Carruurta dhasha usbuucyada 25-27

Ka fikir carruurtu si shakhsi shakhsi ah ayey horumar u sameeyaa. Heerka horumarka ilmaha ayaa ku xirnaan inuu ilmuhu dhashay usbuucan uurka ama uu ilmuhu dhashay horaantii uurka

Horumar

Horumarka maskaxdu wuu sii socotaa waxayna maskaxdu bilowdaa inay sii fido oo ay duuduubanto, oo way leexleexataa kadibna way jeexjeexantaa. "Duuduubkan" ayaa maskaxda ka caawiya inay si fiican u shaqayso oo xoog leh waxayna aad muhiim ugu tahay waxbarashada iyo caqli badnaanta. Wuxuu ilmuhu bilaabaa inuu wax garto oo uu ka ficil-celiyo udkoonka/urta waalidkii marka ay ku daryeelayaan maqaar ill maqaar/jir ilaa jir. Waxaad kale oo aad arkikartaa inuu ilmuhu bilaabayo dhaqdhaqaaq taas oo ah inuu ka jawaabayo codka ama jabaqadda. Ilmuhu wuxuu ka ficil-celiyaa dhadhanka qaraar. Indhuhu weli aad ayey xasaasi u yihiin oo dhaqdhaqaaqa indhuhu ma aha qaar kobcay. Haddii nalka la yareeyo ama hoos loo dhigo waxay ilmaha ka caawinkartaa inuu indhaha waxyar kala furikaro.

Maqaarka carruurta dhicisyada ah ee wakhti hore dhashaa waxay leeyihiin xidido neerfayaal ah oo oogada ku yaala. Sidaa daraadeed ayuu ilmuhu u nugul yahay waxaanu ugu jecel yahay gacmo diiran oo deggan oo aan dhaqdhaqaaqayn waxaanay gacmuhu taageero siiyaan jirka ilmaha.

Qaabka dhaqdhaqaaqa ilmuhu waa mid aan qaan gaar ahayn waxaana lagu qeexaa inuu yahay mid kedis. Waxa la arkikaraa dhaqdhaqaaqyo waaweyn iyo ilmaha oo iskala bixinaya. Ilmuhu wuxuu u baahan yahay in si dabacsan oo raaxo leh looga caawiyo jirkiisa isku jira iyo gacmihiisa afka u dhow.

Way adag tahay in la arko inuu ilmuhu soo jeedo ama uu hurdo maxaa yeelay wuxuu ilmuhu u dhexeeyaa hurdo khafiif ah iyo mid soo jeed iyo hurdo isugu jirta. Muddo yar oo gaaban waa la malaynkaraa inuu ilmuhu soo jeedo oo laga yaabo inuu xitaa ilmuhu indhaha kala qaado. Ilmuhu wuxuu leeyahay tamar ku filan iyo awood uu ku sameeyo dhawaaqyo yaryar. Ilmuhu wuxuu ku dadaalaa inuu helo deggenaansho iyo nasasho si uu u koro oo uu horumar u sameeyo.

Daryeelka caafimaadka carruurta dhicisyada iyo jirooyinka ku dhasha (neonatalvård)

Wakhtiga ugu horeeya ee noloshiisa wuxuu ilmuhu u baahan yahay xannaano takhasus sare leh oo isdaba jooga (intensivtvård) in lagu daryeelo sariir dhalo ka samaysan oo leh hawo diiran oo qoyaan si uu kuleylka u ceshanakro. Heerkulka jirka ee caadiga ah ayaa ilmaha muhiimad weyn u leh samaqabkiisa, koriinkiisa iyo horumarkiisa. Maadaama maskaxda ilmuhu aanay kobcin wuxuu daryeelka caafimaadku diiradda saarayaa aamusnaanta, deggenaanshaha iyo jewi mugdi ah/meel madow. Ilmaha waxa daryeelka lagu siinayaa isagoo ku jira sariiro yaryar oo si gaar ah loogu talagalay in caawimooyinka lagu siiyo. Si loo yareeyo qaybaha doorsanaanta/dhibka waa in dhammaan daryeelka daaweynta si taxaddar leh loo qorsheeyaa.

Maadaama aanay sambabadu kobcin wuxuu ilmuhu u baahan yahay nooc ka mid ah taageero in laga caawiyo sidii uu si fiican oo qoto-dheer ugu neefsan lahaa. Bilowga hore carruur badan ayaa u baahan qalabka lagu neefsado (respirator), laakiin muddo kadib carruur badan ayaa iskoog u neefsada iyadoo uu caawinayo tusaale Cpap (Continuous Positive Airway Pressure). Wuxuu ilmuhu yeelan karaa isu dheelitirn la'aan dhinaca garaaca wadnaha iyo neefsashada.

