Carruurta dhasha usbuucyada 28-31

Ka fikir carruurtu si shakhsi shakhsi ah ayey horumar u sameeyaa. Heerka horumarka ilmaha ayaa ku xiran inuu ilmuhu ku dhashay usbuucan ama uu dhashay horaantii uurka.

Horumar

Maskaxdu si joogto ah ayey horumar u samaysaa oo unugyada neerfayaasha ku xeeran waxaa ku dahaaran baruur taas oo samaysa inay fariimaha neerfayaashu si dhakhso ah loo kala diro. Si tartiib ah ayey u bilaabmaan, kadibna si degdeg ah ayey u socdaan marka lagaaro wakhtigii uu ilmuhu dhalan lahaa. Akfiifiteetka maskaxdu waa mid aan joogto ahayn, laakiin waa hadda marka ay maskaxdu bilaabayso wareega inta uu ilmuhu ku jiro hurdada riyada ah ((REM-Rapid Eye Movement). Hurdada riyada ayaa ilmaha muhiim u ah awooda dareenka maskaxda si uu ilmuhu u yeesho horumar iyo hurdada qoto dheer oo muhiim u ah kartida waxbarashada. Ilmuhu wuu la socdaa dhawaaqa hoose waanu kala saarikaraa codka raga iyo codka dumarka. Dhaqdhaqaaqa indhaha ilmuhu weli may kobcin oo ilmuhu ma xakamaynkaro gebi ahaanba iftiinka soo geleya xuubka isha. Ilmuhu wuu kala saarikaraa dhadhanka macaan iyo dhadhanka dhanaan.

Qaabka dhaqdhaqaaqa ilmuhu waa mid weli weyn oo lagu wareerayo oo socda waana mid had iyo jeer u dhaca qaabab soo noqnoqda taas oo ay ilmaha laftiisa ku adag tahay inuu xadido. Wuxuu ilmuhu isku dayaa inuu isagu ismaslaxo isagoo gacanta dhigaya afka agtiisa, inuu nuugo mujuruc ama inuu wax qabto markaas kadib wuxuu ilmuhu bilaabaa inuu wax ku qabto faraha gacmaha iyo kuwa lugaha 新生儿照护

Daryeelka caafimaadka carruurta dhicisyada iyo jirooyinka ku dhasha (neonatalvård)

Wakhtiga ugu horeeya ee noloshiisa waxay ilmaha qaarkood u baahan yahay in lagu xannaaneeyo sariir dhalo ka samaysan oo diiran si uu kulayl u helo. Heerkulka jirka ee caadiga ah ayaa ilmaha muhiimad weyn u leh samaqabkiisa, koriinkiisa iyo horumarkiisa. Sariirta diiran waxa ku dahaaran oo korka laga saaray wax iftiinka badan ka ilaaliya. Maadaama maskaxda ilmuhu aanay kobcin wuxuu daryeelka caafimaadku diiradda saarayaa aamusnaanta, deggenaanshaha iyo jewi mugdi ah/meel madow. Ilmaha waxa daryeelka lagu siinayaa isagoo ku jira sariiro yaryar oo si gaar ah loogu talagalay in caawimooyinka lagu siiyo. Si loo yareeyo qaybaha doorsanaanta/dhibka waa in dhammaan daryeelka daaweynta si taxaddar leh loo qorsheeyaa.

Maadaama aanay sambabadu kobcin wuxuu ilmuhu u baahan yahay nooc ka mid ah taageero in laga caawiyo sidii uu si fiican oo qoto-dheer ugu neefsan lahaa. Carruurta inta badan waxa neeftooda lagu hagaajiyaa iyadoo la kaashanayo Cpap (Continuous Positive Airway Pressure). Wuxuu ilmuhu yeelan karaa isu dheelitirn la'aan garaaca wadnaha iyo neefsashada.

Usbuuca ugu horeeya ee nolosha carruuraha qaarkood inta badani waxay u baahan yihiin in lagu daaweeyo iftiinka dhowr goor maadaama aanu beerkoodu kobcin/korin.

Bilowga hore waxa ilmaha lagu quudiyaa oo nafaqada lagu siiyaa faleebo. Ilmaha goor hore ayaa cuntada lagu siiyaa iyadoo la kaashanayo tuunbo (sond) sanka ayaa laga geliyaa ilaa caloosha soconaysa. Haddii uu ilmuhu fiican yahay oo uu soo jeedo cuntooyin yaryar ayaa afka laga siinayaa. Marka uu ilmuhu koro ee uu kobco cuntada inta badan caloosha ayaa laga siiyaa ee uma baahna in faleebo lagu siiyo.

