Carruurta dhasha usbuucyada 32-35

Ka fikir carruurtu si shakhsi shakhsi ah ayey horumar u sameeyaa. Heerka horumarka ilmaha ayaa ku xiran inuu ilmuhu ku dhashay usbuucan ama uu dhashay horaantii uurka.

Horumar:

Koboca maskaxxda ee unugyada cusub iyo habka sida shabakada oo kale ee u dhexeeya ayaa si joogto ah u socda. Qiyaastii usbuuca 34 aad ayey ilmaha maskaxdiisu sadex meelood oo laba meelood leekaataa haddii uu ilmuhu dhalan lahaa wakhtigii uurka inuu dhammaystirmo loogu talagay. Isla mar ahaantaana bu'da isha ayaa horumar ilaa xad samaysay waxay ka ficil-celinaysaa iftiinka iyada soo yaraanaysa marka loo baahdo. Baalka isha wuu buurtay waanu ilaalinkaraa isha. Karaanka awoodeed ee isugeynta neefsahada, nuugitaanka iyo waxa liqida ayaa bilaabmaya inay horumar sameeyaan. Ilmuhu wuxuu hadda doorbiyaa dhadhanka macaan.

Qaabka dhaqdhaqaaqa ilmuhu waa mid weli mid weyn oo si gundhig ah u socda. Ilmuhu isaga ayaa keligii wax qabsankara, madaxiisa kor u qaadikara oo noqda mid dhaqdhaqaaqa. Haddii ay jiraan waxyaabo aad u badan oo ilmaha u dhow oo carcargeliya ilmaha ayaa laga yaabaa inuu welwelo maadaama uu ilmuhu haysto awood ku filan oo uu ku muujiyo isaga oo lugaha iyo gacmaha tuuraya. Wuxuu ilmuhu hadda bilaabaya wakhtiyo gaaban inuu xiriiro sameeyo isaga oo kor u fiirinaya waalidkii.

Waxa bilaabaysaa in aad aragto qaab cad oo ah wakhtii hurda iyo wakhtigii uu ilmuhu kacayey. Inta uu hurdada ku jiro waxaad arkaysaa indhaha oo dhakhso u dhaqdhaqaaqaya. Ilmuhu wuxuu weli ku dadaalayaa inuu marka horeba uu seexdo si uu u koro oo uu horumar u sameeyo. Ilmuhu wxuu qiyaastii hurdaa 80-90% qiyaastii afar iyo labaatankii saacadoodba

Daryeelka caafimaadka carruurta dhicisyada iyo jirooyinka ku dhasha (neonatalvård)

Wakhtiga ugu horeeya ee noloshiisa waxay ilmaha qaarkood u baahan yahay in lagu xannaaneeyo sariir dhalo ka samaysan oo diiran si uu kulayl u helo. Heerkulka jirka ee caadiga ah ayaa ilmaha muhiimad weyn u leh samaqabkiisa, koriinkiisa iyo horumarkiisa. Sariirta diiran waxa ku dahaaran oo korka laga saaray wax iftiinka badan ka ilaaliya. Maadaama maskaxda ilmuhu aanay kobcin wuxuu daryeelka caafimaadku diiradda saarayaa aamusnaanta, deggenaanshaha iyo jewi mugdi ah/meel madow. Ilmaha waxa daryeelka lagu siinayaa isagoo ku jira sariiro yaryar oo si gaar ah loogu talagalay in caawimooyinka lagu siiyo. Si loo yareeyo qaybaha doorsanaanta/dhibka waa in dhammaan daryeelka daaweynta si taxaddar leh loo qorsheeyaa.

Maadaama sambabadu aanay sidii la rabay ukobcin wuxuu ilmuhu u baahan yahay nooc ka mid ah taageero in laga caawiyo sidii uu si fiican oo qoto-dheer ugu neefsan lahaa. Wakhti xadidan ayaa tusaale ahaan loo baahan yaha Cpap (Continuous Positive Airway Pressure). Wuxuu ilmuhu yeelan karaa isu dheelitirn la'aan garaaca wadnaha iyo neefsashada.

Usbuuca ugu horeeya ee nolosha carruuraha qaarkood inta badani waxay u baahan yihiin in lagu daaweeyo iftiinka dhowr goor maadaama aanu beerkoodu kobcin/korin.

Bilowga hore waxa ilmaha lagu quudiyaa oo nafaqada lagu siiyaa faleebo. Ilmaha goor hore ayaa cuntada lagu siiyaa iyadoo la kaashanayo tuunbo (sond) sanka ayaa laga geliyaa ilaa caloosha soconaysa. Haddii uu ilmuhu fiican yahay oo uu soo jeedo cuntooyin yaryar ayaa afka laga siinayaa. Marka uu ilmuhu koro ee uu kobco cuntada inta badan caloosha ayaa laga siiyaa ee uma baahna in faleebo lagu siiyo.