Usbuuca ugu horeeya ee nolosha carruuraha qaarkood inta badani waxay u baahan yihiin in lagu daaweeyo iftiinka dhowr goor maadaama aanu beerkoodu kobcin/korin.
Ilmaha waxa marka ugu horeysa lagu quudiyaa oo nafaqada lagu siiyaa faleebo (dropp). Inta badan ilmaha cunto yar ayaa la siiyaa iyada oo la kaashanayo tuunbo (sond) marka ugu horeysaba sanka.

Maadaama maqaarka ilmuhu uu yahay mid khafiif ah iyo sistamka difaaca jirka oo aan kobcin awgeeda waxa badan khatarta infekshanka.

Maxaan anigu waalid ahaan samaynkaraa?

La qaado wakhti aad u badan ilmahaaga sida ugu macquulsan kana qayb qaado daryeelka daaweynta si aad u heshid fursad aad ilmahaaga isku barataan. Carruurta da'dan oo kale ahi aad ayey ugu nugul yihiin saamaynaha dhammaantood. Ilaa xad lama falgalaan waxyaabaha ku xeeran, laakiin waxa ka caawiya waa inuu jewegu deggan yahay oo uu iskudubadhacsan yahay iyo in waxlaba si tartiib tartiib ah loo sameeyo iyadoo nashooyin la dhexgelinayo oo lagu daro wax uu ilmuhu jecel yahay ama wax saamayn ku yeelankara. Sidaa daraadeed ku qabo ilmahaaga gacmo jilicsan, diiran oo aan dhaqdhaqaaayn. Ka caawi ilmaha inuu qabsado oo uu jirka boos fiican u helo gacmaha iyo luguhu ay jirka hayaan gacmuhuna u dhow yihiin afka ama wejiga. Ilmuhu waa wakhtigii uu caloosha ku jiray inuu dareemo waxyaabaha ku hareeraysan iyo xuduudihiisa. Kula hadal cod dabacsan, wuu garanaya codkaaga ilmuhu. U keen qayb yar oo maro ah oo ay urtaadu ka urayso oo dhig meel wejigiisa u dhow.

Sida ugu dhakhsaha badan ee uu ilmahaaga xaaladiisu ku noqoto mid xasilloon waxa laga saarayaa sariirta dhalada ah iyo in lagu daryeelo maqaar ilaa maqaar oo xabbadka/laabta lagu hayo. Arrintani waxay leedahay waxyaabo badan oo fiican oo ku saabsan horumarka ilmaha iyo wanaagiisa. Tani waxay ka caawinkartaa inuu ilmuhu wax badan iska soo taro dhinaca neefashada, garaaca wadnaha, keerkulka jirka iyo dheefshiida cuntada. Waxay kaloo ku sii daynaysaa "hormoono wanaagsan" adiga iyo ilmahaagaba. Shaqaalaha ayaa kaa caawinaya inaad hesho boos wanaagsan aad ilmaha dhigto si aad idinku isugu heshaan wakhti fiican oo aad si wadajira ugu raaxaysataan.

Marka aad foosha ka baxdo waxaad markiiba bilaabaysaa in aad naasaha carcargeliso si ay caanaha u soo saaraan. Dhibcaha caanaha ee naasaha ayaa ah qaar nafaqo badan leh (kolostrum) markaa si toos ah ayaa ilmaha afkiisa loogu qabanaya markaad shaqaalaha ku heshiisaan kadib. Mujuruc caanaha naasaha geli kadibna sii ilmaha maadaama uu ilmuhu u baahan yahay wuxuu nuugo.

Ka qayb qaado nidaamka nadaafada ee ay qaybtu leedahay si aad u caawiso oo looga hortaga infekshanka. Ka dheerow udkoonada adadag, tusaale cadarada, waa in aad jeermiska gacmahaaga si fiican aad uga qalajiso inta aanad ilmaha qaban.

Waxaanu rajeynaynaa hadaad tahay waalidka in aad ka qayb qaadato kormeerka daaweynta ee maalin laha ah oo aad ka sheekayso ilmahaaga oo aad daryeelka caafimaadka ilmaha la qorshayso dhammaan kooxda daryeelka caafimaadka.