Maadaama maqaarka ilmuhu uu yahay mid khafiif ah iyo sistamka difaaca jirka oo aan kobcin awgeeda waxa badan khatarta infekshanka.

Iyadoo ay ku xiran tahay koriinka ilmaha (usbuuca uu ilmuhu dhashay) waxa dhicikarta in ilmaha laga beddelo sariirta dhalada ka samaysan oo loo beddelo sariir kulul. Sarriirta kululi waxay leedahay joodari biyo diiran iyo qalab ka ilaalinaya iftiinka sare. Marka ilmaha lagu daryeelayo sariirta kulul wuxuu qofku gashanayaa funaanad laga qaadanayo/amaahanayo isbitaalka.

Maxaan anigu waalid ahaan samaynkaraa?

La qaado wakhti aad u badan ilmahaaga sida ugu macquulsan kana qayb qaado daryeelka daaweynta si aad u heshid fursad aad ilmahaaga isku barataan. Carruurta da'dan oo kale ahi aad ayey ugu nugul yihiin saamaynaha dhammaantood. Ilaa xad lama falgalaan waxyaabaha ku xeeran, laakiin waxa ka caawiya waa inuu jewegu deggan yahay oo uu iskudubadhacsan yahay iyo in wax walba si tartiib tartiib ah loo sameeyo iyadoo nasashooyin la dhexgelinayo oo lagu daro wax uu ilmuhu jecel yahay ama wax saamayn ku yeelankara. Sidaa daraadeed ku qabo ilmahaaga gacmo jilicsan, diiran oo aan dhaqdhaqaaayn. Ka caawi ilmaha inuu jirku u yaalo boos fiican gacmaha iyo luguhuna ay si jicilsan oo dabacsan u yaalaan. Ilmuhu wakhtigii uu caloosha ku jiray wuxuu lahaa xuduudo cad oo dareemayey ama garanayey. Kula hadal cod dabacsan, wuu garanaya codkaaga ilmuhu. Ilmuhu codkaaga wuu garanayaa. Marka gacanta indhaha ilmaha kor laga saaro oo iftiinka laga qariyo waxay ilmaha ka caawinaysaa inuu kor wax u fiirinkaro. U keen qayb yar oo maro ah oo ay urtaadu ka urayso oo dhig meel wejigiisa u dhow.

Sida ugu dhakhsaha badan marka xaalada ilmuhu ay xasiloonaato ayaa ilmaha lagu daryeeyalayaa maqaar ilaa maqaar adiga oo xabbadka/laabta ku qabanaya, maadaama ay saamayn badan ku leedahay horumarka ilmaha iyo wanaagiisaba. Tani waxay ka caawinkartaa inuu ilmuhu wax badan iska soo taro dhinaca neefashada, garaaca wadnaha, keerkulka jirka iyo dheefshiidka cuntada. Waxay kaloo ku sii daynaysaa "hormoono wanaagsan" adiga iyo ilmahaagaba. Shaqaalaha ayaa kaa caawinaya inaad hesho boos wanaagsan aad ilmaha dhigto si aad idinku isugu heshaan wakhti fiican oo aad si wadajira ugu raaxaysataan.

Bilow in aad caanaha naasaha ku jira aad soo saarto. Dhibcaha caanaha ee naasaha ee ugu horeeya ayaa ah qaar nafaqo badan leh (kolostrum) markaa si toos ah ayaa ilmaha afkiisa loogu qabanaya markaad shaqaalaha ku heshiisaan kadib. Marka ay caanuhu caadi u soo baxaan fadlan markaa caadayso in aad caanaha in yaryar u listo si aad u siiso marka uu ilmuhu soo kaco.

Ka qayb qaado nidaamka nadaafada ee ay qaybtu leedahay si aad u caawiso oo looga hortaga infekshanka. Ka dheerow udkoonada adadag, tusaale cadarada, waa in aad jeermiska gacmahaaga si fiican aad uga qalajiso inta aanad ilmaha qaban.

Waxaanu rajeynaynaa hadaad tahay waalidka in aad ka qayb qaadato kormeerka daaweynta ee maalin laha ah oo aad ka sheekayso ilmahaaga oo aad daryeelka caafimaadka ilmaha la qorshayso dhammaan kooxda daryeelka caafimaadka.