Iyadoo ay ku xiran tahay koriinka ilmaha (usbuuca uu ilmuhu dhashay iyo heerka uu ka gaaray koboca/koriinka) waxa dhicikarta in ilmaha laga beddelo sariirta dhalada ka samaysan oo loo beddelo sariir kulul waxaanay sariirtu leedahay wax ku dahaaran oo korka laga saaray oo iftiinka badan ka ilaalinaya. Marka ilmaha lagu daryeelayo sariirta diiran wuxuu qofku gashanayaa funaanad laga qaadanayo/amaahanayo isbitaalka. Waxa kale oo xitaa dhicikarta inay noqoto wakhtigii aad idinku si wadajir ah u degi lahaydeen qolka daryeelka qoyska ee qaybta ku yaala.

Maxaan anigu waalid ahaan samaynkaraa?

Wakhtiga badan ee aad idinku isla qaadateen ayaa waxaad adiga iyo ilmahaaguba dareemaysaan wanaag badan. Fadlan qorshee in aad ilmahaaga la joogto marka uu ilmuhu wax cunayo, xafaayada laga beddelayo, loo qobeynayo ama la miisaamayo si aad goobta u joogto oo aad u daryeeshaan ilmahaaga adiga iyo shaqaaluhuba si aad ilmahaaga u barato iyo in aad aragto sida uu horumarka u samaynayo. Carruurtu markay da'dan yihiin way u nugul yihiin aragtida. Ilaa xad lama falgalaan waxyaabaha ku xeeran, laakiin waxa ka caawiya waa inuu jewegu deggan yahay oo uu iskudubadhacsan yahay iyo in wax walba si tartiib tartiib ah loo sameeyo iyadoo nasashooyin la dhexgelinayo. Sidaa daraadeed ku qabo ilmahaaga gacmo jilicsan, diiran oo aan dhaqdhaqaaayn oo cadaadis dabacsan leh. Ka caawi ilmaha inuu jirku u yaalo boos fiican gacmaha iyo luguhuna ay si jicilsan oo dabacsan u yaalaan. Ilmuhu wakhtigii uu caloosha ku jiray wuxuu lahaa xuduudo cad oo dareemayey ama garanayey. Kula hadal cod dabacsan ama si tartiiba ugu hees Ilmuhu codkaaga wuu garanayaa. Marka gacanta indhaha ilmaha kor laga saaro oo iftiinka laga qariyo waxay ilmaha ka caawinaysaa inuu kor wax u fiirinkaro. Wejiga bani,aadamka ayaa ugu fiican in ilmo yar aragtidiisa lagu xiiso geliyo. U keen qayb yar oo maro ah oo ay urtaadu ka urayso oo dhig meel wejigiisa u dhow.

Sida ugu dhakhsaha badan marka xaalada ilmuhu ay xasiloonaato ayaa ilmaha lagu daryeeyalayaa maqaar ilaa maqaar adiga oo xabbadka/laabta ku qabanaya. Isku day in aad wakhti badan u hesho ilmahaaga si aad ugu daryeesho maqaar ilaa maqaar/jir ilaa jir maadaama ay saamayn badan ku leedahay horumarka ilmaha iyo wanaagiisaba. Tani waxay ka caawinkartaa inuu ilmuhu wax badan iska soo taro dhinaca neefashada, garaaca wadnaha, keerkulka jirka iyo dheefshiidka cuntada. Waxay kaloo ku sii daynaysaa "hormoono wanaagsan" adiga iyo ilmahaagaba. Shaqaalaha ayaa kaa caawinaya inaad hesho boos wanaagsan aad ilmaha dhigto si aad idinku isugu heshaan wakhti fiican oo aad si wadajira. Qaybta waxa yaala qalabka wax lagu xambaaro oo kala duwan, waydiiya shaqaalaha iyaga ayaa idinka caawinaya waxa qoyskiina ku haboon.

Bilow adigu in aad caanaha naasaha ku jira aad soo saarto. Dhibcaha caanaha naasaha ee ugu horeeya ayaa ah qaar nafaqo badan leh (kolostrum) markaa si toos ah ayaa ilmaha afkiisa loogu qabanaya markaad shaqaalaha ku heshiisaan kadib. Marka ay caanuhu caadi u soo baxaan fadlan markaa caadayso in aad caanaha in yaryar u listo si aad u siiso marka uu ilmuhu soo kaco.

Waa muhiim in hadda ilmaha la baro si uu wax u cuno si uu koriinkiisu u sii socdo. Marka laga reebo faleebada ilmaha cuntada lagu siiyo waxa hadda haboon in la bilaabo inuu ilmuhu naaska hooyadii barto inuu nuugo ama la siiyo masaasada caanaha. Qaybta waxa ka shaqeeya qof loogu talagalay inuu caawiyo naas nuujinta haddii loo baahdo.

Ka qayb qaado nidaamka nadaafada ee ay qaybtu leedahay si aad u caawiso oo looga hortaga infekshanka. Ka dheerow udkoonada adag, tusaale cadarada, waa in aad jeermiska gacmahaaga si fiican aad uga qalajiso inta aanad ilmaha qaban.
Waxaanu rajeynaynaa hadaad tahay waalidka in aad ka qayb qaadato kormeerka daaweynta ee maalin laha ah oo aad ka sheekayso ilmahaaga oo aad daryeelka caafimaadka ilmaha la qorshayso dhammaan kooxda daryeelka caafimaadka.