Carruurta dhasha usbuucyada 22-24

Horumar

Maskaxda ilmuhu aad umay kobcin oo dusheeda sare way siman tahay. Carruurta dhicisyada ah unugyada neerfayaashoodu intooda badani way samaysmeen. Tamarta jirka intiisa badani waxay ku baxdaa horumarka maxkaxda taas oo si joogto ah u socota. Waxa samaysma laamo iyo qayb sare oo xiriirada sameeya kuwaas oo isku xira unugyada dareemayaasha si ay awood ugu helaan inay fariimaha sii gudbinkaraan
Maqalka ilmuhu wuu horumarsan yahay waxaana ilmaha dhibaysa codka/qaylada dheer ee degdega ah. Baallasha indhuhu aad ayey khafiif u yihiin oo waxyar oo keliya ayey ilmaha iftiinka ka celinkaraan. Sidaa awgeeda haddii/marka uu ilmuhu kala furo indhaha aad ayuu u dareemayaa iftiinka markaa wuxuu aad ugu baahan yahay in laga difaaco sida ugu macquulsan. Ilmuhu wuu dareemikaraa urta iyo dhadhanka.

Maqaarku muu korin/bislaan, waa khafiif, guduud waanu jilicsan yahay inuu maqaarku dhammaystirmaa waxay qaadanaysaa usbuucyo ilaa bilooyin. Maqaarka carruurta dhicisyada ahi waxay leeyihiin xidido aad u badan oo neerfayaal ah kuwaas oo kuyaala dusha sare. Sidaa daraadeed ayuu ilmuhu u nugul yahay waxaanu ugu jecel yahay gacmo diiran oo deggan oo aan dhaqdhaqaaqayn waxaanay gacmuhu taageero siiyaan jirka ilmaha.

Qaabka dhaqdhaqaaqa ilmuhu waa mid aan qaan gaar ahayn waxaana lagu qeexaa inuu yahay mid kedis. Waxa la arkikaraa dhaqdhaqaaqyo waaweyn iyo ilmaha oo iskala bixinaya. Ilmuhu wuxuu u baahan yahay in si dabacsan oo raaxo leh looga caawiyo jirkiisa isku jira iyo gacmihiisa afka u dhow.
Way adag tahay in la arko inuu ilmuhu soo jeedo ama uu hurdo maxaa yeelay wuxuu ilmuhu u dhexeeyaa hurdo khafiif ah iyo mid soo jeed iyo hurdo isugu jirta. Wuxuu ilhuhu ku dadaalaa deggenaansho iyo nasasho si tamarta uu ugu kaydsado koriinka iyo horumarka

Daryeelka caafimaadka carruurta dhicisyada iyo jirooyinka ku dhasha (neonatalvård)

Wakhtiga ugu horeeya ee noloshiisa wuxuu ilmuhu u baahan yahay xannaano takhasus sare leh oo isdaba jooga (intensivtvård) in lagu daryeelo sariir dhalo ka samaysan oo leh hawo diiran oo qoyaan si uu kuleylka u ceshanakro. Heerkulka jirka ee caadiga ah ayaa ilmaha muhiimad weyn u leh samaqabkiisa, koriinkiisa iyo horumarkiisa. Maadaama maskaxda ilmuhu aanay kobcin wuxuu daryeelka caafimaadku diiradda saarayaa aamusnaanta, deggenaanshaha iyo jewi mugdi ah/meel madow. Ilmaha waxa daryeelka lagu siinayaa isagoo ku jira sariiro yaryar oo si gaar ah loogu talagalay in caawimooyinka lagu siiyo. Si loo yareeyo qaybaha doorsanaanta/dhibka waa in dhammaan daryeelka daaweynta si taxaddar leh loo qorsheeyaa.

Xitaa sambabbada ilmuhu may kobcin, sidaa awgeed carruurtu dhammaantood waxay u baahan yihiin nooc ka mid ah in laga taageero neefsashada, inta badan qalabka marka hore fududeeya neefsashada, si uu ilmuhu si joogto neefta u qaato. Waxa dhicikarta in aanay isu dheelitirnaan garaaca wadnaha iyo neefta ilmuhu.

