Naas-nuujinta ilmaha dhiciska

Haddii uu ilmuhu ku dhasho dhicisnimo naas-nuujintu waxa marmarka qaarkood lagu tilmaamikaraa inay leedahay qaabka ”taayirka naas-nuujinta” wadada naas-nuujintu”. Jidka loo marayo cunta siinta ilmuhu hore ayey u socotaa marmarka qaarkoodna waxoogaa ayey gadaal u socotaa iyadoo ay ku xiran tahay sida uu ilmuhu u caafimadqabo.

Jidadkan kala duwani waxay qaadankartaa wakhtiyo kala duwan maaaama ay carruurtu kala duwan tahay, la soco calaamadaha uu ilmuhu muujiyo kadibna u sii ilmaha sida wax u rabo. Waydiiso caawimo shaqaalaha si aad u turjumato calaamadaha uu ilmuhu bixinayo kadibna waydii goorta la qaadayo tallaabada ku xigta.

Tallaabada koowaad: xiriirka-Maqaar-ilaa-maqaar

Tallaabada koowaad ee nuujintu waxay ku bilaabmaysaa xiriirka-maqaarka-ilaa maqaarka ee waalidka. Xiriirka maqaarka ilaa maqaarku faa'iidooyin badan ayuu u leeyahahay adiga oo waalida, wax soo saarka caanaha iyo ilmahaagaba. Sidoo kale adiga waalidka ah way kuu fududaanaysaa in aad fahamto calaamadaha uu ilmuhu bixiyo marka uu diyaar u yahay inuu naaska nuugo.

Tallaabada labaad: Leefaya, carrabka ku leef-leefaya, raadinaya

Tallaabada ku xigtaa waa marka ilmuhu muujiyo calaamad rabitaan inuu wax nuugo, isagoo leef-leefaya, carrabka u leef-leefaya oo raadinaya. Marka iyada oo laga ambaqaadayo, xaalada caafimaad ee ilmaha iyo awoodiisa, in markaa naaska la siiyo. Waxa laga yaabaa inuu marka hore ilmuhu markiiba toos u seexdo waana wax caadi ah. Intee in leeg ayuu ilmuhu awoodikaraa inuu naaska nuugo bilowga hore carruurtu way ku kala duwan yihiin arrintaas. La soco calaamadaha uu ilmuhu bixiyo kadibna u ogolow sida uu ilmuhu rabo. Ilmaha dhiciska ahi wuxuu u baahan yahay in laga caawiyo booska uu jiifo marka uu naaska nuugayo iyo xitaa adiga oo hooyada ah waxaad u baahan tahay inay gacmahaagu helaan boos fiican.

Tallaabada sadexaad: naasaha ayuu raadinayaa oo wuu heleyaa

Marka uu ilmuhu diyaar u yahay tallaabada sadeaxaad, wuxuu ilmuhu bilaabayaa inuu naasaha raadiyo isaga oo qabsanaya naaska kadibna uu nuugo dhowr goor ama dhowr goor oo wada socda. Bilowga hore wakhtiyo yar ayuu haystaa, kadibna wakhti dheer ayuu u dhaxaysiiyaa inta aanu mararka kale iskudeyin. Waxa xitaa laga yaabaa inuu marmar ilmuhu waxyar oo caanaha ah liqo.

Tallaabada afraad: Qabsashada

Tartiib tartiib ayuu ilmuhu u bilaabaa inuu wakhti dheer u qabsado, oo uu muddo dheerna naasaha u nuugo. Ilmuhu marmarka qaarkood wuxuu liqaa caano badan. Fadlan sii ilmaha naasaha sida ugu dhakhsaha badan marka aad aragto calaamado xitaa haddii ay jiraan qorshe ku saabsan in cunto lagu siinayo tuumbada.

Tallaabada shanaad: Naas-nuujinta muddada dheer

Ilmuhu wuxuu markan bilaabikaraa inuu naaska nuugo muddo dheer isagoo u dhaxaysiinaya nasashooyin gaagaaban, markaana caano badan ayuu cabbaa. Waxa la soo gaaray wakhtigii la yaran lahaa cadadkii cuntada ee tuumbada lagu siinjiray iyado oo inta badan loogu beddelayo naas-nuujin, arrintaana shaqaalaha ayaa lagala tashanayaa.

Tallaabada lixaad: Naasaha ayuu si buuxda u nuugayaa

Marka uu ilmuhu diyaar noqdo ayaa si tartiib tartiib ah loogu wada wareejinayaa inuu naasaha si buuxda u wada nuugo. Carruur badan ayaa waxay u baahan yihiin in wax badan lookala joojoojiyo. Sii ilmaha naasaha marka aad aragto inuu caalaamado ku tusay, bilowga hore yaree qiyaastii 3:e-4:e saacadood.

Caanaha oo la lisaa naasaha ayey fududaynayaan

Markuu ilmuhu ku wareegayo inuu naaska nuugo waad u fududaynkartaa adiga oo kicinaya soo saarka caanaha adiga oo gacanta naasaha ku lisaya ama mishiinka ku lisaya. Marmarka qaarkood way adkaankartaa in caano badan la liso adiga oo isticmaalaya gacanta ama mishiinka maxaa yeelay si fiican caanuhu uma soo baxayaan sida marka uu ilmuhu nuugayo naasaha oo kale. Xitaa haddii ay marmarka qaarkood adag tahay in caanaha lagu liso gacanta ama mishiinka haddana way wanaagsan tahay in la ilaaliyo wax soo saarka caanaha naasaha ku jira. Marka uu ilmuhu diyaar u yahay inuu naasaha nuugo oo uu bilaabo inuu naasaha kicikyo badanaa waxa kordha caanaha. Tani waxay marmar dhacdaa markuu qofku gurigiisa yimaado ee uu joog bey'adda gurigiisa.

Akhri qoraal intaa dheer