabanaya markaad shaqaalaha ku heshiisaan kadib. Marka ay caanuhu caadi u soo baxaan fadlan caadayso in aad caanaha in yaryar u listo si aad u siiso marka uu ilmuhu soo kaco.

Waa muhiim in hadda ilmaha la baro si uu wax u cuno si uu koriinkiisu u sii socdo. Marka laga reebo faleebada ilmaha cuntada lagu siiyo waxa hadda haboon in la bilaabo inuu ilmuhu naaska hooyadii barto inuu nuugo ama la siiyo masaasada caanaha. Qaybta waxa ka shaqeeya qof loogu talagalay inuu caawiyo naas nuujinta haddii loo baahdo.

Ka qayb qaado nidaamka nadaafada ee ay qaybtu leedahay si aad u caawiso oo looga hortaga infekshanka. Ka dheerow udkoonada adag, tusaale cadarada, waa in aad jeermiska gacmahaaga si fiican aad uga qalajiso inta aanad ilmaha qaban.

Waxaanu rajeynaynaa hadaad tahay waalidka in aad ka qayb qaadato kormeerka daaweynta ee maalin laha ah oo aad ka sheekayso ilmahaaga oo aad daryeelka caafimaadka ilmaha la qorshayso dhammaan kooxda daryeelka caafimaadka.