Cunto ku siinta tuumbada (Sondmatning)

Carruurta dhiciska ahi waxay u baahan yihiin wakhti ay ku sameeyaan horumarka awoodeed ee dhinaca nuugitaanka iyo liqtaanka iyo inay isla markaa neefsankaraan

Goorma

Carruuraha ku dhasha qiyaastii usbuuca 30aad waxay mararka qaarkood baran karaan inay isku dubbaridaan nuugitaanka, liqitaanka iyo neefsashada dhowr usbuuc oo keliya kadib. Laakiin haddii uu ilmuhu wakhti hore dhashay iyo/ama uu leeyahay dhibaato dhinaca neefsashada wakhti dheer ayey ku qaadanaysaa. Xitaa carruurta aan ku dhalan dhicisnimada, laakiin xanuun ku dhashay bilowga hore way ku adag tahay inay keligood wax cunaan. Si uu markaa ilmuhu u helo nafaqo wuxuu u baahan yahay in tuumbo cuntada lagu siiyo inta uu ka baranayo inuu keligii wax cuno.

Meelayn

Tuumbada cuntada waxa la gelinayaa uuslayda/caloosha iyada oo la siimarinayo daloolada sanka mid ka mid ah. Si loo hubiyo inay tuumada booskii loogu talagalay ay ku jirto waa in kaanarool lagu sameeyo intaan cuntada la siin kahor.

Wakhtiga cuntada

Sida dhakhsaha ama tartiibta uu ilmuhu cuntadiisa u cunayo waa arrin ku xiran shakhsinimada qofka. Waxa jira xeer guud oo ah in si taxaddar leh 1 milliliter oo cunto daqiiqadiiba la siiyo. Laakiin carruuraha qaar ayaa gaajooda bilowga wakhtiga cuntada waanay welwelaan haddii aan millimitirada ugu horeeya loo siin si dhakhso leh. Carruraha qaar ayaa u baahan in cuntada loo siiyo si tartiib ah, si aanay ugu xanuunsan. Qiyaasta marka cuntada badan la siinayo hal wakhti waxay qaadanaysa inta u dhaxaysa 20 ilaa 40 daqiiqo.

Haddii uu ilmuhu qaadanayo hal ama dhowr daawo waxa haboon in daawooyinka la siiyo marka ilmaha cunto la siiyo kadib. Haddii la siinaayo dhowr daawo waxa fiican in daawooyinka loogu kala qaybiyo inta uu cuntada cunayo dhexdeeda.

Marka loogu dhammaystiro cuntada tuumbada

Marka cunta siintii dhammaatay ayaa 0,5 – 1 milliliter oo hawo ah lagu shubayaa tuumbadii si looga nadiifiyo caanihii.