Aragtida dhadhanka – cuntada afka ku jirta
Dhammaan carruurta ku jirta qaybta dhicisyada iyo jirooyina (marka laga reebo carruurta daawooyinka qaata ee aan cuntada la siinkarin) waxa haboon inay nuugaan caanaha naasaha (ama in la siiyo caanaha naasaha beddelkooda) dhowr goor maalintii. Tan waxa loola jeedaa inay carruurtu cuntada afka laga siinayo ka qaataan aragti wanaagsan iyo in maaddada la falgasha dedejiska (enzymer) ee ilmaha afkiisa ku jirtaa ay gacan ka geysto dheefshiidka.
Cuntooyin yaryar oo uu dhadhamiyo ayaa afka loo gelgelinayaa marka cuntada la siinayo, sida ku qoran dukumentyadii daryeelka ama marka uu ilmuhu soo jeedo ee ay ka muuqato inuu cuntada xiise u hayo.
1ml oo caano ah ku sii tuumbada (1ml-sondspruta) adiga oo u raacinya mujuruc ama qoriga yar ee cudbiga dusha kawata (tops) caanaha naasaha intaad geliso afka u geli ilmaha si uu u nuugo.