Inta lagu gudajiro usbuuca ugu horeeya carruurta qaarkood inta badani waxay u baahan yihiin in dhowr goor ilmaha lagu daaweeyo iftiinka maadaama aanu beerka kobcin.
Ilmaha waxa marka ugu horeysa lagu quudiyaa oo nafaqada lagu siiyaa faleebo (dropp). Inta badan ilmaha cunto yar ayaa la siiyaa iyada oo la kaashanayo tuunbo (sond) marka ugu horeysaba sanka lagaga xirayo oo ilaa caloosha soconaysa.

Maadaama maqaarka ilmuhu uu yahay mid khafiif ah iyo sistamka difaaca jirka oo aan kobcin awgeeda waxa badan khatarta infekshanka.

Maxaan anigu waalid ahaan samaynkaraa?

La qaado wakhti aad u badan ilmahaaga sida ugu macquulsan kana qayb qaado daryeelka daaweynta si aad u heshid fursad aad ilmahaaga isku barataan. Carruurta da'dan oo kale ahi aad ayey ugu nugul yihiin saamaynaha dhammaantood. Ilaa xad lama falgalaan waxyaabaha ku xeeran, laakiin waxa ka caawiya waa inuu jewegu deggan yahay oo uu iskudubadhacsan yahay iyo in waxlaba si tartiib tartiib ah loo sameeyo iyadoo nashooyin la dhexgelinayo oo lagu daro wax uu ilmuhu jecel yahay ama wax saamayn ku yeelankara. Sidaa daraadeed ku qabo ilmahaaga gacmo jilicsan, diiran oo aan dhaqdhaqaaayn. Ka caawi ilmaha inuu qabsado oo uu jirka boos fiican u helo gacmaha iyo luguhu ay jirka hayaan gacmuhuna u dhow yihiin afka ama wejiga. Ilmuhu waa wakhtigii uu caloosha ku jiray inuu dareemo waxyaabaha ku hareeraysan iyo xuduudihiisa. Kula hadal cod dabacsan, wuu garanaya codkaaga ilmuhu. U keen qayb yar oo maro ah oo ay urtaadu ka urayso oo dhig meel wejigiisa u dhow.

Sida ugu dhakhsaha badan ee uu ilmahaaga xaaladiisu ku noqoto mid xasilloon waxa laga saarayaa sariirta dhalada ah iyo in lagu daryeelo maqaar ilaa maqaar oo xabbadka/laabta lagu hayo. Arrintani waxay leedahay waxyaabo badan oo fiican oo ku saabsan horumarka ilmaha iyo wanaagiisa. Tani waxay ka caawinkartaa inuu ilmuhu wax badan iska soo taro dhinaca neefashada, garaaca wadnaha, keerkulka jirka iyo dheefshiidkaba. Waxay kaloo ku sii daynaysaa "hormoono wanaagsan" adiga iyo ilmahaagaba. Shaqaalaha ayaa kaa caawinaya inaad hesho boos wanaagsan aad ilmaha dhigto si aad idinku isugu heshaan wakhti fiican oo aad si wadajira ugu raaxaysataan.

Marka aad foosha ka baxdo waxaad markiiba bilaabaysaa in aad naasaha carcargeliso si ay caanaha u soo saaraan. Dhibcaha caanaha ee naasaha ayaa ah qaar nafaqo badan leh (kolostrum) markaa si toos ah ayaa ilmaha afkiisa loogu qabanaya markaad shaqaalaha ku heshiisaan kadib. Mujuruc caanaha naasaha geli kadibna sii ilmaha maadaama uu ilmuhu u baahan yahay wuxuu nuugo.

Ka qayb qaado nidaamka nadaafada ee ay qaybtu leedahay si aad u caawiso oo looga hortaga infekshanka. Ka dheerow udkoonada adadag, tusaale cadarada, waa in aad jeermiska gacmahaaga si fiican aad uga qalajiso inta aanad ilmaha qaban.

Waxaanu rajeynaynaa hadaad tahay waalidka in aad ka qayb qaadato kormeerka daaweynta ee maalin laha ah oo aad ka sheekayso ilmahaaga oo aad daryeelka caafimaadka ilmaha la qorshayso dhammaan kooxda daryeelka caafimaadka.